{"id":18221,"date":"2020-11-04T08:33:21","date_gmt":"2020-11-04T08:33:21","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18221"},"modified":"2020-11-04T08:33:22","modified_gmt":"2020-11-04T08:33:22","slug":"waxaynu-fuulaynaa-tareen-dheereeya-oo-aynu-ummadda-ugu-shaqaynayno-agaasime-maxamed-x-dirir","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18221","title":{"rendered":"\u201cWaxaynu fuulaynaa Tareen dheereeya oo aynu ummadda ugu Shaqaynayno.\u201dAgaasime Maxamed X. Dirir"},"content":{"rendered":"\n<p>Hargeysa-(GLN): Xaflad ay xilka ku la ka la wareegayeen agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Biyaha Maxamed Xasan Dirir, ,iyo agaasimihii hore ee Wasaaraddaas Axmed Cabdi Ismaciil, ayaa ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland .<\/p>\n\n\n\n<p>Xafladan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay, isla mar ahaantaana uu Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Maxamed Muuse Diiriye uu xilalka ugu kale wareejinayey Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaraddaas iyo Agaasimaha cusub ee uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland u soo magacaabay xilkaas Maxamed Xasan Dirir Maxamud.<\/p>\n\n\n\n<p>Munaasabad oo ahayd mid ay ka soo qayb-galeen marti sharaf kale duwan oo iskugu jirta Xildhibaano,Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda iyo Hay\u2019addaha Dowlda,Madax-dhaqameed iyo shaqaalahaWasaaraddaas, kuwaas halkaas haddalo ay ka jeediyeen ku sii sabootiyey Agaasimihii hore halka ay Agaasimaha cusub-na ay ku soo dhaweyeen.<\/p>\n\n\n\n<p>Qaar kamid ah Masuliyiintii Xildhibaanadii iyo Madax-dhaqameedkii madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday kartida iyo aqoonta Agaasimaha cusub ee Wasaaraddaas loo soo Magacaabay ee Maxamed Xasan Dirir uu leeyahay,waxaanay sheegay inuu aqoontiisa iyo kartidiisa uu yahay mid dadkiisa iyo dalkiisa uga fa\u2019iidayana<\/p>\n\n\n\n<p>Dhanka kalene Waxa isna halkaas hadlay Agaasimihii hore ee Wasaaraddaas Axmed Cabdi Ismaciil,waxaanu soo bandhigay muddadii uu xilka hayey waxa u qabsoomay \u201cwasaasarada wax-qabad baddan ayaanu ka muujinay,waxaamu dib u dhis iyo hayb ku samaynay maamulka waax-yaha Gobolada iyo ka degmooyinka dhammaantood oo aanu gaadhsiinay in aanu maamul u samayno dhammaan degmooyinka A-da B-da iyo C-da ee Somaliland,waxa kale oo noo suurtagashay in aan fulino Mashariic qoddis dhaamam aan qodnay oo 13 ah iyo 40 ceel oo kuwa dhaadheer ah 81 ceelasha gaagaaban ah iyo biyo gelin aanu ku samaynay 28 degaan.\u201d Ayuu yidhi<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa kale uu Agaasimihii hore ee Wasaaradda oo haddalkiisa sii wataa uu halkaas ka sheegay waxa uu ku wareejinayo Agaasimaha cusub waxaanu ku bilaabay sidan:-\u201cAgaasime guud ee cusub waxaan kugu wareejin doonnaa qalab iyo hanti ay Wasaaraddu leedahay oo dhammaantood-ba cusub oo inta aan joognay aan soo kordhinay Gaadiidka halkan taxan iyo labadan wiish,waana hanti Qaran runtii oo wax weyna ka qabanaysa dhinaca hawlgalada iyo farsamada biyaha .\u201dAyuu Yidhi Agaasimihii hore ee Wasaaradda Biyaha<\/p>\n\n\n\n<p>Geesta kalene Agaasimaha Guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha Maxamed Xasan Dirir oo xilkaas la wareegayey, ayaa isna sheegay inuu shaqada Qaranka u gudan doono si hagar la\u2019aan ah,waxaanu illaahay ka beryey inuu xilkaas la garab-galo:-\u201cwaaan idinka wada dareen duwanahay waxa laga yabaa inay munaasabadu farxad u baddan tahay lakiin annigu culays ayaan dareemayaa,culayskaas waxa uu ka imanayaa oo ii muuqata awal hore qof iska xor ah ayaan ahaa oo danihiisa wata ayaan ahaa maanta\u2019se Hooyada ku haraaday Somaliland meel kasta oo ay tahay iyo geedka u baahan in la waraabiyo iyo Xayawaanka iyo shinbiraha u baahan inay cabaan masuuliyadoodii ayaan maanta hayaa,sidaa dartee culays ayaan dareemayaa .\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>Agaasime Dirir oo haddalkiisa sii wata ayaan intaas ku daray \u201cwaxaan shaqaalaha u balan-qaadayaa inaynu fuulno tareen dheeraynaya oo aynu ummadda ugu shaqayno himiladii ay ummadani lahayd iyo arragtida Madaxweynaha Somaliland labadaba inaynu guul deg-deg ka dhalino weeyaan insha allaah .\u201dAyuu yidhi Agaasime Dirir.<\/p>\n\n\n\n<p>Ugu Dambeyn waxa munasabadaas soo afmeeray Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye isagoo xilalkaas si rasmi ah ugu kale wareejiyey Agaasimihii hore iyo Agaasime Maxamed Xasan Dirir oo xilkaas la wareegay: \u201cMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxay kamid tahay Wasaaraddana kuwa uu mudnaanta koobaad siiyo,waxaanu ku shaqaynaa qorshihi iyo himiladiisii uu dhigay,waxaanu ku shaqaynaynaa waxa weeye in aanu qaabkan aanu ku nool-nahay aynu biyaha u doonayno ee aynu u fikirayno in aynu wax ka baddelno,waxaan aad iyo aad ugu mahadnayaqaa Agaasimahaygii hore iyo Agaasimaha guud ee cusub Dirir waxaan leeyahay Agaasime soo dhawow ,waxa ka soo horeeya shaqaale wacan oo aanu weliba aqoon iyo qalab ku soo kordhinayn kula qaban doona hawsha Wasaaradda,waxaan aqoonsanay marka lagu darro wixii aanu annagu dhaxalnay ee aanu halkan ugu nimi iyo wixii aanu ku soo darnay inay maanta qabsan karto Wasaaraddani ma jarihii loogi talo galay.\u201dAyuu yidhi Wasiir Maxamed Muuse.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"960\" height=\"645\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/image.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-18222\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/image.png 960w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/image-300x202.png 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/image-768x516.png 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/image-800x538.png 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><figcaption>Gacanlibaaxnews.com<br>News Desk<\/figcaption><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa-(GLN): Xaflad ay xilka ku la ka la wareegayeen agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Biyaha Maxamed Xasan Dirir, ,iyo agaasimihii hore ee Wasaaraddaas Axmed Cabdi Ismaciil, ayaa ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland . Xafladan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay, isla mar ahaantaana uu Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Maxamed Muuse [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18222,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-18221","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18221","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=18221"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18221\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":18223,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18221\/revisions\/18223"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/18222"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=18221"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=18221"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=18221"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}