{"id":18594,"date":"2025-12-23T00:32:36","date_gmt":"2025-12-23T00:32:36","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18594"},"modified":"2025-12-23T00:32:37","modified_gmt":"2025-12-23T00:32:37","slug":"iswiidhan-oo-mar-kale-bilaabaysa-masaafurinta-qasabka-ah-ee-dad-soomaali-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18594","title":{"rendered":"Iswiidhan Oo Mar Kale Bilaabaysa Masaafurinta Qasabka Ah ee Dad Soomaali ah"},"content":{"rendered":"\n<p>Iswiidhan ayaa mar kale bilaabaysa in si qasab ah loogu masaafuriyo dad Soomaali ah dalkooda, markii ugu horreysay muddo dheer. Laba muwaadin oo Soomaali ah oo ku jira xabsiga sugitaanka (f\u00f6rvar) ee hay\u2019adda Socdaalka, ayaa loo sheegay in si qasab ah loo celin doono.<\/p>\n\n\n\n<p>Si qof waddan kale loogu masaafuriyo, waa in waddankaasi aqbalaa muwaadiniintiisa. Bishii Oktoobar, idaacadda Sweden Radio ayaa sheegay in dowladda Iswiidhan si qarsoodi ah lacag u siisay Soomaaliya si ay u fududaato masaafurinta. Markii arrintaasi soo baxday, masaafurinta waa la hakiyay. Hadda se, mas\u2019uuliyiinta Soomaaliya ayaa aqbalay in ay qaabilaan laba qof oo si qasab ah loo celinayo, sida ku cad dukumenti boolisku leeyahay.<\/p>\n\n\n\n<p>Mid ka mid ah dadkaas waa Cabdinaasir Abshir, 26 jir. Wuxuu Iswiidhan yimid isagoo 16 jir ah, keligii na u soo doontay magangelyo. Wax buu bartay oo wuu shaqeeyay, dambina lagu ma xukumin, bal se hadda wuxuu dareemayaa walbahaar iyo cabsi.<\/p>\n\n\n\n<p>Qareenkiisa, Faezeh Veghar, ayaa sheegtay in safaaradda Soomaaliya ay oggolaatay in si qasab ah loogu celiyo macmiilkeeda.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhammaadkii Nofeembar, 12 muwaadin oo Soomaali ah ayaa ku jiray f\u00f6rvar si loo masaafuriyo; midkoodna dambi lagu ma xukumin, qaar na carruur bay isu leeyihiin muwaadiniin Iswiidhish ah. Hadda laba ka mid ah ayaa si qasab ah loo masaafurin doonaa.<br>Boolisku ma doonayaan wareysi, bal se waxay sheegeen in ay xidhiidh la leeyihiin hay\u2019adaha Soomaaliya.<br>Sverigesradio<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/image-12.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"675\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/image-12-1024x675.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-18595\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/image-12-1024x675.png 1024w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/image-12-300x198.png 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/image-12-768x506.png 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/image-12-800x527.png 800w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/image-12.png 1049w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/a><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Iswiidhan ayaa mar kale bilaabaysa in si qasab ah loogu masaafuriyo dad Soomaali ah dalkooda, markii ugu horreysay muddo dheer. Laba muwaadin oo Soomaali ah oo ku jira xabsiga sugitaanka (f\u00f6rvar) ee hay\u2019adda Socdaalka, ayaa loo sheegay in si qasab ah loo celin doono. Si qof waddan kale loogu masaafuriyo, waa in waddankaasi aqbalaa muwaadiniintiisa. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18595,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-18594","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18594","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=18594"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18594\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":18596,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18594\/revisions\/18596"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/18595"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=18594"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=18594"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=18594"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}