{"id":18801,"date":"2026-02-12T13:47:32","date_gmt":"2026-02-12T13:47:32","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18801"},"modified":"2026-02-12T13:47:33","modified_gmt":"2026-02-12T13:47:33","slug":"ciidanka-booliska-jsl-oo-ka-hadlay-nin-suuriyaan-ah-oo-muuqaal-laga-duubay-xilli-askari-boolis-ahi-garaacayeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18801","title":{"rendered":"Ciidanka Booliska JSL oo Ka Hadlay Nin Suuriyaan ah oo Muuqaal laga Duubay Xilli Askari Boolis ahi Garaacayeen"},"content":{"rendered":"\n<p>Ciidanka Booliska JSL oo war ka soo saaray nin Suuriyaan ah oo laga duubay muuqaal xilli askar boolis ahi garaacayeen:<\/p>\n\n\n\n<p>&#8220;Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu halkan ku caddaynayaa wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee la xidhiidha kiis nin u dhashay dalka Suuriya, kaas oo muuqaallo ku faafiyey baraha bulshada, kana cabaanayay qaabkii loo qabtay.<\/p>\n\n\n\n<p>Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu xaqiijinayaa in ninkaasi Maxkamadda Degmada Hargeysa ay u soo jartay waaran qabasho ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Si kastaba ha ahaatee, Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si aada uga xun yahay qaabka ay wax u dhaceen intii hawlgalkaasi socday. Sidaas darteed, waxa si degdeg ah tallaabo looga qaaday Askartii falkaas samaysay , waxaana haatan socda baadhitaan dheeraad ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa mar walba ka go\u2019an ilaalinta sharciga, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo dadka ku sugan dalka, si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka dalka u yaalla.&#8221;<\/p>\n\n\n\n<p><\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/image-18.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"683\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/image-18-1024x683.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-18802\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/image-18-1024x683.png 1024w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/image-18-300x200.png 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/image-18-768x512.png 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/image-18-800x533.png 800w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/image-18.png 1536w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/a><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidanka Booliska JSL oo war ka soo saaray nin Suuriyaan ah oo laga duubay muuqaal xilli askar boolis ahi garaacayeen: &#8220;Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu halkan ku caddaynayaa wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee la xidhiidha kiis nin u dhashay dalka Suuriya, kaas oo muuqaallo ku faafiyey baraha bulshada, kana cabaanayay qaabkii loo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18802,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-18801","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18801","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=18801"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18801\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":18803,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18801\/revisions\/18803"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/18802"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=18801"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=18801"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=18801"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}