{"id":18314,"date":"2025-10-09T19:09:29","date_gmt":"2025-10-09T19:09:29","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18314"},"modified":"2025-10-09T19:09:30","modified_gmt":"2025-10-09T19:09:30","slug":"hoggaamiyaha-xamaas-ee-qasa-khaliil-al-haya-dagaalku-wuu-dhammaaday-waxaan-helnay-dammaano-caalami-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18314","title":{"rendered":"Hoggaamiyaha Xamaas ee Qasa, Khaliil Al-Haya: \u201cDagaalku Wuu Dhammaaday \u2014 Waxaan Helnay Dammaano Caalami ah\u201d"},"content":{"rendered":"\n<p>Hoggaamiyaha Xamaas ee Qasa, Khalil al-Hayya, ayaa ku shaaciyey in ay heleen dammaano rasmi ah oo ka timid Mareykanka, dalal Carbeed iyo Turkiga, kuwaas oo xaqiijinaya in dagaalka Gaza uu si rasmi ah u dhammaaday.<\/p>\n\n\n\n<p>Al-Hayya, ayaa sheegay in heshiiska la gaadhay uu yahay wajiga koowaad ee qorshe nabadeed oo ballaadhan, kaas oo dhigaya in dagaalka la joojiyo, ciidamada Israel ay ka baxaan qaybo ka mid ah Qasa, isla markaana la bilaabo isweydaarsiga maxaabiista labada dhinac.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan helnay dammaanad buuxda oo ka timid dhexdhexaadiyeyaasha, Mareykanka, Carabta iyo Turkiga, taas oo xaqiijinaysa in dagaalka la soo afjaray,\u201d ayuu yidhi Khaliil Al-Haya.<\/p>\n\n\n\n<p>Qodobada heshiiska waxaa ka mid ah:<br>In la joojiyo dagaalka Gaza.<br>In 48 maxbuus Israa\u2019iili ah la sii daayo, 20 ka mid ah oo nool, 72 saacadood gudahood.<br>In dib loo furo marinka muhiimka ah ee xadka Gaza iyo Masar.<\/p>\n\n\n\n<p>Si kastaba ha ahaatee, Khaliil Al-Haya wuxuu hoosta ka xariiqay in wadahadallo xabad-joojin ah aysan micno lahayn haddii xaaladda bani\u2019aadannimo ee Qasa aanay isbeddelin. Wuxuu sheegay in cunto la\u2019aanta, xannibaadda iyo gaajada ka jirta Qasa ay tahay in si degdeg ah wax looga qabto.<\/p>\n\n\n\n<p>Sidoo kale, hoggaamiyuhu wuxuu ka hadlay khasaaraha bani\u2019aadannimo, isagoo xusay in wiilkiisa uu ku dhintay dagaalka, isla markaana uu u arko shahiid dhiiggiisu qayb ka noqon doono guusha la rajeynayo.<\/p>\n\n\n\n<p>Hadalka Khaliil Al-Haya ayaa yimid xilli wadahadallo muhiim ah ay socdaan, waxaana heshiiska lagu tilmaamay mid fure u noqon kara wajiyo kale oo nabadeed oo mustaqbalka dhow ah.<br>HMTV<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-full is-style-default\"><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Khaliil-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"930\" height=\"877\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Khaliil-1.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-18316\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Khaliil-1.jpg 930w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Khaliil-1-300x283.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Khaliil-1-768x724.jpg 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Khaliil-1-800x754.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 930px) 100vw, 930px\" \/><\/a><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hoggaamiyaha Xamaas ee Qasa, Khalil al-Hayya, ayaa ku shaaciyey in ay heleen dammaano rasmi ah oo ka timid Mareykanka, dalal Carbeed iyo Turkiga, kuwaas oo xaqiijinaya in dagaalka Gaza uu si rasmi ah u dhammaaday. Al-Hayya, ayaa sheegay in heshiiska la gaadhay uu yahay wajiga koowaad ee qorshe nabadeed oo ballaadhan, kaas oo dhigaya in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18315,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-18314","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18314","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=18314"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18314\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":18317,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18314\/revisions\/18317"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/18315"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=18314"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=18314"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=18314"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}