{"id":1894,"date":"2016-09-29T13:47:06","date_gmt":"2016-09-29T13:47:06","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1894"},"modified":"2016-09-29T13:47:06","modified_gmt":"2016-09-29T13:47:06","slug":"qormooyin-taxane-ah-oo-diirada-ku-saarayno-kala-duwanaanshaha-hogaamineed-ee-madaxwayne-siiraanyogudoomiyaha-guurtida-saleemaan-madaxwayne-rayaale-iyo-alle-ha-u-naxariistee-marxuum-cigaal-iyo-shees","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1894","title":{"rendered":"Qormooyin Taxane Ah Oo Diirada Ku Saarayno Kala Duwanaanshaha Hogaamineed Ee Madaxwayne Siiraanyo,Gudoomiyaha Guurtida Saleemaan , Madaxwayne Rayaale Iyo ALLE Ha U Naxariistee Marxuum Cigaal Iyo Sheesh Ibraahim Q1aad"},"content":{"rendered":"<p>Qormooyin Taxane\u00a0 Ah Oo Diirada Ku Saarayno Kala Duwanaanshaha Hogaamineed\u00a0 Ee Madaxwayne Siiraanyo,Gudoomiyaha Guurtida Saleemaan , Madaxwayne Rayaale Iyo ALLE Ha U Naxariistee Marxuum Cigaal Iyo Sheesh Ibraahin<\/p>\n<p>Qormadii 1aad<\/p>\n<p>Qalinkii\u00a0 Subeer Daahir<\/p>\n<p>Kartida iyo Hogaamintu waa galad Eebee \u00a0Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid\u00a0 Madaxwaynihii Hore ee S\/land Maxamad X Ibraahin Cigaal 3\/5\/2002 waxaa siduu Distoorku dhigayay Shir Gudoonka Golaha Guurtida oo Sh Ibraahin horkacayaa si dhakhso ah xillkii ugu wareejay\u00a0 Madaxwayne ku xigeenkiisii \u00a0Daahir Rayaale Kaahin waxaana xusid gaara mudan in Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Madaxwayne Cigaal \u00a0aanay Joojin hakadna \u00a0galin Geedi Socodkii Dimuquraadiyada waxaanu Madaxwaynihii Hore ee Daahir Rayaale markuu xillka la wareegay Todaba Bilood ka dib dalka ka qabtay Doorashadii Golaha Deegaanka 15\/12\/2002 halka Afar Bilood ka dibna uu ka qabtay \u00a0Doorashadii Madaxwaynaha 14\/4\/2003 halka Doorashadii Golaha Wakiilada uu dalka ka qabtay 29\/9\/2005 isagoo Madaxwaynihii Hore ee Daahir Rayaale culays siyaasdeed iyo Mucaarad Xoogan oo kaga imanayay Xisbiga Talada haya ee Kulmiye aanay horjoogsan in uu sii wado Geedi Socodkii Dimuquraadiyada waxuu Doorashadii Labaad ee Madaxwaynaha Dalka ka qabtay 26\/6\/2010 .<\/p>\n<div class=\"google_ads2\"><\/div>\n<p>Tan iyo Markii Xukuumada \u00a0Madaxwayne Siirraanyo Talada Dalka kala wareegay \u00a0Madaxwaynihii Hore ee Daahir Rayaale 27\/10\/2010 waxaa dalka ka Curatay Xukuumadii ugu ngulayd uguna taagta darnayd xaga Tartamada haday Ciyaaraha Kubada tahay iyo haday tahay Tartamada dhanka\u00a0 Doorashooyinka \u00a0\u00a0Siyaasada tahayba iyadoo Wareegii u danbeeyay ee Tartanka Kubada Cagta ee Gobolada S\/land ee Magaalada Boorama ka bilawday \u00a012\/10\/2015 aan wali la hubin in ay qabsoomi doonaan qaybtii Labaad ee Wareega Kubada\u00a0 Cagta oo Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo \u00a0u mudaysay in qaybta Labaad ee wareega Kubada Cagta ee Gobolada S\/land ka bilaabmi doonaan \u00a0Caasimada Hargaysa \u00a027\/10\/2016 waxaana Marag ma doona in mudo Sannad ah Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo la rafanayso in ay soo gunaanado Tartankii Kubada Cagta Gobolada S\/land ee Magaalada Boorama ka bilawday \u00a012\/10\/2015 oo mudo Sannad ah laga joogo iyadoo dhacdadan lagu tilmaami karo Maahmaahda Soomaaliyeed ee odhanaysa ( Ninkaan quusanin isagaa quusee ) waxaa arin daran Mucaaradka iyo Muxaafidka doorasho ka sugaya \u00a0Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleemaan\u00a0 oo markii Jaanta iyo Jiibta ay isla heleen ay S\/land Cagta saartay Jidka mudo \u00a0kordhinta oo dhabada u xaadhay in ay gabiahaanba\u00a0 joogsato Geedi socodkii Dimuquraadiyada S\/land \u00a0.<\/p>\n<p>Waxay Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiye Saleemaan isla kaashadeen in mudo kordhintii ugu dheerayd u sameeyaan Golaha Wakiilada sidoo kale waxay Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida \u00a0Saleemaan meesha ka saareen in ay qabtaan Doorashadii Golaha Guurtida Nidaam kasta ha lagu soo doortoo \u00a0iyagoo Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiye Saleemaan ay mudo xileedkoodan\u00a0 u sameeyeen Golaha Wakiilada Sadex mudo kordhinood sida mudo kordhintii 7\/9\/2010 oo\u00a0 Laba Sanno iyo Sideed Bilooda u kordhiyeen Golaha Wakiilada mar kale waxay \u00a0Golaha Guurtidu iyagoo fulinaya soo jeedinta Madaxwayne Siiraanyo \u00a010\/4\/2013 mudo kordhin Laba Sanno ah u sameeyeen Golaha Wakiilada\u00a0 mar Sadexaad waxay\u00a0 Golaha Guurtidu 27\/5\/2015 mudo kordhin Sanad iyo Todoba Bilooda u sameeyeen Madaxwayne Siiraanyo iyo Golaha Wakiilada iyadoo Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleemaan isla kaashadeen Siyaasad\u00a0 Golayaashii Qaranka ka dhigtay kuwo hawl gaba oo u dabran Dheemaalka iyo Laaluushka\u00a0 oo gudan Karin\u00a0 Waajibaadka Distooriga ah ee Golayaasha Qaranka Xillku ka saaraa bal aynu Qormada Labaad Dib u milicsano Kartidii,Hogaamintii,Hal adaygii iyo Daacadnimadii Madxwayne Daahir Rayaale Kaahin iyo ALLE ha u Naxariistee Madaxwayne \u00a0Maxamad X Ibraahin \u00a0Cigaal iyo Marxuum Sheekh Ibraahin SHeekh SHeekh Yuusuf SHeekh Madar Toban Sanno ka hor,<\/p>\n<p>Akhriste Fikirkaaga Ka Soo Dhiibo Kala Duwanaanshaha Hogaamineed Ee Masuuliyiinta Kor Ku Xusan<\/p>\n<p>Qalinkii Subeer Daahir<\/p>\n<p>waryaqaan@gmail.com<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>La Soco Qaybaha Danbe<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qormooyin Taxane\u00a0 Ah Oo Diirada Ku Saarayno Kala Duwanaanshaha Hogaamineed\u00a0 Ee Madaxwayne Siiraanyo,Gudoomiyaha Guurtida Saleemaan , Madaxwayne Rayaale Iyo ALLE Ha U Naxariistee Marxuum Cigaal Iyo Sheesh Ibraahin Qormadii 1aad Qalinkii\u00a0 Subeer Daahir Kartida iyo Hogaamintu waa galad Eebee \u00a0Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid\u00a0 Madaxwaynihii Hore ee S\/land Maxamad X Ibraahin Cigaal 3\/5\/2002 waxaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1895,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-1894","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1894","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1894"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1894\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1896,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1894\/revisions\/1896"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1895"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1894"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1894"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1894"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}