{"id":18811,"date":"2026-02-15T13:49:18","date_gmt":"2026-02-15T13:49:18","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18811"},"modified":"2026-02-15T13:50:43","modified_gmt":"2026-02-15T13:50:43","slug":"madaxweynaha-somaliland-oo-joojiyey-xafladaha-iyo-munaasibadaha-abaal-marinta-shaqaalaha-dawladda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18811","title":{"rendered":"Madaxweynaha Somaliland Oo Joojiyey Xafladaha iyo Munaasibadaha Abaal-marinta Shaqaalaha Dawladda"},"content":{"rendered":"\n<p>Hargeysa, 15 Febraayo 2026 \u2013 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa si rasmi ah u soo saaray go\u2019aan lagu joojinayo dhammaan xafladaha, munaasibadaha iyo barnaamijyada abaal-marinta shaqaalaha dawladda, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Febraayo 2026 ilaa amar dambe laga soo saarayo.<\/p>\n\n\n\n<p>Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada ayaa lagu wargeliyey dhammaan Wasaaradaha, Hay\u2019adaha Madaxa-bannaan iyo Wakaaladaha Dawladda in ay si degdeg ah u fuliyaan go\u2019aankan, isla markaana ay muujiyaan u hoggaansanaan buuxda.<\/p>\n\n\n\n<p>Go\u2019aankan ayaa Madaxweynuhu qaatay isaga oo tixgelinaya xaaladaha abaaraha ba\u2019an ee ka jira qaybo badan oo dalka ka mid ah, kuwaas oo si muuqata u saameeyey nolosha iyo dhaqaalaha bulshada. Abaaraha ayaa sababay biyo-yaraan, waxyeelo culus oo soo gaadhay xoolaha nool, barakac iyo culays nololeed oo ku yimid qoysas badan, gaar ahaan bulshada reer miyiga ah iyo danyarta.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxweynuhu waxa uu ku boorriyey hay\u2019adaha dawladda in ay muujiyaan masuuliyad qaran, wadajir, naxariis iyo dareen-qaybsi la xidhiidha xaaladda taagan, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo xaaladaha bini\u2019aadannimo iyo danaha guud ee Qaranka.<\/p>\n\n\n\n<p>Si kastaba ha ahaatee, wareegtada Madaxweynaha ayaa si gaar ah u caddeysay in munaasibadaha furitaanka mashaariicaha horumarineed ee Qaranku aanay ku jirin go\u2019aankan, isla markaana ay sii socon karaan.<\/p>\n\n\n\n<p>Go\u2019aankan ayaa imanaya xilli ay dalka ka jiraan xaalado abaareed oo culus, kuwaas oo u baahan dadaal mideysan iyo ka-fogaansho kharashaad aan daruuri ahayn, si diiradda loo saaro wax ka qabashada xaaladda bini\u2019aadannimo ee taagan.<\/p>\n\n\n\n<p>Sidan waxa shaaciyey Xuseen Aadan Cige (Deyr), Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n\n\n\n<p><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa, 15 Febraayo 2026 \u2013 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa si rasmi ah u soo saaray go\u2019aan lagu joojinayo dhammaan xafladaha, munaasibadaha iyo barnaamijyada abaal-marinta shaqaalaha dawladda, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Febraayo 2026 ilaa amar dambe laga soo saarayo. Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada ayaa lagu wargeliyey [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18812,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-18811","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18811","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=18811"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18811\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":18813,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18811\/revisions\/18813"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/18812"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=18811"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=18811"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=18811"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}