{"id":18963,"date":"2026-03-30T09:12:16","date_gmt":"2026-03-30T09:12:16","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18963"},"modified":"2026-03-30T09:12:18","modified_gmt":"2026-03-30T09:12:18","slug":"xakamaynta-dhibka-abaaraha-iyo-daadka-is-xiga-wq-foodcadde-cawil","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=18963","title":{"rendered":"Xakamaynta Dhibka Abaaraha iyo Daadka is-xiga! WQ: Foodcadde Cawil"},"content":{"rendered":"\n
Maareyn Joogto ah, ma aha Gurmadka Kumeel gaadhk ahi
\u200bDalkeennu wuxuu muddo dheer ku jiray xaalad soo noqnoqota oo u dhaxaysa laba masiibo Dabiici ah oo iska soo horjeeda, Abaar baahsan oo xoolo iyo dadba laynaya, iyo Daadad khasaare hantiyeed iyo mid nafeedba geysta ( Mood iyo Nool. In kasta oo aynu Allah uga mahadnaqayno roobabka hadda curtay, haddana su\u2019aasha taagan waxay tahay,<\/p>\n\n\n\n
.Ma ku darsanay xisaabta in jiilaalka soo socda aanay mar kale qayla dhaani soo yeedhin?<\/p>\n\n\n\n
\u200bSi aynu uga baxno dhibaatadan, waa inaynu ka guurnaa habka “Gurmadka degdega ah” una guurnaa “Qorshaynta iyo Ka-hortagga.” Haddaba, si taasi u hirgasho, waxaa lagama maarmaan ah labadan qodob ee soo socda:-<\/p>\n\n\n\n
\u200b1. Joogtaynta Guddiga Abaaraha iyo in xafiis looga furo xarunta (Hay\u2019adda Maareynta Masiiboooyinka ,
\u200bWaa in guddiga abaaraha ee heer qaran aan la kala dirin marka roobku da\u2019o. Taas beddelkeeda, waa in loo beddelo hay\u2019ad rasmi ah oo leh xafiisyo, miisaaniyad iyo khubaro joogto ah.
\u200bSababtuna waa Marka masiibadu dhacdo, guddigu ma bilaabayo sahan cusub, balse wuxuu fulinayaa qorshayaal hore u yaallay oo loo dejiyey si masiibadaas looga samato baxo.<\/p>\n\n\n\n
\u200bGuddigani waxuu taageero maskax, muruq iyo maalba ku biirin karaa Hay’adaha Dawliga ah iyo kuwa maxalliga ah ee shaqadan gaxanta ku haya, iyagoo xidhiidhinaaya dawladda, shacabka iyo deeq-bixiyayaasha.<\/p>\n\n\n\n
\u200b2. Maareynta Biyaha (Ka Faa’iidaysiga Daadadka)
\u200bWaa wax laga xumaado in biyaha roobka ee dalkeenna JSL ku soo da’a ay badda ku qulqulaan iyagoo waliba burbur u geystay beerihii iyo waddooyinkii ay mareen.<\/p>\n\n\n\n
\u200bBiyo-xidheenno (Dams): Waa in la dejiyaa qorshe heer qaran ah oo lagu dhisayo biyo-xidheenno waaweyn iyo kuwo yaryar oo lagu qabto biyaha socda.<\/p>\n\n\n\n
\u200bBiyahaas la qabtay waxay xal u noqonayaan jiilaalka dheer, waxayna suurtagal ka dhigayaan in la helo wax-soo-saar beereed oo joogto ah, taas oo horseedaysa isku-filnaansho cunto.<\/p>\n\n\n\n
La-jaanqaadka Isbeddelka Cimilada,
\u200bAdduunku wuxuu marayaa marxalad cimiladu is-beddeshay (Climate Change). Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka mid tahay meelaha ugu nugul.<\/p>\n\n\n\n
Markaa guddigani waxay inoo sejin karaan horumar iyo habab cusub oo lagu ilaalinayo deegaanka (sida beerista dhirta iyo joojinta dhuxusha).<\/p>\n\n\n\n
\u200bIn la baro dadka reer miyiga ah habab cusub oo ay kula tacaali karaan isbeddelka cimilada si aanay xooluhu mar kasta ugu dhammaan abaarta.<\/p>\n\n\n\n
\u200bUgu danbayn, \u200bhaddii aynnaan maanta ogaanin in roobka hadda da\u2019ayaa uu yahay fursad lagu keydsan karo biyo, waxa hubaal ah in dhowr bilood kadib aynu mar kale dalban doono gurmad biyo dhaamis ah iyo gargaar gudo \/dibadba ah.<\/p>\n\n\n\n
Horumarka dalku maaha dhismo qurux badan oo magaalo laga dhiso oo keliya, balse waa in la sugo nolosha aasaasiga ah ee muwaadinka, taas oo kuxidhan biyo iyo Baad (cunto).<\/p>\n\n\n\n
Markaa halkan waxaynu ka diraynaa \u200bFarriin iyo baaq ah in lagaga faaiideeyo Biyaha badda ku qulqulaya waa hantidii dadkeena, nafaheena iyo ubadkeenna, ha loo xidho biyo-xidheenno si ay u noqdaan nolol iyo horumar.<\/p>\n\n\n\n
Maareyn Joogto ah, ma aha Gurmadka Kumeel gaadhk ahi\u200bDalkeennu wuxuu muddo dheer ku jiray xaalad soo noqnoqota oo u dhaxaysa laba masiibo Dabiici ah oo iska soo horjeeda, Abaar baahsan oo xoolo iyo dadba laynaya, iyo Daadad khasaare hantiyeed iyo mid nafeedba geysta ( Mood iyo Nool. In kasta oo aynu Allah uga mahadnaqayno roobabka […]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18965,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,5],"tags":[],"class_list":["post-18963","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo","category-muuqaalladavideos"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18963","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=18963"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18963\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":18966,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18963\/revisions\/18966"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/18965"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=18963"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=18963"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=18963"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}