{"id":1876,"date":"2016-09-29T10:06:32","date_gmt":"2016-09-29T10:06:32","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1876"},"modified":"2016-09-29T10:07:25","modified_gmt":"2016-09-29T10:07:25","slug":"gorfayn-laaanta-mucaaradka-gaabiska-komishanka-doorashooyinka-iyo-goaanka-maxkamada-sare-ee-dacwada-xisbiga-ucid-waa-sadexda-caqabadood-ee-hor-yaala-qabsoomida-doorashada-madaxwayna","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1876","title":{"rendered":"GORFAYN LA\u201dAANTA MUCAARADKA ,GAABISKA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA IYO GO\u201dAANKA MAXKAMADA SARE EE DACWADA XISBIGA UCID WAA SADEXDA CAQABADOOD EE HOR YAALA QABSOOMIDA DOORASHADA MADAXWAYNAHA."},"content":{"rendered":"<p>GORFAYN LA\u201dAANTA MUCAARADKA ,GAABISKA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA\u00a0 IYO GO\u201dAANKA MAXKAMADA SARE EE DACWADA XISBIGA UCID\u00a0 WAA SADEXDA CAQABADOOD EE HOR YAALA\u00a0 QABSOOMIDA \u00a0DOORASHADA MADAXWAYNAHA \u00a028\/3\/2017<\/p>\n<p>SIYAASADA MAANTA IYO SAADAASHA BARRI<\/p>\n<p>Goormay Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqayaan Tirada Codbixiyaha Gobolada iyo Dagmooyinka ee isku diiwaan galiyay in uu codeeyo ? Imisa Maalmood Imisa Bilood ayay qaadanaysaa hawsha baaxada leh ee Komishanka Doorashooyinka hor taala ee badalka Waraaqaha Codbixiyaha ee hore loo siiyay loogu badalayo Kaadhka Rasmiga ah ee Codbixiyaha ? Rajo intee leeg ayaad Muwaadin ka qabtaa in Mudo Lixdan Maalmooda Xisbiga Ucid xal ka gaadho khilaafyada Ragaadiyay ? Hadii Xisbiga Ucid xal ka gaadhi waayo Doorashada Madaxwaynuhu may u dabranaan doontaa intuu soo kabanayo ? Mise Labada Xisbi ee Wadani iyo Kulmiye ayaa Doorashada Madaxwaynaha ku kaliyaysanaya oo ku tartamaya\u00a0 ?<\/p>\n<div class=\"google_ads2\"><\/div>\n<p>Dhulkana bidixlaa ku nool<\/p>\n<p>Waxaa jira been awaas<\/p>\n<p>Iblayskuna waa bakhayl<\/p>\n<p>Bahdiisuna waa yiciis<\/p>\n<p>Balway ku hor qaadayaan<\/p>\n<p>Bustay kugu laabayaan<\/p>\n<p>Wadkay balag saarayaan<\/p>\n<p>Haday buro kaa helaan<\/p>\n<p>Waxay kugu badhi furan<\/p>\n<p>Dharaaraha baane jiro<\/p>\n<p>Balaayana way gudaa<\/p>\n<p>Bariisana\u00a0 way dhacdaa<\/p>\n<p>Hadaan laga sii badqabin<\/p>\n<p>Waxaad ku baraarugtaa<\/p>\n<p>Beentaadu runtay necbayd<\/p>\n<p>Maansadii { Aduunyadu Waa Besteed } Ee Abwaan Maxamad Ibraahin Warsame Hadraawi\u00a0 20\/6\/1997<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Waqtigu wuu is gurayaa waana gabaabsi iyadoo mudo kordhintii Madaxwayne Siiraanyo u hadheen Shan Bilood oo kaliya waxaa sida\u00a0 Dayax Shan iyo Tobnaadka u muuqata\u00a0 Xeelada Madaxwayne Siiraanyo oo lagu tilmaami karo Maahmaahda\u00a0\u00a0 Soomaliyeed ee odhanaysa ( Ruqe ninkii lahaa dabada hayaa ma kaco) sidoo kale waxaa sida Dayaxa oo Shan iyo Tobnaadka \u00a0u muuqata Sadex Caqabadood oo dhabada u xaadhaya Mudo kordhinta Labaad ee Madaxwayne Siiraanyo.<\/p>\n<p>Waagii baryaaba waayo lehe Xafladii 26\/9\/2016 loo qabtay \u00a0gunaanadka\u00a0 dhamaadka wajigii koowaad ee Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha waxay banaanka soo dhigtay \u00a0Gorfayn la\u201daanta Mucaaradka iyo mooganaanta ay moogan yihiin qabyada badan iyo \u00a0hawsha baaxada leh ee u \u00a0dhiman dhamaystirka \u00a0Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha oo la\u201caanteed Doorashada Madaxtooyadu aanay qabsoomayn iyadoo waqtiga loo cayimay Doorashada Madaxtooyada ay Shann Bilood ka hadheen.<\/p>\n<p>Waxaana hubaala in Doorashada Madaxwaynaha horyaalaan Sadex Caqabadood oo ayna suurto gal ahayn in lagu dhameeyo Mudada Shanta Bilood ah ee Doorashada ka hadhay iyadoo Sadexda Caqabadood\u00a0 dhabada u xaadhayaan in mudo kordhin Labaad Madaxwayne Siiraanyo loo sameeyo \u00a0waxaana\u00a0 iswaydiin mudan \u00a0Goormaa \u00a0Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqayaan Tirada Codadka ee Gobolada iyo Dagmooyinka isku Diiwaan Galisay in ay Codeeyaan ? Goormaa la bilaabayaa in Cod bixiyayaasha la siiyo Kaadhkii Lafta ahaa ee Codbixiyaha ? Waqti intee leeg ayay qaadanaysaa Hawsha Baaxada leh ee Badalka Waraaqihii hore loo siiyay Codbixiyaha loogu badalayo Kaadhka rasmiga ee Codbixiyaha\u00a0 ? Ma muuqataa Rajo laga qabo in Xisbiga Ucid Lixdan Maalmood Gudahood ku soo gunaanadi doono khilaafyada ragaadiyay? Hadii\u00a0 Xisbiga Ucid ku guul daraysto in uu xaliyo khilaafyada Ragaadiyay Doorashada Madaxatooyadu ma Xisbiga Ucid ayay u dabranaan doontaa ? Ma labada Xisbi ee Wadani iyo Kulmiye ayaa Doorashada Madawaynaha ku tartami doona ?\u00a0 Mise Doorashada Madaxwaynuhu waxay u dabranaan doontaa inta Xisbiga ka soo Kabanayo khilaafyada ragaadiyay mudo kasta ha gaadhee ?\u00a0 Gorfaynta Qalin maalka iyo Aqoonyahanka Saadaasha ku xeel dheeri waxay tilmaamayaan in Sadexdan Caqabadood ay bud dhig u noqon doonaan .<\/p>\n<p>1: Ku dhawaaqida Komishanka Doorashooyinka ee Tirada Rasmiga ah ee Codbixiyaha ee Gobolada Iyo Dagmooyinka oo ay ka dhalan doonaan Gorgortan hor leh oo saami qaybsigii Golaha Wakiilada la mid ku dhawaan doona .<\/p>\n<p>2: hawsha badalka Waraaqaha Codbixiyaha hore loo siiyay oo qaadanaysa Waqti ka badan Shanta Bilood ee ka hadhsan mudada loo cayimay Doorashada Madaxwaynaha .<\/p>\n<p>3: Khilaafkan ragaadiyay Xisbiga Ucid ayaa noqonaya dabarka u wayn ee ku xidhan iyadoo Sadexdii Xisbi ee Distoorku dhigayay in ay ka qayb qaataan Tartanka Doorashada Madaxwaynaha uu Xisbiga Ucid Qarka U Saaran Yahay In Uu Burburo.<\/p>\n<p>Waxaan Qormadan ku soo Afmeerayaa Akhriste Maansadii Gaariye ALLE Ha U Naxariistee<\/p>\n<p>Hagar laawe ii gali buuga<\/p>\n<p>Halistaa in aan ka feeftay<\/p>\n<p>Walina ay hawli iga gaadhay<\/p>\n<p>FIKRADAADA KA SOO DHIIBO ADIGOO SOBOBAYNAYA SI AY KUUGU MARAG FURTO AMA KUU QALADO WAA BARRITO IYO BILL DANBE<\/p>\n<p>SIYAASADA MAANTA IYO SAADAASHA BARRI<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Qoraa Subeer\u00a0 Daahir<\/p>\n<p><a href=\"mailto:waryaqaan@gmail.com\">waryaqaan@gmail.com<\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>GORFAYN LA\u201dAANTA MUCAARADKA ,GAABISKA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA\u00a0 IYO GO\u201dAANKA MAXKAMADA SARE EE DACWADA XISBIGA UCID\u00a0 WAA SADEXDA CAQABADOOD EE HOR YAALA\u00a0 QABSOOMIDA \u00a0DOORASHADA MADAXWAYNAHA \u00a028\/3\/2017 SIYAASADA MAANTA IYO SAADAASHA BARRI Goormay Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqayaan Tirada Codbixiyaha Gobolada iyo Dagmooyinka ee isku diiwaan galiyay in uu codeeyo ? Imisa Maalmood Imisa Bilood ayay qaadanaysaa hawsha baaxada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1877,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-1876","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1876","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1876"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1876\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1878,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1876\/revisions\/1878"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1877"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1876"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1876"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1876"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}