{"id":17899,"date":"2020-02-06T23:18:32","date_gmt":"2020-02-06T23:18:32","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17899"},"modified":"2020-02-06T23:18:34","modified_gmt":"2020-02-06T23:18:34","slug":"mareykan-iyo-iiraan-laba-abeeso-oo-dhiiggayga-jaqaayey-maanta-ma-is-cunayaan-wq-dr-abdulqani-hussein-badder","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17899","title":{"rendered":"Mareykan iyo Iiraan: Laba Abeeso Oo dhiiggayga Jaqaayey, Maanta Ma Is Cunayaan? WQ: Dr. Abdulqani Hussein Badder"},"content":{"rendered":"\n<p>Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii\nCiraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xuseen, labadii barakeeyey xasuuqa suuriya\niyo ilaalinta Bashaar Alasad, labadii Yemen dumiyey ee Xawthiyiinta u\ngacangeliyey, labadii, hadda waa labadii.. ayaa maanta siyaasad xumida Taraam\nawgeed is khilaafsan!<\/p>\n\n\n\n<p>Mareykanku waa cadow, Chine waa cadow, Ruushku waa cadow,\nIiraanna waa cadow, dhammaantooda waa awoodo danahooda dhaqaale iyo\ncaqiidadooda u dulleeya oo u dulmiya ummadaha kale.<\/p>\n\n\n\n<p>Afartaasiba xasuuq iyo dabargoyn ayay ku hayaan muslimiinta,\nwaxaana ugu dhib badan Maraykanka, isagaana ugu awood badan uguna saameyn\nbadan.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhab ahaanse marka taariikhda wax lagu qiimeeyo, caqiidada la\neego, aadminnimada iyo dhaqanka la fiiro geliyo, saddexda kale waa Ruushka,\nChine iyo Iiraan ayaa ka cadaawad xun Maraykan, hase yeeshee fursadda uu\nMaraykan awooddiisa ku helay ayaanay iyagu weli mid la mid ah helin, hadday\nhelaanna way ka dhib badnaan doonaan.<\/p>\n\n\n\n<p>Iiraan iyo China haddii ay awoodaan waxa ay dumin doonaan\ngoobaha cibaadada ee Muslimka oo dhan, waxaanay xasuuqi doonaan cid kasta oo\nAlle ku caabudda diinta Nebi Muxammad-scw- Sida imikaba xaalku ku dhowyahay\ndalalkooda.<\/p>\n\n\n\n<p>Sheekh la odhan jiray Cabdalla Sactar oo masjid weyn oo\nmagaalada Sanca ku yaalay ka khudbayn jiray ayaan ka bartay (\u0627\u0644\u0644\u0647\u0645 \u0633\u0644\u0637 \u0627\u0644\u0638\u0627\u0644\u0645\u064a\u0646 \u0628\u0627\u0644\u0638\u0627\u0644\u0645\u064a\u0646\u060c \u0648\u0623\u062e\u0631\u062c\u0646\u0627 \u0645\u0646 \u0628\u064a\u0646\u0647\u0645 \u0633\u0627\u0644\u0645\u064a\u0646), Allahayow daalimiinta isku sallid\noo naga dhex saar annaga oo nabadqabna.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa aad iyo aad u fiican oo inala gudboon inta aynaan cid\ntaageerin ama colaadin in aynnu sooyaalka taariikheed ee ciddaas,\nistiraatiijiyaadkooda siyaasadeed iyo rumayntooda caqiido ee dhabta ah ku\nmiisaanno waxa aynnu metelaynno ee dad iyo diin ah, oo aanay cadaawad aynnu cid\ngaar ah u qabno iyo caaddifadi ina indho tirin.<\/p>\n\n\n\n<p>Alle muslimka ha u hiiliyo oo ha tabantaabiyo, tawfiiqdana ha\nina waafajiyo- Aamiin.<\/p>\n\n\n\n<p>Dr-Abdulqani Hussein Beder<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"231\" height=\"218\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/Dr.-Cabdiqani.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-17900\"\/><\/figure>\n\n\n\n<p>===========================================================<\/p>\n\n\n\n<p>Gacanlibaaxnews masuul ka ma aha\nhabka iyo curinta qoraalkan, ee waa fikir iyo aragti u gaar ah qoraha. Waxa se\nGacanlibaaxnews masuuliyadi ka saran tahay hubinta iyo ka la haadinta ka hor\ninta aanan idiin soo baahin qoraalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii Ciraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xuseen, labadii barakeeyey xasuuqa suuriya iyo ilaalinta Bashaar Alasad, labadii Yemen dumiyey ee Xawthiyiinta u gacangeliyey, labadii, hadda waa labadii.. ayaa maanta siyaasad xumida Taraam awgeed is khilaafsan! Mareykanku waa cadow, Chine waa cadow, Ruushku waa cadow, Iiraanna waa cadow, dhammaantooda waa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":17900,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-17899","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17899","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=17899"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17899\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17901,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17899\/revisions\/17901"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/17900"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=17899"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=17899"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=17899"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}