{"id":18883,"date":"2026-03-07T11:50:16","date_gmt":"2026-03-07T11:50:16","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18883"},"modified":"2026-03-07T11:50:17","modified_gmt":"2026-03-07T11:50:17","slug":"donald-trump-oo-dalbaday-in-iiraan-si-shuruud-laaan-ah-isu-dhiibto","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18883","title":{"rendered":"Donald Trump Oo Dalbaday In Iiraan Si Shuruud La\u2019aan ah isu Dhiibto"},"content":{"rendered":"\n<p>Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dalbaday in Iiraan ay si shuruud la\u2019aan ah isu dhiibto, xilli ciidamada Maraykanka iyo Israa\u2019iil ay sii wadeen duqeymaha ay ka fulinayaan Iiraan.<\/p>\n\n\n\n<p>Trump, ayaa sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisu ay ka dhigi doonaan Iiraan dal dhaqaale ahaan ka weyn, ka wanaagsan, kana xoog badan sidii hore, marka la doorto hoggaan cusub oo \u201cla aqbali karo\u201d.<\/p>\n\n\n\n<p>Jimcihii shalay ayay afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, sheegtay in maamulka Maraykanku filayo in howlgallada milatari ay socon doonaan 4 ilaa 6 toddobaad.<\/p>\n\n\n\n<p>Trump ayaa sidoo kale ku qoray bartiisa Truth Social:<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWax heshiis ah lama gaadhi doono Iiraan marka laga reebo is-dhiibid aan shuruud lahayn.&#8221;<\/p>\n\n\n\n<p>Wuxu intaa raaciyey oo uu yidhi: \u201cKa dibna, marka la doorto hoggaan weyn oo la aqbali karo, annaga iyo xulafadeenna geesinimada leh waxaan si hagar la\u2019aan ah uga shaqayn doonaa in Iiraan laga soo celiyo qarka burburka, si loo dhiso dhaqaale ka weyn, ka wanaagsan, kana xoog badan sidii hore.\u201d<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/image-14.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"555\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/image-14-1024x555.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-18884\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/image-14-1024x555.png 1024w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/image-14-300x163.png 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/image-14-768x416.png 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/image-14-800x434.png 800w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/image-14.png 1157w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/a><\/figure>\n\n\n\n<p><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dalbaday in Iiraan ay si shuruud la\u2019aan ah isu dhiibto, xilli ciidamada Maraykanka iyo Israa\u2019iil ay sii wadeen duqeymaha ay ka fulinayaan Iiraan. Trump, ayaa sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisu ay ka dhigi doonaan Iiraan dal dhaqaale ahaan ka weyn, ka wanaagsan, kana xoog badan sidii hore, marka la doorto [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18884,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-18883","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18883","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=18883"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18883\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":18885,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18883\/revisions\/18885"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/18884"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=18883"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=18883"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=18883"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}