{"id":17902,"date":"2020-02-08T22:27:41","date_gmt":"2020-02-08T22:27:41","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17902"},"modified":"2020-02-08T22:27:43","modified_gmt":"2020-02-08T22:27:43","slug":"wasiirkii-amniga-jubbaland-oo-ka-warramay-sidii-uu-uga-baxsaday-xabsigurigii-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17902","title":{"rendered":"Wasiirkii Amniga Jubbaland Oo Ka Warramay Sidii Uu Uga Baxsaday Xabsigurigii Muqdisho"},"content":{"rendered":"\n<p>Buulaxaawo-(GLN): Labadii toddobaad\nee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysay inay dadaal ugu jirto\nsidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka\nJubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan), kaasoo ay sheegeen inuu ka\nbaxsaday xabsi lagu hayay.<\/p>\n\n\n\n<p>Dad badan waxay su\u2019aalo iska\nweydiinayeen sida ay ku dhacday in Cabdirashiid uu baxo faraha dowladda\nfederaalka.<\/p>\n\n\n\n<p>Janan, oo aan warbaahinta la hadlin\ntan iyo markii uu ka tagay Muqdisho, ayaa markii ugu horreysay BBC-da uga warramay\nqaabkii ay ugu suurtagashay inuu ka fakado xabsiga lagu ilaalinayay.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cSida uu horayba\nsarkaal ka tirsan ciidamada asluubta Soomaaliya bulshada ugu caddeeyay, aniga\nxabsi la ima geynin. Markii garoonka diyaaradaha la iga qabtay, waxaa i qabtay\nniman boolis ah oo labisan iyo niman dharcad ah oo isla socda, mid ka mid ah\ndharcadka ayaana amrayay ciidanka\u201d, ayuu yidhi.<\/p>\n\n\n\n<p>Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu\nBBC-da u sheegay in xaafado caadi ah lagu hayay intii uu ku jiray gacanta\nciidamada dowladda Federaalka.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cMarkii la i qabtay kaddib waxaa la\ni geeyay xaafad aad u fog, oo markii dambe aan gadaal ka fahmay inay ahayd\ndegmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Muddadii shanta bilood ahayd ee la i\nhayay, maalinba waxaa la i geynayay guri xaafad ka tirsan ilaa ugu dambeyntii\nla i keenay guri ku yaalla xaafadda Shibis, halkaasoo aan muddo 7 cisho ah ku\nsugnaa.<\/p>\n\n\n\n<p>Janan ayaa ka hadlay qaabkii loola\ndhaqmay intii gacanta lagu hayay.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cAniga iyo niman askar ah oo dhowr\niyo toban ah ayaa isla joognay xaafado ay dad shacab ah u dhisteen si gaar ah,\nhalkaas ayaana la igu hayay. Runtii askarta gacanta igu heysay wax xumaan ah oo\nka baxsan amarrada la siinayay oo ay ii geysteen ma jirin, laakiin waxaa jirtay\nxumaan farabadan oo amarro askartaas lasoo siiyay ah oo ay ku khasbanaayeen\ninay fuliyaan\u201d.<\/p>\n\n\n\n<p>Cabdirashiid Janan ayaa dhanka kale\nfaahfaahiyay sababihii loo sheegay in loo xidhay.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cMarkii ugu horreysay waxaa la ii\nsheegay in sababta la ii xiray ay tahay dalab ku aaddanaa inaan dowladda\nFederaalka ku wareejiyo ciidamo 1000 askari ah oo daraawiish ah, laakiin ma\naqbali karin arrintaas, balse aniga waxaan fahansanaa in la ii xiray arrimo ku\nsaabsan doorashadii ka dhacday Kismaayo, waxaana la igula kaftamay in la iga\ndaba keeni doono madaxweyne Axmed Madoobe\u201d, ayuu yidhi.<\/p>\n\n\n\n<p>Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya\nayaa horay u beenisay in arrimo siyaasadeed loo xiray Janan, laakiin waxay\nshaacisay in loo heystay eedeymo ku saabsan tacaddi bani\u2019aadannimo.<\/p>\n\n\n\n<p>Markii aan weydiinnay su\u2019aasha ku\nsaabsan inuu ka warramo qaabkii uu ku baxsaday, Cabdirashiid wuu qoslay,\nwuxuuna ka bixiyay sharraxaad:<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWay jirtaa inaysan cidna i sii\ndeynin, howl aan aniga isku xidhxidhayay oo uu Rabbi ii fududeeyay ayaan kusoo\nbaxsaday\u201d, ayuu yidhi.<\/p>\n\n\n\n<p>Isagoo sii faahfaahinaya ayuu yidhi:\n\u201cMarkii aan ogaaday inaan la i sii deyn doonin ilaa wax kasta oo ay dowladda\nfederaalka rabto ay ka sameysato Jubbaland, waxaan go\u2019aansaday inaan qorsheeyo\nsidii aan uga bixi lahaa gurigii la igu hayay, kaddibna shan boqol oo kiiloo\nmitir ayaan soo maray badda\u201d.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cMarkii aan baxay kaddib saddex\nmaalmood iyo saddex habeen ayaan joogay Muqdisho. Waxaana ii suurtagashay inaan\nxilli maalinnimo ah soo raacay doon. Doonta waxaa ii waday niman Soomaaliyeed\noo iyaga iska leh, cidna ima soo raacin oo kaligey baan ahaa\u201d, ayuu yidhi.<\/p>\n\n\n\n<p>Janan ayaa ka gaabsaday inuu si cad\nu sheego magacyada dadkii garabka ku siiyay inuu baxsado.<\/p>\n\n\n\n<p>Wuxuu si kooban u sheegay inay\nMas\u2019uuliyiin ka tirsan dowladda gacan ku siiyeen inuu baxsado.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhinaca kalena wuxuu beeniyay warar\nsheegayay in diyaarad millatari oo ay leedahay dowladda Kenya lagu geeyay\nmagaalada Nairobi.<\/p>\n\n\n\n<p>Wuxuu sheegay inuu hadda ku sugan yahay Buulaxaawo qorsheynaya inuu qabta degmoyin ka tirsan gobolka Gedo.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"696\" height=\"464\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/Janan-696x464-1.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-17903\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/Janan-696x464-1.jpg 696w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/Janan-696x464-1-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<p>Xigasho: BBCSomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Buulaxaawo-(GLN): Labadii toddobaad ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysay inay dadaal ugu jirto sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan), kaasoo ay sheegeen inuu ka baxsaday xabsi lagu hayay. Dad badan waxay su\u2019aalo iska weydiinayeen sida ay ku dhacday in Cabdirashiid uu baxo faraha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":17903,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-17902","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17902","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=17902"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17902\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17904,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17902\/revisions\/17904"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/17903"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=17902"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=17902"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=17902"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}