{"id":1810,"date":"2016-09-27T07:39:57","date_gmt":"2016-09-27T07:39:57","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1810"},"modified":"2016-09-27T07:39:57","modified_gmt":"2016-09-27T07:39:57","slug":"xukumada-somaliya-oo-dalka-hindiya-kala-hadashay-dhalinyaro-somali-ah-oo-dil-ku-xukuman","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1810","title":{"rendered":"Xukumada Somaliya Oo Dalka Hindiya Kala Hadashay dhalinyaro Somali ah Oo Dil Ku Xukuman."},"content":{"rendered":"<h1>Xukumada Somaliya Oo Dalka Hindiya Kala Hadashay dhalinyaro Somali ah Oo Dil Ku Xukuman.<\/h1>\n<p>Muqdisho(GLN)_Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Xukumadu ay sameyneyso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xidhan dalka Hindiya dib dalka loogu soo celiyo leh.<span id=\"more-56304\"><\/span><\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaalida ku xidhan magaalada Mumbai ee gobolka Maharashtra uu arintooda kala hadley Raysal Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, isla markaana labada dal uu haatan u socdo wadahadal dhanka sharciga ah oo arrintan lagu xalinayo.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ku bogaadinayaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya iyo safaaraddeena aan ku leenahay magaalada Delhi oo iyagoo kaashanaya qareenada u doodaya maxaabiista si fiican u gudagaley kiiska wiilashan xidhan\u2019\u2019.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Somaliya ayaa beeniyay warar sheegaya in dhalinyaro somali ah dalka hindiya dhawaan Dil lagu xukumay.<\/p>\n<p>\u201cWararka beryahan ay isla dhex-marayeen qalabka warbaahinta ee ahaa inay jiraan in 50 Soomaali ah oo xukun dil ah lagu riday waa kuwo been abuur ah, dadka ayaana lagu jahwareerinayey. Sida ay safaaraddeena iyo qareenada inoo xaqiijiyeen dembiyada raggan Soomaalida ah lagu haysto kuma jirto wax ay ciqaab dil ah ku muteysan karaan. Waxaana rajeynayaa in dadaalada socda ay mar dhow mira dhali doonaan\u2019\u2019, ayuu yidhi Madaxweynaha.<\/p>\n<p>Maxaabiista Soomaalida ee ku xidhan hindiya ayaa tiradooda ay boqol kor u dhaafeysaa, waxaana ay ku eedeysan yihiin dembiyo budhcad badeednimo ah.<\/p>\n<p>Intii u dhexeysa 2012 ilaa 2014 waxay xukumada Soomaaliya ka shaqeysay, kuna guuleysatey sii deynta 98 maxaabiis Soomaali ah oo ku kala xidhnaa dalala India iyo Maldives.<\/p>\n<p>Sikasta ha ahaate Hadalkan madaxwynaha somaliya xasan sheekh maxamud ayaa imanayaa ka dib markii dhawaan ay xukumada hindiya ayaa sheegatay in ay dhalinyaro somali ah dil ku xukumayso taaso ay ku eedeyeen dembiyo budhcad badeednimo ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xukumada Somaliya Oo Dalka Hindiya Kala Hadashay dhalinyaro Somali ah Oo Dil Ku Xukuman. Muqdisho(GLN)_Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Xukumadu ay sameyneyso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xidhan dalka Hindiya dib dalka loogu soo celiyo leh. Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaalida ku xidhan magaalada Mumbai ee gobolka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1811,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1810","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1810","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1810"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1810\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1812,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1810\/revisions\/1812"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1811"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1810"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1810"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1810"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}