{"id":18904,"date":"2026-03-17T21:31:24","date_gmt":"2026-03-17T21:31:24","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18904"},"modified":"2026-03-17T21:31:25","modified_gmt":"2026-03-17T21:31:25","slug":"agaasimaha-la-dagaallanka-argagixisada-usa-oo-ka-horyimid-trump-is-na-iscasilay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18904","title":{"rendered":"Agaasimaha La-dagaallanka Argagixisada USA oo Ka Horyimid Trump Is na Iscasilay"},"content":{"rendered":"\n<p>Sarkaalka ugu sarreeya ee la dagaallanka argagixisada ee maamulka Trump, ayaa iscasilay sababo la xidhiidha dagaalka Iiraan, wuxuuna ku boorriyay madaxweynaha in uu \u201cbedelo jihada.\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>Warqad uu ku daabacay bartiisa X, Agaasimaha Xarunta Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada, Joe Kent, ayaa sheegay in Iran aanay ahayn \u201ckhatar degdeg ah\u201d oo ku wajahan Maraykanka. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay maamulka in uu \u201cdagaalkan bilaabay cadaadis kaga yimid Israa&#8217;iil iyo lobby-ga awoodda badan ee Maraykanka.\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>Kent, oo 45 jir ah, waa askari hore oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Maraykanka iyo CIA. Xaaskiisa, Shannon Kent, oo ahayd shaqaale Navy ah, ayaa lagu dilay qarax ka dhacay Suuriya sannadkii 2019.<\/p>\n\n\n\n<p>Aqalka Cad, ayaa diiday warqaddiisa, isagoo sheegay in Trump haystay \u201ccaddeymo xooggan\u201d oo muujinaya in Iiraan qorsheynaysay in ay weerar ku qaaddo Maraykanka. Iscasiladdiisa kadib, Kent, wuxuu noqday sarkaalka ugu sarreeya ee si fagaare ah uga dhaliila howlgalka wadajirka ah ee Maraykanka iyo Israa&#8217;iil ee Iiraan.<\/p>\n\n\n\n<p>Warqaddiisa uu u diray Trump, Kent, wuxuu ku eedeeyay mas\u2019uuliyiin sare oo Israa\u2019iili ah iyo wariyeyaal Maraykan ah in ay faafiyeen \u201cwarar khaldan,\u201d taasoo keentay in madaxweynuhu ka leexdo siyaasaddiisa \u201cAmerica First.\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cQolka dhawaaqa (echo chamber) ayaa loo adeegsaday in lagu qaldo adigoo aaminsan in Iran khatar degdeg ah ku tahay Maraykanka,\u201d ayuu yidhi. \u201cTani waa been.\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>Kent, oo ahaa taageere muddo dheer u ahaa Trump isla markaana laba jeer ku guuldarreystay inuu Congress-ka galo, ayaa si dirqi ah loo ansixiyay xilkiisa, iyadoo Dimuqraadiyiintu dhaliileen xidhiidhkiisa la sheegay ee kooxo xagjir ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Intii lagu jiray dhageysiga ansixintiisa, Kent, wuxuu difaacay sheegashooyin ku saabsan in hay\u2019adaha federaalku door ku lahaayeen rabshadihii 6-da Janaayo, isla markaana Trump uu ku guuleystay doorashadii 2020.<\/p>\n\n\n\n<p>Xarunta La-dagaallanka Argagixisada, Kent, wuxuu hoos imaanayay Agaasimaha Sirdoonka Qaranka, Tulsi Gabbard, wuxuu na kormeerayay falanqaynta iyo ogaanshaha khataraha argagixiso ee caalamka.<\/p>\n\n\n\n<p>Horey, wuxuu 11 jeer u baxay hawlgallo dibadda ah oo uu la galay ciidamada Maraykanka, oo ay ku jiraan ciidamada gaarka ah ee Ciraaq. Kadib wuxuu noqday sarkaal CIA ah, balse wuu ka baxay shaqada kadib dhimashada xaaskiisa.<\/p>\n\n\n\n<p>Warqaddiisa, wuxuu ku sheegay aanu taageeri karin \u201cin jiil cusub loo diro dagaal aan faa\u2019iido u lahayn shacabka Maraykanka oo aan qiil u noqon karin khasaaraha nafaha.\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa ku tilmaantay hadalladiisa \u201ckuwa aflagaado iyo qosol leh,\u201d iyadoo sheegtay in Trump haystay caddeymo muujinaya in Iran weerar qorsheynaysay.<\/p>\n\n\n\n<p>Wareysi uu siiyay New York Times, Tucker Carlson, ayaa ammaanay Kent, isagoo ku tilmaamay \u201cninka ugu geesisan ee aan aqaan,\u201d isla markaana sheegay in aan si fudud loo iska indhotiri karin.<\/p>\n\n\n\n<p>Carlson wuxuu sheegay in Kent ka tagayo shaqo uu ku lahaa helitaanka xog sir ah oo sare, isla markaana la filayo in lagu weeraro.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa jiray iscasilaado kale oo ka dhacay maamulka Trump, oo ay ka mid yihiin Margaret Ryan iyo Ric Grenell.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sarkaalka ugu sarreeya ee la dagaallanka argagixisada ee maamulka Trump, ayaa iscasilay sababo la xidhiidha dagaalka Iiraan, wuxuuna ku boorriyay madaxweynaha in uu \u201cbedelo jihada.\u201d Warqad uu ku daabacay bartiisa X, Agaasimaha Xarunta Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada, Joe Kent, ayaa sheegay in Iran aanay ahayn \u201ckhatar degdeg ah\u201d oo ku wajahan Maraykanka. Wuxuu sidoo kale [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18905,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-18904","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18904","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=18904"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18904\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":18906,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18904\/revisions\/18906"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/18905"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=18904"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=18904"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=18904"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}