{"id":18563,"date":"2025-12-10T10:08:29","date_gmt":"2025-12-10T10:08:29","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18563"},"modified":"2025-12-16T21:54:39","modified_gmt":"2025-12-16T21:54:39","slug":"labadii-walaal-ee-maxkamadda-isku-arkay-iyo-xaaladdii-cajiib-ahayd-ee-maxkamadda-gaysay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18563","title":{"rendered":"Labadii Walaal ee Maxkamadda Isku Arkay Iyo Xaaladdii Cajiib ahayd Ee Maxkamadda Gaysay"},"content":{"rendered":"\n<p>Dadku inta badan waxay u maleeyaan in walaaluhu maxkamad isugu tagaan dhaxal ama dhul la isku hayo, bal se qisadan runta ah ee ka dhacday Sacuudi Carabiya arrin gebi ahaanteed ka duwan bay ahayd.<\/p>\n\n\n\n<p>Nin waayeel ah oo la yidhaahdo <strong>Xizaam Al-Qamdi<\/strong> ayaa maxkamad u tegay walaalkiisa ka yar \u2014 bal se ma ahayn in ay is dacweeyaan, ee waxay isu hayeen <strong>sharafnimada daryeelidda hooyadood oon tabar lahayn<\/strong>.<\/p>\n\n\n\n<p>Xizaam waxa uu ku adkaystay in uu sii wato daryeelka hooyadii, isaga oo sheegay in ay ahayd naftiisa oo dhan. Walaalkiis ka yar arrinkaas wuu diiday, isaga oo aaminsan in Xizaam yahay nin gaboobay oo u baahan nasiino, isla markaa na uu isagu awood u leeyahay hooyadood.<\/p>\n\n\n\n<p>Maxkamaddii ayaa noqotay meel ilmadu ka qubanayso, maadaama labadooduba ku murmayeen <strong>cidda heli lahayd fursadda iyo sharafka ay hooyadood ugu adeegayaan<\/strong>. Garsooruhu wuxuu go\u2019aansaday in hooyada la keeno si ay iyadu u doorato. Hooyadii waxaa la waydiiyay midda ay rabto, bal se waxay tidhi:<br><strong>\u201cLabadayda wiil waa labada indhood ee aan ku arko \u2014 mid na ka ma dooran karo midka kale.\u201d<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p>Maadaama aysan go\u2019aan gaadhi karin, garsooruhu wuxuu xukunka u riday walaalka yar, sababtoo ah xooggiisa iyo firfircoonidiisa.<\/p>\n\n\n\n<p>Markii xukunka la shaaciyay, Xizaam wuxuu u ooyey si naxdin leh \u2014 ma aha xanaaq awgeed, bal se <strong>wuxuu dareemay in uu waayay fursaddii ugu dambaysay ee uu hooyadiis ugu adeegi lahaa<\/strong>.<\/p>\n\n\n\n<p>Dr Muhammad Salah<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/image-3.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"919\" height=\"907\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/image-3.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-18564\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/image-3.png 919w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/image-3-300x296.png 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/image-3-768x758.png 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/image-3-800x790.png 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 919px) 100vw, 919px\" \/><\/a><\/figure>\n\n\n\n<p>\u00a0<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dadku inta badan waxay u maleeyaan in walaaluhu maxkamad isugu tagaan dhaxal ama dhul la isku hayo, bal se qisadan runta ah ee ka dhacday Sacuudi Carabiya arrin gebi ahaanteed ka duwan bay ahayd. Nin waayeel ah oo la yidhaahdo Xizaam Al-Qamdi ayaa maxkamad u tegay walaalkiisa ka yar \u2014 bal se ma ahayn in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18564,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[5,2],"tags":[],"class_list":["post-18563","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-muuqaalladavideos","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18563","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=18563"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18563\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":18565,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18563\/revisions\/18565"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/18564"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=18563"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=18563"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=18563"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}