{"id":19046,"date":"2026-04-14T14:31:34","date_gmt":"2026-04-14T14:31:34","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=19046"},"modified":"2026-04-14T14:31:35","modified_gmt":"2026-04-14T14:31:35","slug":"khudbadsannadeedka-madaxweynaha-jsl-2026-ee-labada-gole-baarlamanka-guurtida-iyo-wakiillada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=19046","title":{"rendered":"Khudbadsannadeedka Madaxweynaha JSL 2026 Ee Labada Gole Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada)"},"content":{"rendered":"\n<p>\ud835\udc0a\ud835\udc21\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1b\ud835\udc1a\ud835\udc1dda \ud835\udc0c\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc31\ud835\udc30\ud835\udc1e\ud835\udc32\ud835\udc27\ud835\udc1a\ud835\udc21\ud835\udc1a \ud835\udc09\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc21\ud835\udc2e\ud835\udc2e\ud835\udc2b\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc12\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc22\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1d, \ud835\udc02\ud835\udc1a\ud835\udc1b\ud835\udc1d\ud835\udc22\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc31\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc27 \ud835\udc0c\ud835\udc1a\ud835\udc31\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc1e\ud835\udc1d \ud835\udc02\ud835\udc1a\ud835\udc1b\ud835\udc1d\ud835\udc22\ud835\udc25\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc21\ud835\udc22 (\ud835\udc02\ud835\udc22\ud835\udc2b\ud835\udc2b\ud835\udc28) \ud835\udc2e\ud835\udc2e \ud835\udc2e \ud835\udc23\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc1d\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e\ud835\udc32 \ud835\udc0b\ud835\udc1a\ud835\udc1b\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc06\ud835\udc28\ud835\udc25\ud835\udc1e \ud835\udc10\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc27 \ud835\udc1e\ud835\udc1e \ud835\udc01\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc09\ud835\udc12\ud835\udc0b.<\/p>\n\n\n\n<p>Bismillaahi Raxmaani Raxiim<\/p>\n\n\n\n<p>Al-Xamdullillaahi Rabbil-Caalamiin,<\/p>\n\n\n\n<p>Wa Bihii Nastaciinu Calaa Umuuri Dunyaa<\/p>\n\n\n\n<p>Wa-diin Wa Salaatu Wa Salaamu Calaa Nebiyinaa<\/p>\n\n\n\n<p>Muxammadin Wa Calaa Aalihii Wa saxbihii wa salam;<\/p>\n\n\n\n<p>Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha wakiillada, xubnaha shir-guddoonnada iyo xildhibaananda labada aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Madaxda Xisbiyada Qaranka, Xubnaha golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, Guddoomiyaha Guddida Nabadda, Badhasaabka Gobolka Maroodijeex, Duqa Caasimadda Hargeysa, Hoggaamiyeyaasha bulshada qaybaheeda kala duwan, haweenka, dhalinyarada, iyo guud ahaan muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland gudo iyo dibedba.<\/p>\n\n\n\n<p>A-Salaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi wa barakaatuhu;<\/p>\n\n\n\n<p>Mudane Guddoomiye, Mudanayaasha Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka JSL;<\/p>\n\n\n\n<p>Sharaf weyn bay ii tahay, aniga oo gudanaya waajib dastuuri ah, in aan hor imaaddo fadhigan wadajirka ah ee labada aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, si aan idinka warbixiyo halka ay marayaan hawlaha qaranku, iyo jihada aynu uga sii dhaqaaqayno.<\/p>\n\n\n\n<p>Jamhuuriyadda Somaliland waa shamaca xasiloonida, nabadgelyada, dimuqraadiyadda iyo deris-wanaagga ee gobalka Geeska Afrika. In kasta oo ay caqabado badani ka hor yimaaddeen, siyaabo kala duwanna la isugu dayey in loo hagar-daameeyo, haddana wuxuu ALLE ku guuleeyey, inay sugto ammaankeeda, inay dhisto dawladnimadeeda, iyo inay hal-adayg iyo qorshe ku maamusho himiladeeda iyo horumarkeeda. Taas oo soo jiidatay indhaha dunida, sababna u ah in maanta, ay si joogto ah u soo kordhayaan saaxiibbada iyo jaalka ay dunida ku yeelanayso.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc02\ud835\udc00\ud835\udc10\ud835\udc00\ud835\udc01\ud835\udc00\ud835\udc03\ud835\udc00\ud835\udc07\ud835\udc00<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e;<\/p>\n\n\n\n<p>Mar kasta oo aynu qiimaynayno horu-socodkeenna, iyo guulaha aynu gaadhi karno, waxaa qasab ah in aynu naqaanno halka aynu ka nimi, caqabadaha runta ah ee ina horyaalla, iyo halka aynu ku socono.<\/p>\n\n\n\n<p>Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee aan gadh-wadeenka ka ahay, waxa ay shaqada bilowday 12-kii December 2024kii, iyada oo ay dalka ka jiraan duruufo adag oo ay ka mid yihiin; Culaysyo dhaqaale oo soo jiitamay; nabadgelyada gobalada bari ee dalka oo dib ugu noqotay gacanta ciidamo madani ah; Xoolaha oo ah laf-dhabarta dhaqaalaheenna oo ay waxyeello badani ka soo gaadhay abaaraha, iyo dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa iyaguna soo noqnoqda dhibaatooyin nabadgelyo oo ka dhasha isku dhacyada beelaha walaalaha ah, kuwaas oo demintooda iyo ka hortaggooda ay ku baxaan wakhti iyo dhaqaale badani.<\/p>\n\n\n\n<p>Si kastaba ha ahaato e, Xukuumaddu waxa ay ku guuleysatay la tacaalista dhibaatooyinkaas, iyada oo kaashanaysa Golayaasha Qaranka, iyo bulshadeeda, taas ayaana suurta-galisay in caqabado badan laga gudbo maanta.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc16\ud835\udc00\ud835\udc17\ud835\udc10\ud835\udc00\ud835\udc01\ud835\udc00\ud835\udc03\ud835\udc0a\ud835\udc00 \ud835\udc17\ud835\udc14\ud835\udc0a\ud835\udc14\ud835\udc14\ud835\udc0c\ud835\udc00\ud835\udc03\ud835\udc03\ud835\udc00:<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udfcf.\ud835\udfcf \ud835\udc00\ud835\udc26\ud835\udc27\ud835\udc22\ud835\udc20\ud835\udc1a \ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc1d\ud835\udc22\ud835\udc1f\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc1c\ud835\udc1a:<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e;<\/p>\n\n\n\n<p>Guul kasta oo uu Qaranku gaadhay, ALLE sokadii, waxaa sabab u ah amniga iyo deggenaanshiyaha oo ku yimi nidaamka dawladnimo ee aynu abuurannay, iyo difaaca naf-hurka ah ee ciidamadeenna halyeeyada ah oo mudan bogaadin joogto ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Sannadkii 2025kii, Xukuumaddu waxa ay qaadday tallaabooyin lagu xoojinayo dhismaha iyo casriyeynta ciidamada kala duwan ee Qaranka.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa ciidamada si rasmi ah ugu biiray, lix kun (6,000) oo askari oo tababarradoodii dhammaystay. Waxaana meel fiican maraya qorshaha diiwaangelinta naafada iyo agoomaha Ciidamada.<\/p>\n\n\n\n<p>Dib-u-habayn ballaadhan ayaa lagu samayeey nidaamka maamul ee maaliyadda ciidamada, iyada oo la abuuray habka lacag bixinta taleefanka gacanta oo suurta-gelinaya, in askarigu uu mushaharka si toos ah uga helo taleefankiisa meel kasta oo uu joogo.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa markii ugu horreysay 35 sanno, la aasaasay hay\u2019adda hawlgabka iyo xaqsiinta ciidamada kala duwan ee Qaranka. Waxa ay ka shaqayn doontaa in halyeeyada naftooda u huraya Qarankoodu, ay nasiimo iyo xuquuq heli doonaan.<\/p>\n\n\n\n<p>Tayeynta iyo dhismaha xirfadaha ciidannimo ayaa si gaar ah diiradda loo saaray, iyada oo dib-u-habayn iyo casriyeyn lagu sameeyey nidaamka tababarka iyo manhajka dugsiyada tababarka ciidamada, lana kobciyey aqoonta macalimiinta. Sida oo kale-na ciidamada lagu xoojiyey agab, saanad iyo gaadiid cusub.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa la aasaasay cutubka amniga internet-ka ee ciidamada Qaranka (Cyber Security Unit), iyada oo sida oo kale-na la dhammaystiray dhismaha xaruntii kaydka xogta ciidamada.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa lagu guulaystay in ciidanka Qaranku uu yeesho dirays sugan oo u gaar ah, iyada oo la hirgeliyey warshad ay dirayskooda ku toshaan, iyo warshad soo saarta qaybo ka mid ah dhuunigooda joogtada ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa la mamnuucay ka ganacsiga lebbiska iyo agabka kale ee ciidamada, dhammaan meheradihii ka ganacsan jirayna waa la xidhay, iyada oo labbiskii iyo agabkii ay gacanta ku hayeenna dawladdu la wareegtay, lana siinayo magdhaw u dhigma.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa la xoojiyey iskaashiga amni iyo difaac ee aynu hore ula lahayn saaxiibbada caalamiga, iyada oo dalal kale oo cusubna la soo kordhiyey.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaana markii ugu horreysay la curiyey Istaraatijiyada amniga Qaranka (National Security Strategy) oo si waafi ah u qeexaysa qorshayaasha difaaca iyo ilaalinta dalka, muwadiniinta, iyo danaha qaranka.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udfcf.\ud835\udfd0 \ud835\udc0d\ud835\udc1a\ud835\udc1b\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1a:<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e,<\/p>\n\n\n\n<p>Nabaddu cid kasta waa u dan, colaadduna dadka, duunyada iyo deegaankaba waa ku khasaare. Colaad sokeeye marka ay tahayna waa kaa dhimay oo kugu dhimay. Oodi iyadaa ab-ka dhow, cid kasta oo ALLE meel ku wada beeray way ku qasban-tahay in ay nabad iyo wanaag ku wada noolaato.<\/p>\n\n\n\n<p>Dulmiga iyo dhiigga muslimka ee xaqdarrada loo qubayaa, waa cadho ALLE, abaaraha iyo nolosha oo innagu adkaatana way sababaan.<\/p>\n\n\n\n<p>Dadka walaalaha ah ee ay galbeedka shaqaaqadu ku dhex martay, waxa aanu ugu baaqaynaa in nabadda ay wada qaateen adkeeyaan. Xukuumaddu dadaallo badan ayey gelisay sidii colaadahaasi ay u joogsan lahaayeen, iyada oo arrintaas talo Qaran kala yeelatay Shir-guddoonka labada aqal.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxweyne ku-xigeenka iyo waftiga uu hoggaaminayaa, horumar badan ayey ka sameeyeen nabaddaas, waana la sii wadi doonaa illaa nabad buuxdaa ay xidhanto.<\/p>\n\n\n\n<p>Cidna kama oggolaan doonno in ay huriso colaado, ciddii ay ku caddaatana talaabo sharciga waafaqsan baa laga qaadi doonaa. Wax kasta oo la kala tabanayo, sida dhaqankeennu yahay, islaamkuna ina farayo, wada-hadal baa lagu dhammayn karaa.<\/p>\n\n\n\n<p>Qof kasta oo erey, arrin iyo adduun nabaddaas ku darsan karana waxa aan ka codsanayaa in uu gacan ka geysato, ergada madaxweyne ku-xigeenku hoggaaminayana sii xoojiyo.<\/p>\n\n\n\n<p>Gobalada bari, xukuumaddu dadaal badan bay gelisay, hubkii waaweynaa waxa uu ku soo noqday gacanta xukuumadda oo keliya.<\/p>\n\n\n\n<p>Nasiib-wanaag dhinaca Sanaag nabaddu way ka xidhantay, wixii hadba khilaaf soo noqdana si midaysan ayaa dhan looga soo wada jeesan doonaa.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhinaca kale ee Sool, tan iyo markii ay xukuumaddu talada qabatay xidhiidho nabadeed oo kala duwan ayey la samaysay walaalaha Laascaanood, waxa aanu ku rejo weynnahay in arrintaasina u dhammaato sida Sanaag u dhammaatay.<\/p>\n\n\n\n<p>Dadka Sool Bari waa dad aanay Somaliland inteeda kale, kala maarmi karin. Dhiig iyo dhaqanba way wadaagaan. Haddii qaladaad dhaceen, iyo haddii dhib la kala tirsanayaba waa arrin aynu wadajir xal waara uga gaadhi karo.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa aan u mahadnaqayaa Guddidii Madaxda dhaqanka ahaa ee uu Garaad Kulmiye hoggaaminayey, oo dhawr jeer Buuhoodle iyo Laascaanood u tegey ergo nabadeed.<\/p>\n\n\n\n<p>Horraantii 2025kii, waxa aanu Ergedaas u sheegnay in Jamhuuriyadda Somaliland ay dhisayso Guddi Nabadeed, diyaarna ay u tahay nabad, iyo isdhaafsiga maxaabiista, iyo in la furo isu-socodka ganacsiga iyo dadka. Qodobbadaas oo jawaabtoodu aanay illaa hadda naga soo gaadhin Laascaanood.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udfd0.\ud835\udfcf \ud835\udc0c\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc2e\ud835\udc25-\ud835\udc30\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc20\ud835\udc20\ud835\udc1a.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e;<\/p>\n\n\n\n<p>Xukuumaddu waxa ay xoogga saartay, xoojinta maamul-wanaagga iyo dib-u-habaynta nidaamka cadaaladda, waxaanay maamul-daadejin ku samaysay adeegyada dawladda.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa la kordhiyey, dib-u-habaynna lagu sameeyey xarumaha garsoorka bulsho ee degmooyinka, kuwaas oo u garnaqa bulshada, door muhiim ahna ka qaata nabadaynta iyo xallinta khilaafaadku, inta aanay maxkamadaha gaadhin.<\/p>\n\n\n\n<p>Ajandaha xukuumadda ee dib-u-habaynta iyo hirgelinta maamul-wanaagga, waxaa udub dhexaad u ah la dagaalanka dhammaan noocyada musuqmaasuqa oo ay ka mid yihiin musuqa maaliyadda iyo hantida qaranka, maamul-xumada, iyo ku-takrifalka awoodaha iyo sharciga.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa xukuumadda u qorshaysan dejinta nidaam iyo habraacyo waafaqsan shuruucda oo lagu xoojinayo, kartida iyo aqoonta shaqo ee hay\u2019adaha qaranka u xilsaaran ilaalinta iyo adkaynta maamul-wanaagga, cadaaladda iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udfd0.\ud835\udfd0 \ud835\udc03\ud835\udc1e\ud835\udc26\ud835\udc1b\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc1d\ud835\udc21\ud835\udc1a\ud835\udc1c\ud835\udc1a\ud835\udc32.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e,<\/p>\n\n\n\n<p>Noocyada dembiyada sannadkii 2025kii dalka ka dhacay, waxa ay muujinayaan inuu weli sarreeyo heerka maandooriyaha, dhaca fudud, kufsiga iyo dilalku, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn. Dadka ugu badan ee dhibbanayaasha u ah ama dembilayaasha ahina waa da\u2019 yar u dhexeysa 15 illa 25 sanno jir ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Taasi waxa ay innagu baraarujinaysaa baahida loo qabo in waalidka, macallinka, culimada, golayaasha qaranka iyo xukuumadba la isu kaashado wanaajinta barbaarinta ubadka.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa aan u mahadnaqayaa Ciidamada booliiska Jamhuuriyadda Somaliland oo dadaal badan geliyey ka hortagga iyo la dagaalanka dembiyada.<\/p>\n\n\n\n<p>Sannadkii 2025kii shilalka gaadiidku boqolkiiba 18 % ayaa ay hoos u dhaceen, dilkuna Boqolkiiba 7% ayuu ka yaraa kii sannadkii 2024kii.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udfd0.\ud835\udfd1 \ud835\udc03\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc2c\ud835\udc21\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc32\ud835\udc22\ud835\udc27\ud835\udc24\ud835\udc1a.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e,<\/p>\n\n\n\n<p>Dib-u-dhacyada doorashooyinku waxa ay khatar ku yihiin dimuqraadiyadda, xasiloonida siyaasadda, iyo sumcadda caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Maanta oo ay dunidu u soo jeesatay jiritaankeennana, way ka sii dhaawac badanaysaa.<\/p>\n\n\n\n<p>Aragtidayda Madaxweyne, iyo siyaasadda xukuumaddayduba taas ayey ku salaysan tahay.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa aanu dadaal badan gelinnay, in doorashooyinka golaha wakiillada iyo golayaasha deegaanku ay wakhtigooda ku qabsoomaan. Waxa se marar badan ina muquuninaya, xaaladaha siyaasadeed ee aynu la noolnahay iyo abaaraha soo noqnoqda.<\/p>\n\n\n\n<p>Wada xaajoodyo badan iyo gorfayn aan arrintaas kala yeeshay daneeyeyaasha, waxaa ka soo baxday in arrintaas go\u2019aankeeda loo daayo komishanka doorashooyinka qaranka oo farsamo ahaan sharcigu u jideeyey iyaga.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa aan dhawaan idiin soo gudbinayaa soo-jeedintii Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ), si aad uga gudataan waajibkiina. Waxa aan se codsanayaa in muddada farsamo ee uu komishanku soo jeediyey loo tixgeliyo.<\/p>\n\n\n\n<p>Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo aan weli cago adag ku istaagin, ayey dhisatay nidaam dimuqraaddi ah, duruufo kasta oo soo marayna way diiday inuu tareenka dimuqraadiyaddu mar keliya istaago.<\/p>\n\n\n\n<p>Anigana waxaa iga go\u2019an in aan awooddayda isugu geeyo, sidii aynu u hirgelin lahayn tallaabada labaad oo ah xoojinta dimuqraadiyadda iyo ilaalinta in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udfd0.\ud835\udfd2 \ud835\udc03\ud835\udc1a\ud835\udc2c\ud835\udc2d\ud835\udc2e\ud835\udc2e\ud835\udc2b\ud835\udc24\ud835\udc1a<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e,<\/p>\n\n\n\n<p>Cadaaladda iyo maamul-wanaaggu, waxa ay ka bilowdaan wanaajinta iyo horumarinta shuruucda, iyo ku dhaqankooda oo sax ah. Shuruucdana waxaa ugu sarreeya dastuurka oo ay ka farcamaan dhammaan xeerarku.<\/p>\n\n\n\n<p>Dastuurkeennu waxa uu ka mid yahay guulaha ugu qiimaha badan ee uu qarankeennu gaadhay, saldhigna u ahaa dhismaha dawladnimada aynu ku faanayno. Si kastaba ha ahaato e, dhukumanti kasta oo bani-aadam sameeyey, kama maarmo in lagu sameeyo kaabis iyo wax-ka-beddel si loo daboolo wixii galdaloolo ku soo baxa, si uu ula jaan-qaado hadba waayaha la joogo iyo duruufaha isbed-beddelaya.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa loo baahan yahay kala xadaynta awoodaha waaxyaha dawladda, iyo qeexidda awoodaha iyo hannaanka ay u wada shaqaynayaan hay\u2019adaha dastuuriga ahi.<\/p>\n\n\n\n<p>Si loo helo wax-wada-lahaanshiyaha iyo isu dhammaanshiyaha talada Qaranka, saamiga metelaadda goballada ee kuraasida golayaasha la doorto, iyo qorshaha horumarineed ee dalka, waxaa muhiim ah in la abuuro nidaam daah-furan oo lagu saleeyo. Sidaas awgeed waxaa xukuumadda u qorsheysan, inta lagu jiro muddo xileedkan koowaad, in la sameeyo tirakoob Qaran (National Census).<\/p>\n\n\n\n<p>Sida oo kale, aniga oo fulinaya balanqaadkii xiligii doorashada madaxtooyada lagu jiray, Waxa aan magacaabi doonaa guddi farsamo oo daraasad ku samaysa baahida loo qabo kaabista dastuurka, iyo habraaca loo mari karo.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udfd1.\ud835\udfcf \ud835\udc16\ud835\udc1a\ud835\udc31-\ud835\udc2c\ud835\udc28\ud835\udc28-\ud835\udc2c\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc24\ud835\udc1a<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e;<\/p>\n\n\n\n<p>Horumarintu waxa ay ka bilaabantaa xasilinta iyo kobcinta dhaqaalaha, iyo ka faa\u2019iideysiga khayraadka Dabiiciga ee kala duwan.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa muhiim ah in la helo dhaqaale ku fadhiya sees adag oo adkaysi u yeelan kara, caqabadaha kaga imanaya gudaha iyo dibadda labadaba.<\/p>\n\n\n\n<p>Sannadkii 2025kii, xukuumaddu dadaalo badan ayey gelisay horumarinta dhaqaalaha iyo nidaamka maaliyadeed ee dalka.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa la hirgeliyey habka ah in dakhliga dawladdu uu kuwada dhaco khasnad keliya (Treasury Single Account &#8211; TSA). Taas oo fududaynaysa maamulka iyo ilaalinta lacagta &amp; hantida qaranka.<\/p>\n\n\n\n<p>In kasta oo ay xiisado ka jireen badda Cas, haddana sannadkaas 2025kii, dhaqaaluhu kor u kac ayuu sameeyey. Waxaa kordhay dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee dekedda Berbera oo shixnadaha ganacsi ee maray ay 27% ka badnaayeen, sannadkii ka horreeyey.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa wadamada khaliijka loo dhoofiyey xoolo gaadhaya Saddex milyan iyo lix boqol oo kun oo neef (3.6 M) oo isugu jira geel, lo\u2019 iyo adhi, iyo hilib gaadhaya 16 Tan. Sida oo kale waxaa kordhay dhoofka, kalluunka, noocyada xabkaha, iyo macdanaha dhammaantood.<\/p>\n\n\n\n<p>Sannadkaas miisaaniyadda qaranku waxa ay korodhay 20%, marka la barbar dhigo sannadkii ka horreeyey, iyada oo dhinaca kale-na, la xakameeyey kharashaadkii ay xukuumaddu geli jirtay oo 9% la dhimay.<\/p>\n\n\n\n<p>Si kastaba ha ahaato e, Xukuumaddu waxa ay gashay deymo lagu fuliyey Qarameyntii ciidamadii madaniga ahaa, la wareegista qalabkii iyo gaadiidkii ciidamadii madaniga ahaa, mushaharo kordhinta ciidamada qaranka, iyo hawlaha nabadeynta iyo amniga. Maadaama oo kharashaadkaasi dhammaantood aanay ku jirin misaniyaddii qaranka ee 2025kii.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc01. \ud835\udc17\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc21\ud835\udc1a:<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e;<\/p>\n\n\n\n<p>Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaas awgeed, xukuumaddu mudnaan gaar ah ayey siinaysaa xoojinta daryeelka caafimaadka, iyo ka ganacsiga xoolaha.<\/p>\n\n\n\n<p>Sannadkii 2025kii waxaa daryeel caafimaad iyo daweyn loo sameeyey, saddex milyan (3M) oo neef oo isugu jira noocyada kala duwan ee xoolaha.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa dib loo furay in ka badan saddex iyo lixdan (63) xarumood oo lagu daryeelo caafimaadka xoolaha, halka xarunta daryeelka caafimaadka xoolaha oo casri ahna laga hirgeliyey Hargeysa.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa sii casriyeyn iyo tayeyn lagu sameeyey xarumaha horumarinta iyo cilmi baadhista xoolaha ee Aroori, Wajaale iyo Gar\u2019adag, sida oo kale waxa lagu guuleystay in la xidhay banka Qoolcaday oo waxtar weyn u yeelan doona xoolaheenna.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc13. \ud835\udc01\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc21\ud835\udc1a<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e,<\/p>\n\n\n\n<p>Beeruhu waa khayraad dihin oo door muhiim ah ka qaata xoojinta dhaqaalaha, iyo sugidda amniga cuntada. Waxaa la hirgeliyay mashruuca horumarinta beeraha ee banka Wajaale.<\/p>\n\n\n\n<p>Kun laba boqol iyo afar (1,204) beeraley ah, ayaa lagu tababaray la dagaalanka cudurrada iyo cayayaanka ku dhaca beeraha.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa beeraleyda la siiyey qalab caawiya kordhinta wax-soo-saarka, sida mishiinnada biyo soosaarka, qalabka waraabka ee biyaha tashiila, iyo aqallada cagaaran (Green-houses).<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa la qoday ama la dayactiray balliyada beeraha laga waraabiyo ee deegaannada qaarkood, kuwaas oo lagu rakibay qalabka qorraxda korontada ka dhaliya.<\/p>\n\n\n\n<p>Beeraley kala duwan ayaa la siiyey dhiirrigelin maaliyadeed, halka qaarkoodna lagu wareejiyey cagafyada qodaalka oo ay bulshda isku deegaanka ahi wadaagayaan.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc09. \ud835\udc0a\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc25\ud835\udc2e\ud835\udc2e\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc32\ud835\udc2c\ud835\udc22\ud835\udc20\ud835\udc1a<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e,<\/p>\n\n\n\n<p>Xukuumaddu waxa ay dadaal gelisay dhiirrigelinta iyo kobcinta ka ganacsiga kalluunka.<\/p>\n\n\n\n<p>Laba boqol (200) oo kalluumaysato ah ayaa la siiyey tababarro la xidhiidha kalluumaysiga casriga ah, iyo kaydinta kalluunka. Lix boqol (600) oo kalluumaysatada ka mid ahna, waxaa loo qaybiyey tallaagado ay kalluunka ku kaydsadaan iyo qalab kalluumaysi oo casri ah.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc09. \ud835\udc0a\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc25\ud835\udc2e\ud835\udc2e\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc32\ud835\udc2c\ud835\udc22\ud835\udc20\ud835\udc1a<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e,<\/p>\n\n\n\n<p>Sannadkii 2025kii, xukuumaddu waxa ay shaqooyin fiican ka qabatay kaabayaasha aasaasiga ah ee saamaynta tooska ah ku leh nolol maalmeedka muwaadiniinta. Waxaa ka mid ah horurmarinta adeegyada biyaha iyo laydhka, iyo fududaynta helitaankooda.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc01. \ud835\udc16\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc32\ud835\udc22\ud835\udc27\ud835\udc24\ud835\udc1a<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e<\/p>\n\n\n\n<p>Jidadku waxa ay muhiim u yihiin koboca dhaqaalaha, midnimada bulshada, nabadgelyada, gaadhitaanka adeegyada dadweynaha, iyo guud ahaan dhinacyada horumarka qaranka.<\/p>\n\n\n\n<p>In kasta oo ay jiraan caqabado dhaqaale, haddana xukuumaddu iyada oo og muhiimaddaas weyn ee ay waddooyinku leeyihiin, waxaa ka go\u2019an, in ay horumariso waddooyinka. Isla markii ay talada la waregtay waxa ay bilowday labada waddo ee Hargeysa-Balli Gubadle iyo Borama \u2013 Baki.<\/p>\n\n\n\n<p>Duruufaha kala duwan ee aynu ka soo warannay ayaa dib u dhacyo keenay, laakiin nasiibwanaag marnaba lama joojin dhismaha waddooyinkan. Maanta shaqadooda 60% ayaa la marinayaa, waxaanu qorshuhu yahay in ay dhammaystirmaan sannadka 2026.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa iyaduna hadda gebogebo ah diyaarinta mashruucii ugu weynaa dhinaca waddooyinka ee abid Somaliland laga fuliyo.<\/p>\n\n\n\n<p>Waa waddada Lawyacaddo-Fardaha-Boorama oo uu innaga caawinaya bangiga horumarinta Afrika.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhawaan ayaana la dhagax-dhigi doonaa bilowga dhismaha wadadan.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc13. \ud835\udc01\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1a\ud835\udc21\ud835\udc1a<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e,<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa sahamin xeeldheer lagu sameeyey khayraadka biyaha ee dalka, si loo helo xog sugan oo hagta maamulka iyo horumarinta kaabayaasha biyaha.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa la kobciyey aqoonta iyo xirfadda shaqo ee hawlwadeennada biyaha, waxaa ka mid ah khubaro biyaha ah oo aqoon iyo waayo-aragnimo korodhsi loogu diray dalka Israel oo aad ugu horumartay maaraynta biyaha.<\/p>\n\n\n\n<p>Magaalada Boorama 24% ayaa hoos loo dhigay qiimihii biyaha qasabadda halka mitir kiyuubik (1m\u00b3), sida oo kale waxaa la joojiyey in sicirka biyaha lagu saleeyo lacagta doolarka, si aanu qiimuhu isu bed-beddelin.<\/p>\n\n\n\n<p>Si dadka iyo xoolahaba loogu fududeeyo gaadhitaanka biyaha nadiifta ah, ayaa 72 ceelbiyood laga qoday ama laga dayactiray goballo kala duwan. Waxaana la qoday 16 balli oo qayb ka ah qorshaha qabashada iyo ka faa\u2019idaynta biyaha roobka.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa muwaadiniinta lagu dhiirrigeliyey maalgashiga biyaha, iyada oo dhowr magaalo laga hirgeliyey nidaamka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay (PPP).<\/p>\n\n\n\n<p>Qorshaha xukuumaddu waa in la helo biyo nadiif ah, helitaankoodu fudud yahay, qiimahoodana la iska bixin karo.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc09. \ud835\udc0b\ud835\udc1a\ud835\udc32\ud835\udc1d\ud835\udc21\ud835\udc24\ud835\udc1a<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e,<\/p>\n\n\n\n<p>Laydhku lagama maarmaan ayuu u yahay horumarka dhaqaalaha. Wuxuu qayb ka yahay wax-soosaarka khayraadka dabiiciga ah, warshadaynta, ganacsiga casriga ah, caafimaadka iyo waxbarashada.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa farxad inoo ah in sannadkii tegey lagu guulaystay dhimista qiimaha laydhka ee dalka. Magaalada Berbera oo ugu baahi badnayd, waxaa la gaadhsiiyey Labaatan Senti (0.20) oo dollar halkii Kilowatt (kW), Magaalooyinka kalana 19% ayaa la dhimay qiimihii.<\/p>\n\n\n\n<p>Ku-talagalka fog ee xukuumadduna, waa in qiimaha halka Kilowatt laga dhigo labaatan senti (0.20) dalka oo dhan. (Insha Allaah).<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa 24% la kordhiyey baaxadda korontada qorraxda laga dhaliyo oo uu bangiga adduunku innaga caawiyey. Korodhkaasina wuxuu yaraynayaa ku tiirsanaanta korontada laga dhalinayo shidaalka oo qaali ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa socda qorshe laydh bilaash ah lagu siinayo, xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada ee deegannada magaalooyinka ka fog-fog.<\/p>\n\n\n\n<p>Iyada oo ay gebo-gebo ku dhowdahay, qaybtii ugu horreysay ee 46 xarumo caafimaad iyo 57 xarumood oo waxbarasho, oo lagu rakibayo laydhka qorraxda laga dhaliyo (Solar) oo awood leh.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc17. \ud835\udc08\ud835\udc2c\ud835\udc20\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc21\ud835\udc2c\ud835\udc22\ud835\udc22\ud835\udc27\ud835\udc2d\ud835\udc1a \ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc13\ud835\udc1e\ud835\udc24\ud835\udc27\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc23\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e<\/p>\n\n\n\n<p>Xukuumaddu waxa ay qaaday tallaabooyin lagu kordhinayo kaabayaasha teknoolajiyada, laguna xoojinayno awoodda ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay ka faa\u2019idaysigeeda.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa dhammaystirmay qorshaha fidinta xadhigga internet-ka xawaarihiisu sarreeyo ee Fiber-optic-ga ah oo dalka oo dhan la isku xidhayo. Mashruucaas oo ay xukuumaddu fulinayso, waxaa innaga caawinaya bangiga adduunka.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa gebo-gebo ku dhow hawlgelinta xarunta kaydka xogta (National Data Center), oo aasaas u noqonaysa amniga xogta qaranka, iyo hirgelinta nidaamka maamulka Elektarooniga ah ee xukuumadda (e-Government), kaas oo muwaadiniinta u fududayn doona helitaanka adeegyada dawladda.<\/p>\n\n\n\n<p>Si loo cariyo curinta dhalinyarada, loona kobciyo dhaqaalaha dhijitialka (digital) ah ee dalka. Waxaa la soo kordhiyey tartan sannadle ah oo ay dhalinyaradu ku soo bandhigaan hal-abuurkooda Teknoolajiyadda, kaas oo ay ku helayaan abaalmarin qaran oo uu madaxweynuhu guddoonsiinayo, xiddiga sannad kasta kaalinta koowaad gala.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udfd1.\ud835\udfd1 \ud835\udc0c\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc20\ud835\udc1a\ud835\udc2c\ud835\udc21\ud835\udc22\ud835\udc20\ud835\udc1a<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e<\/p>\n\n\n\n<p>In dal uu ku tiirsanaado dhaqaalaha uu ka helo hal khayraad, waxa ay u nuglaysaa dhaawaca ka dhalan kara, haddii dhibaato ku timaaddo khayraadkaas, ama uu xidhmo suuqii la geynayey.<\/p>\n\n\n\n<p>In dhaqaalaheenna koritaankiisu xasilo, waaritaanna uu yeeshaa, waxay u baahan tahay in aynnu la soo baxno khayraadkeenna dabiiciga ah ee tirada badan, una helno suuqyo kala duwan iyo warshado. Taasina kama maarmayso in aynu maalgashi u helno mid dibadeed iyo mid gudeedba.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa lagama maarmaan ah in khayraadkeenna dihin aynu dunida tusno, in aynu abuurno kalsooni lagu heli karo maalgashi dibadeed, iyo in aynaan fursadaha sugin ee aynu raadino. Sidaas awgeed, Waxa aanu ka qaybgalnay shirar caalamiya oo muhiim u ah dhaqaalaha.<\/p>\n\n\n\n<p>1. Laba jeer waxaanu ka qayb galay shir-madaxeedka dawladaha adduunka ee Dubai (World Governments Summit) oo isu keenay marti ka badan Lix kun (6,000) oo ka kala socda illaa 150 dawladood, kuwaas oo ay ka mid yihiin madaxweyneyaal iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed, iyo kumanaan isugu jira maalgashato iyo khubaro dhaqaale.<\/p>\n\n\n\n<p>2. Waxa kale oo aannu fursad ka helnay shirka \u2018Madasha dhaqaalaha adduunka ee Davos, Switzerland. Waa kulanka ugu saamaynta badan dhaqaalaha adduunka ee jaangooya ajandaha dhaqaale ee caalamiga ah.<\/p>\n\n\n\n<p>3. Waxa aanu isagana ka qaybgalnay shirka Dhaqaalaha Afrika oo xoogga saara horumarinta dhaqaalaha dalalka qaaradda Africa, iyo fursadaha maalgashi ee ka jira oo lagu qabtay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).<\/p>\n\n\n\n<p>Shirarkan, waxaa nooga surtagalay ololayaal aanu Shirkadaha caalamiga ah, maalgashadayaasha iyo Maalqabaneeda dunida ugu bandhignay khayraadka Istaraatijiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyo fursadaheeda maalgashi ee dihin.<\/p>\n\n\n\n<p>Ka qaybgalka shirarkani waxa ay si weyn u kordhisay ka muuqashadeenna fagaarayaasha caalamiga ah ee dunida, waxa ay kor u qaadday ogaalka maalgashatada caalamiga ahi ka haystaan khayraadkeenna, waxaanay albaabo cusub u furtay fursadaha maalgashi ee dalka. Shirarkaas waxaanu kala soo noqonnay rejo aad u sarraysa oo ah in Jamhuuriyadda Somaliland ay maalgashi heli doonto mustaqbalka dhaw (Insha Allaah).<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa aan fursaddan uga faa\u2019idaysanayaa in ganacsatada muwaadiniinta ah aan ku dhiirrigeliyo, maalgelinta warshadaha yaryar iyo beeraha, xukuumadduna hawl fududayn badan ayey u samayn doontaa.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udfd1.\ud835\udfd2 \ud835\udc02\ud835\udc1a\ud835\udc2a\ud835\udc1a\ud835\udc1b\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc21\ud835\udc1a \ud835\udc1d\ud835\udc21\ud835\udc1a\ud835\udc2a\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc1e.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc01. \ud835\udc12\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc32\ud835\udc27\ud835\udc2d\ud835\udc1a \ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc20\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc1b\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc22\ud835\udc20\ud835\udc1a \ud835\udc1d\ud835\udc21\ud835\udc1e\ud835\udc31\ud835\udc1e<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e,<\/p>\n\n\n\n<p>Saamaynta uu dagaalka bariga dhexe ku keenay marinnada Hormuz iyo Baab Al-mandab, iyo furdadaha shidaalka laga raraa, waxa ay keentay dhibaato dhaqaale oo dunida oo dhan saamaysay.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa kacay qiimihii shidaalka, rarka maraakiibta, iyo caymiska gaadiidka badda. Taas oo sababtay sicir barar aad u badan iyo hubaanti la\u2019aan ka dhacday suuqyada badeecadaha muhiimka ah, gaar ahaan Somaliland oo maciishadda, shidaalka iyo badeecadaha aasaasiga ahba dibadda looga soo dhoofiyo. Waxa aanay saamayn ku yeelatay dakhliga dawladda, oo isku celcelis boqolkiiba 23% uu hoos u dhac ku yimi, odoroskii saddex biloodka koowaad ee sannadkan 2026.<\/p>\n\n\n\n<p>Xukuumaddu waxa ay qaadday tallaabooyin ay ku xoojinayso ka hortagga waayitaanka shidaalka iyo raashinka, iyo la socoshada qiimayaasha suuqa. Waxaa kale oo ay ku guda jirtaa, iyada oo kaashanaysa ganacsatada, raadinta ilo kale oo aynuka heli karno shidaal iyo raashin.<\/p>\n\n\n\n<p>Casharka ugu muhiimsan ee ay xaaladdani ina baraysaana, waa in aynu kordhinno waxsoosaarka gudaha gaar ahaan cuntada, taas oo sidaan marar badan ku celceliyey ay xukuumaddu dhiirrigelinayso, kana shaqaynayso maalgashigeeda gudaha iyo dibaddaba.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc13. \ud835\udc03\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc20\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc08\ud835\udc2c\ud835\udc1b\ud835\udc1e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1e\ud835\udc25\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc1c\ud835\udc22\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e<\/p>\n\n\n\n<p>Dhibaatooyinka ka dhashay Isbeddelka cimilada waxaa ka mid ah abaaraha soo noqnoqday, biyo yaraan, xaaluf iyo carro-guur khatar gelinaya nolosha xoolaha, amniga cuntada, iyo xasiloonida dhaqaalaha.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhowrista deegaanku waa mas\u2019uuliyad qaran oo ay xukuumaddu mudnaan sare siinayso. Sidaas awgeed, waxaa la hirgeliyey barnaamijyo lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka, dhir beerista iyo u adkaysiga isbeddelka cimilada, sannadkii hore waxaa la beeray in ka badan lix boqol oo kun oo geed (600,000) sannadkanna waxaa la beeri doonaa tiro intaa la\u2019eg.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa sida oo kale tababarro heerkoodu sarreeyo la siiyey hawlwadeennada daryeelka deegaanka, iyo la qabsiga isbeddelka cimilada, iyo xubno laga soo xulay deegaannada.<\/p>\n\n\n\n<p>Mudane Guddoomiye<\/p>\n\n\n\n<p>Qaran horumarkiisu waxa uu ka bilowdaa maalgashiga dadkiisa. Horumarka aynu u soconnaa wuxuu u baahan yahay bulsho waxbaratay, caafimaad qabta, karti iyo awood shaqana leh.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc01. \ud835\udc07\ud835\udc28\ud835\udc2b\ud835\udc2e\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc22\ud835\udc27\ud835\udc2d\ud835\udc1a \ud835\udc16\ud835\udc1a\ud835\udc31\ud835\udc1b\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc2c\ud835\udc21\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e<\/p>\n\n\n\n<p>Waxbarashadu waa raasamaalka ugu saamaynta badan ee aynu gelin karno dhallinyaradeenna. Waxbarashadu waxa ay tayeynaysaa cududda shaqaalaha, waxa ay kobcinaysaa hay\u2019adaha qaranka, waxa aanay innagu hagaysaa jidka saxda ah ee aynu u mari karno horumarinta dalkeenna. Xukuumaddu iyada oo aragtidaas ka duulaysa, ayey mudnaan gaar ah siisay horumarinta waxbarashada.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa la dhisay 36 dugsi oo isugu jira hoose\/dhexe, sare iyo barbaarinta ubadka, boqol iyo labaatan (120) fasalna waxaa lagu kordhiyey dugsiyo kala duwan oo ardayda cidhiidhi ku noqday.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhinaca tayada, Waxa dib-u-habayn iyo casriyeyn lagu sameeyey manhajyada waxbarasho ee dugsiyada hoose\/dhexe, manhajka tababarka macalimiinta, manhajka waxbarashada maxaabista iyo manhajka dugsiyada farsamada gacanta. Kuwaas oo isugu jira qaybo dhammaaday oo la dhaqan-geliyey, iyo kuwo dhammaad ku dhow.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa waxbarasho sare, aqoon-korodhsi, iyo tababarro loo furay in ka badan laba kun (2,000) oo isugu jira macallimiin hore, iyo kuwo hadda la diyaarinayo, kormeerayaal, iyo maamulayaasha dugsiyada heerarka kala duwan, kuwaas oo lix boqol (600) oo ka mid ahi ay dumar yihiin. Waxa la shaqaalaysiiyey boqol iyo lix (106) macalin oo dumar ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Xukuumadda waxaa ka go\u2019an in la dhiso nidaam waxbarasho oo awood u leh in uu da\u2019 yarteenna u diyaariyo mustaqbalka.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc13. \ud835\udc07\ud835\udc28\ud835\udc2b\ud835\udc2e\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc22\ud835\udc27\ud835\udc2d\ud835\udc1a \ud835\udc02\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc1f\ud835\udc22\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc24\ud835\udc1a.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e<\/p>\n\n\n\n<p>Sannadkii 2025kii, waxa ay xukuumaddu hirgelisay nidaamka xog kaydinta caafimaadka qaranka, si kor loogu qaado tayada qorshaynta, isku-dubaridka iyo maamulka caafimaadka ee dalka oo dhan.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa qalab caafimaad iyo dawooyin la gaadhsiiyey 142 goobood oo isugu jira xarumo caafimaad iyo cisbitaallo, si kor loogu qado adeegga ay dadweynaha siiyaan.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa tababarro kala duwan la siiyey Laba kun, Shan boqol, afartan iyo lix (2,546) hawlwadeennada caafimaadka ah oo isugu jiray dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal iyo mihnadlayaal kale oo caafimaad.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa la bilaabay dhismaha cisbitaalka qaran ee takhasusaadka kala duwan oo ay dawladda Taiwan innaga caawinayso. Kaas oo aynu ku rejo weynnahay in uu wax badan ka tari doono baahida caafimaadka ee caasimadda iyo nawaaxigeeda.<\/p>\n\n\n\n<p>Dawladda Imaaraadka ee aynu saaxiibka nahayna, waxa ay sannadkan 2026 magaalada Burco ka bilaabi doontaa cisbitaal casri ah oo bixiya adeegyo caafimaad oo leh takhasusyo kala duwan.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc09. \ud835\udc07\ud835\udc28\ud835\udc2b\ud835\udc2e\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc22\ud835\udc27\ud835\udc2d\ud835\udc1a \ud835\udc03\ud835\udc21\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc22\ud835\udc27\ud835\udc32\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e<\/p>\n\n\n\n<p>Maadaama oo tirada ugu badan bulshadeennu ay dhalinyaro tahay, in la maalgeliyo mustaqbalkoodu waa mas\u2019uuliyad ay xukuumaddu mudnaan siinayso sida Waxbarashada, shaqo-abuurka, Isboortiga, iyo ka qaybgalka hawlaha bulsho ee dalka.<\/p>\n\n\n\n<p>Si loo dhiirrigeliyo is-dhexgalka dhalinyarada, loogana mashquuliyo barashada balwadaha iyo anshax darrada, waxaa la dhammaystiray toddoba (7) garoon oo si buuxda oo casri ah u diyaarsan.<\/p>\n\n\n\n<p>Sida oo kale, dhalinyaro kala duwan ayaa loo diray ka qaybgalka munaasabado isboorti ah oo caalami ah, waxa ay ahayd fursad ay soo korodhsadeen waayo-aragnimo ciyaareed oo kor u qaadaysa Isboortiga dalka, sida oo kale-na qadiyadda iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland ayey gaadhsiiyeen fagaarayaasha adduunka.<\/p>\n\n\n\n<p>Si halkaas hore loogaga sii socdo, xukuumaddu waxa ay sii wadi doontaa shaqo-abuurka dhalinyarada, iyo in la dhiirrigeliyo waxbarashada farsamada gacanta iyo xirfadaha oo muhiim u ah shaqo-abuurka iyo horumarinta dhaqaalaha.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc17. \ud835\udc03\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc32\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc25\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc27\ud835\udc2e\ud835\udc20\ud835\udc2e\ud835\udc25.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e<\/p>\n\n\n\n<p>Siyaasadda xukuumaddu waa in muwaadiniintu aanay aad ugu kala tegin heerka nololsha. Waxaanay xil gaar ah iska saaraysaa, ka warqabka bulshada nugul.<\/p>\n\n\n\n<p>Iyada oo aragtidaas laga duulayo, ayaa guryo loo dhisay 101 qoys oo ka mid ah muwaadiniintaas, halka 200 oo qoys oo barakacayaal ahna la siiyey dhul hanti ah. Qoysas tiradoodu dhantahay 400 ayaa iyagana la siiyey lacag caddaan ah oo loogu talagalay in ay meherado yaryar oo ganacsi ku maalgashadaan.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udfd3. \ud835\udc00\ud835\udc2b\ud835\udc2b\ud835\udc22\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc21\ud835\udc1a \ud835\udc1d\ud835\udc22\ud835\udc1b\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc22\ud835\udc2c\ud835\udc24\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc2c\ud835\udc21\ud835\udc22\ud835\udc20\ud835\udc1a \ud835\udc1c\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc20\ud835\udc1a \ud835\udc1a\ud835\udc21<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udfd3.\ud835\udfcf \ud835\udc00\ud835\udc2a\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc27\ud835\udc2c\ud835\udc22\ud835\udc20\ud835\udc1a \ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc03\ud835\udc22\ud835\udc1b\ud835\udc25\ud835\udc2e\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc2c\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1a<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e;<\/p>\n\n\n\n<p>Yoolka siyaasaddeenna arrimaha dibaddu waa Jamhuuriyadda Somaliland oo hesha aqoonsiga aynu xaqa u leenahay, iyo inaynu dawladaha ka rabno jaalnimo Istaraatiji ah oo ku dhisan dano is dhaafsi.<\/p>\n\n\n\n<p>Siyaasaddeenna arrimaha dibadda waxaa hagaya mabaadii\u2019da nabadda, iskaashiga, iyo xidhiidh xilkasnimo iyo sinnaan ku dhisan oo ay la yeelato dunida.<\/p>\n\n\n\n<p>Sannadkii 2025kii, dublumaasiyadeennu waxa ay culayska saartay kordhinta galaan-galkeenna caalamiga ah, in aynnu yeelanno saaxiibbo istaraatiiji ah, iyo in aynnu dardargelinno aqoonsi raadinta.<\/p>\n\n\n\n<p>Aqoonsiga ujeedaddiisu ma aha xidhiidh diblumaasiyadeed oo keliya, balse waa waddo loo maro fursado badan oo maanta ay dalkeenna iyo dadkeenuba u baahan yihiin.<\/p>\n\n\n\n<p>Aqoonsiga caalamiga ahi waxa uu soo jiidanayaa maalgashatada, wuxuu fududaynayaa ganacsiga dibadda, wuxuu inoo furayaa hay\u2019adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, wuxuu sii adkaynayaa iskaashiga ammaanka ee aynu dalal badanna la leenahay, waxa aanu inoo furayaa in aynu xubinnimo ka helno ururrada heer gobal iyo heer caalamiba.<\/p>\n\n\n\n<p>Waa fursad Jamhuuriyadda Somaliland u suurtagelinaysa in ay door ku yeelato xasiloonida gobalka, ammaanka badda cas iyo gacanka cadmeed, iyo iskaashiga Geeska Afrika iyo dunidaba.<\/p>\n\n\n\n<p>Maadaama oo ay noo muuqatay muhiimaddaas uu aqoonsigu inoo leeyahay, muddo dheerna dadkeenu la\u2019aantii caqabado badani u haysteen. Wakhti dheeraad ah iyo dadaal badan ayaannu gelinnay aqoonsi raadinta.<\/p>\n\n\n\n<p>Dawaldda Israel waa dawladdii koowaad ee ku dhiiratay go\u2019aan adag oo ay ku aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa aanu aaminsanahay in ay noqon doonto saaxiib la isku hallayn karo. kelina kuma noqonayso ee dalal kale, ayaa mustaqbalka dhaw ina aqoonsan doona.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa kale oo iyaguna jira, dalal raba inay inala yeeshaan xidhiidh diblumaasiyadeed iyo wada-shaqayn aqoonsi u dhiganta.<\/p>\n\n\n\n<p>Guulahaas Jamhuuriyadda Somaliland u soo hoyday cadow badan ayey madowga iyo boholaha ka soo saareen, waxaana meelo badan laga abaabulay dhagaro ka dhan ah qarankeenna iyo ictiraafkeenna.<\/p>\n\n\n\n<p>Labadiinan aqal ee baarlamaanka, hay\u2019adaha kala duwan ee qaranka, bulshada rayidka ah iyo dhammaan muwaadiniinta dalka, waxa aan ka codsanayaa inay si isku mid ah, oo isku duubni iyo kalsooni badani ka muuqato u soo dhoweeyeen guushan iyo kuwa daba socdaba. Dhamaanteen, aynu isu kaashdaanno difaaca qarankeenna.<\/p>\n\n\n\n<p>Dib-u-aqoonsiga taariikhiga ah ee aynu helnay, iyo xidhiidhada diblumaasiga ah ee aynu samaynayba, waxa ay ka turjumayaan in dunidu fahamtay qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo in ka badan 60 sannadood been laga sheegayey.<\/p>\n\n\n\n<p>Muddadii aqoonsiga ka dambaysay, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay martigelisay waftiyo u badan diblumaasiyiin, madax hay\u2019adeed oo caalami ah iyo kuwo goboleed iyo maalgashadayaal caalamiya oo tiradoodu aad u badan tahay.<\/p>\n\n\n\n<p>Arrintaasi waxa ay muujinaysaa, inay kor u kacday danaynta ay dunidu u hayso xidhiidhka Somaliland, xasiloonideeda, nidaamkeeda dimuqraaddiga ah iyo kaalinta Istaraatijiyadeed ee ay ku leedahay gobalka Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.<\/p>\n\n\n\n<p>Si loo dhiso xirfadda hawlwadeenadeena diblumaasiyadda, Waxaa la aasaasay Machadka Diblumaasiyadda Somaliland oo tababarro heerkoodu sarreeyo siiyey dufcaddii u horreysay ee diblumaasiyiin ah, si loo diyaariyo jiil cusub oo xirfaddooda diblumaasiyadu dhisantahay, dunidana wakiil inooga noqon kara.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udfd3.\ud835\udfd0 \ud835\udc17\ud835\udc22\ud835\udc1d\ud835\udc21\ud835\udc22\ud835\udc22\ud835\udc1d\ud835\udc21\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc03\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc09\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc24\ud835\udc1a<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e;<\/p>\n\n\n\n<p>Jamhuuriyadda Somaliland mudnaan gaar ah ayey siisaa in xidhiidh wanaagsan ay la yeelato dalalka la jaarka ah. Waxa ay aaminsantahay mabaadii\u2019da jaar-wanaagga, is-ixtiraamka, iyo nabad ku wada noolaanshiyaha, maadaama oo gobalka xasiloonidiisa iyo horumarkiisu ay isku xidhan yihiin.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa ay diyaar u tahay in ay xidhiidhka dalalkaas sii xoojiso, iyada oo xaq-dhowraysa qarannimadooda, xuduudahooda, iyo arrimahooda gudaha, iyagana sidaas oo kale ka filaysa.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa aan u mahadnaqaynaa dalka Itoobiya oo muddo aad u dheer, Jamhuuriyadda Somaliland la lahaa xidhiidh caafimaad qaba oo is-qaddarin ku dhisan. Walaalaheenna gobalka aynnu ku wada dhaqannahayna, intaas iyo ka badan ayeynu ka filaynaa.<\/p>\n\n\n\n<p>Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay diyaar u tahay, xidhiidh aan qarannimadeeda waxba u dhimayn oo la iska kaashado danaha la wadaago. Waxaa ka mid ah nabadda, amniga, fududaynta isu-socodka, xoojinta iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga xuduudaha isaga gudba, dhismaha kaabayaasha, ammaanka badda, ilaalinta deegaanka, iyo guud ahaan xasiloonida gobalka.<\/p>\n\n\n\n<p>Dawladda Xamar-na waxa aan ugu baaqayaa, inay garawsato in qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ay gaadhay meel aan dib u noqosho aqbalayn.<\/p>\n\n\n\n<p>Maanta jidka keliya ee u furan Soomaaliya, waa in aanu noqonno laba dal oo walaalo ah oo jaar-wanaag ka dhexeeyo, taasna diyaar baanu u nahay. Waxa aanu leenahay ku qanca xaqiiqada ah, in Somaliland ay noqotay dal madax-bannaan oo la aqoonsaday.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa aan idin xasuusinayaa baydad ka mid ah maansadii Gud-gude, ee Alle ha u naxariisto ee Abwaan Hadraawi.<\/p>\n\n\n\n<p>Wuxuu yidhi,<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc06\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc30\ud835\udc2c\ud835\udc21\ud835\udc22\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc23\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc27 \ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc21\ud835\udc1e\ud835\udc25\ud835\udc28, \ud835\udc20\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc1d\ud835\udc2e\ud835\udc27\ud835\udc22\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc32\ud835\udc1d\ud835\udc1a<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc09\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc27 \ud835\udc20\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1a \ud835\udc1b\ud835\udc1a\ud835\udc31\ud835\udc28 \ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a, \ud835\udc20\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc22 \ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc20\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc22<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc09\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc27 \ud835\udc20\ud835\udc2e\ud835\udc1f\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc1c\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc24\ud835\udc2e \ud835\udc2d\ud835\udc1a\ud835\udc20\ud835\udc28, \ud835\udc26\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc25\ud835\udc28 \ud835\udc20\ud835\udc1e\ud835\udc2b\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc06\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc08\ud835\udc2c\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc24\ud835\udc1a\ud835\udc1b\ud835\udc1a \ud835\udc22\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1a, \ud835\udc2d\ud835\udc1a\ud835\udc32\ud835\udc1d\ud835\udc2e \ud835\udc30\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc20\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc21\ud835\udc28<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc01\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc22\ud835\udc20\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc06\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc1b\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc1d\ud835\udc24\ud835\udc1a\ud835\udc1b\ud835\udc1a \ud835\udc22\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1a, \ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc32\ud835\udc20\ud835\udc2e \ud835\udc20\ud835\udc1a\ud835\udc1c\ud835\udc1a\ud835\udc27 \ud835\udc2a\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc28<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc2b\ud835\udc1e\ud835\udc32 \ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc08\ud835\udc2c\ud835\udc25\ud835\udc28\ud835\udc30 \ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc07\ud835\udc2e\ud835\udc2b\ud835\udc2b\ud835\udc28\ud835\udc30, \ud835\udc20\ud835\udc1a\ud835\udc1b\ud835\udc1a\ud835\udc32\ud835\udc20\ud835\udc2e \ud835\udc30\ud835\udc1a\ud835\udc1a \ud835\udc1b\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc27\ud835\udc1e<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc06\ud835\udc28\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc25\ud835\udc1e\ud835\udc32\ud835\udc2c\ud835\udc1a\ud835\udc27 \ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc32\ud835\udc1e\ud835\udc1e \ud835\udc2d\ud835\udc1a\ud835\udc2c\ud835\udc21\ud835\udc22\ud835\udc20\ud835\udc1a, \ud835\udc30\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc27 \ud835\udc20\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc27\ud835\udc2c\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc32\ud835\udc1e<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc16\ud835\udc1a\ud835\udc31\ud835\udc1b\ud835\udc1a \ud835\udc32\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc27 \ud835\udc22\ud835\udc27\ud835\udc1d\ud835\udc21\ud835\udc1a\ud835\udc21\ud835\udc1a \ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc32\ud835\udc20\ud835\udc2e \ud835\udc20\ud835\udc2e\ud835\udc1b\ud835\udc22\ud835\udc27, \ud835\udc20\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc1b\ud835\udc2c\ud835\udc22 \ud835\udc26\ud835\udc1a \ud835\udc1a\ud835\udc2a\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc27\ud835\udc1e.<\/p>\n\n\n\n<p>Mudane Guddoomiye;<\/p>\n\n\n\n<p>In kasta oo 2025kii ay hawlo badani inoo qabsoomeen, haddana weli shaqo ka sii badan ayaa inoo taalla. Waxaa jira caqabado nabadgelyo oo marar kala duwan hadba meel ka dhaca, iyo xaaladda gobalka Bariga dhexe iyo badda cas ee cakiran. Waa caqabado innaga dabraya in sidii la rabay aynnu hore ugu soconno.<\/p>\n\n\n\n<p>Sannadkan 2026, waxa annu xoogga saaraynaa adkaynta dhidibbada uu dhaqaalaheennu ku taagan yahay, taas oo ay ugu horreyso in aanu sii kordhinno dadaalka aynu ku raadinayno ka faa\u2019idaysiga khayraadkeenna dihin sida macdanta, kordhinta wax beerista, Kordhinta maaligelinta xoolaha iyo kalluumeysiga, kordhinta wax dhoofinta, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgelinta adeegga bulshada oo ka mid yihiin caafimaadka, wax barashada , biyaha iyo laydhka.<\/p>\n\n\n\n<p>Mudane Guddoomiye;<\/p>\n\n\n\n<p>Ugu dambeyn, In aynu gaadhno himiladeennu, waxa ay u baahan tahay iskaashi xooggan oo ay yeeshaan hay\u2019adaheenna qaranku, iyo in aynu xoojinno isku duubnida dadkeenna iyo kalsoonida ay ku qabaan dawladnimada.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa aan idinka mahadnaqayaa xeerarka aad hore u curiseen ama ansixiseen ee xukuumadihii kala dambeeyey idiin soo gudbiyeen.<\/p>\n\n\n\n<p>Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay diyaarisay siyaasadaha iyo istaraatijiyadaha hagi doona qaybaha kala duwan ee shaqada ay qaranka u hayso.<\/p>\n\n\n\n<p>Sida oo kale-na waxa ay curisay, ama wax-ka-beddel iyo kaabis ku samaysay xeerarka xayndaabka u ah shaqadaas, kuwaas oo qaarkood idin hor yaallaan, kuwa kale-na aanu dhakhso idinku soo gudbin doonno.<\/p>\n\n\n\n<p>Xukuumadda way ka go\u2019antahay dhammaystirka shuruucda iyo dhaqangelinta xeerarka idinka soo baxa, iyo sida oo kale siyaasadaha iyo istaraatjiyadaha ay dejiso.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa aan si gaar ah idinka mahadnaqayaa gudashada waajibaadkiina, iyo iskaashiga iyo ka wada-shaqaynta danta qaranka ee innaga dhaxaysa.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc00\ud835\udc0b\ud835\udc0b\ud835\udc04 \ud835\udc21\ud835\udc1a \ud835\udc1b\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc24\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc09\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc21\ud835\udc2e\ud835\udc2e\ud835\udc2b\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc12\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc22\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1d,<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc12\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc22\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1d \ud835\udc07\ud835\udc1a \ud835\udc27\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc2d\ud835\udc28, \ud835\udc12\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc22\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1d \ud835\udc21\ud835\udc1a \ud835\udc23\ud835\udc22\ud835\udc2b\ud835\udc2d\ud835\udc28.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc16\ud835\udc1a \ud835\udc2c\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc2e \ud835\udc02\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc32\ud835\udc24\ud835\udc2e\ud835\udc26 \ud835\udc30\ud835\udc1a \ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc31\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc2d\ud835\udc2e\ud835\udc25\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc21\ud835\udc22 \ud835\udc30\ud835\udc1a \ud835\udc1b\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc24\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc2d\ud835\udc2e\ud835\udc21\ud835\udc2e.<\/p>\n\n\n\n<p>\ud835\udc03\ud835\udc21\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc1d.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/image-29.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"590\" height=\"518\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/image-29.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-19047\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/image-29.png 590w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/image-29-300x263.png 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 590px) 100vw, 590px\" \/><\/a><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\ud835\udc0a\ud835\udc21\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1b\ud835\udc1a\ud835\udc1dda \ud835\udc0c\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc31\ud835\udc30\ud835\udc1e\ud835\udc32\ud835\udc27\ud835\udc1a\ud835\udc21\ud835\udc1a \ud835\udc09\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc21\ud835\udc2e\ud835\udc2e\ud835\udc2b\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc12\ud835\udc28\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc22\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1d, \ud835\udc02\ud835\udc1a\ud835\udc1b\ud835\udc1d\ud835\udc22\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc31\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc27 \ud835\udc0c\ud835\udc1a\ud835\udc31\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc1e\ud835\udc1d \ud835\udc02\ud835\udc1a\ud835\udc1b\ud835\udc1d\ud835\udc22\ud835\udc25\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc21\ud835\udc22 (\ud835\udc02\ud835\udc22\ud835\udc2b\ud835\udc2b\ud835\udc28) \ud835\udc2e\ud835\udc2e \ud835\udc2e \ud835\udc23\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc1d\ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc1e\ud835\udc32 \ud835\udc0b\ud835\udc1a\ud835\udc1b\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc06\ud835\udc28\ud835\udc25\ud835\udc1e \ud835\udc10\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc27 \ud835\udc1e\ud835\udc1e \ud835\udc01\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc09\ud835\udc12\ud835\udc0b. Bismillaahi Raxmaani Raxiim Al-Xamdullillaahi Rabbil-Caalamiin, Wa Bihii Nastaciinu Calaa Umuuri Dunyaa Wa-diin Wa Salaatu Wa Salaamu Calaa Nebiyinaa Muxammadin Wa Calaa Aalihii Wa saxbihii wa salam; Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha wakiillada, xubnaha shir-guddoonnada iyo xildhibaananda labada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":19047,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[5,2],"tags":[],"class_list":["post-19046","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-muuqaalladavideos","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19046","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=19046"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19046\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":19048,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19046\/revisions\/19048"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/19047"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=19046"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=19046"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=19046"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}