{"id":19074,"date":"2026-04-16T22:36:39","date_gmt":"2026-04-16T22:36:39","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=19074"},"modified":"2026-04-16T22:36:40","modified_gmt":"2026-04-16T22:36:40","slug":"somaliland-oo-si-kulul-uga-jawaabtay-eedaha-soomaaliya-ee-xidhiidhkeeda-dibadeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=19074","title":{"rendered":"Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Eedaha Soomaaliya ee Xidhiidhkeeda Dibadeed"},"content":{"rendered":"\n<p>Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag loogu dadafeeyey hadal ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland la yeelanayso dowladda Israa\u2019iil. Dowladda Somaliland waxay sheegtay in eedahaas ay yihiin kuwo aan sal sharci, taariikheed iyo xaqiiqo mid na lahayn.<\/p>\n\n\n\n<p>Warsaxaafadeedku wuxuu caddeeyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal madaxbannaan oo xorriyaddiisa qaatay 26kii Juun 1960, xilligaas oo ay si gaar ah u aqoonsadeen dalal ka tirsan beesha caalamka. Waxa kale oo lagu adkeeyay in madaxbannaanida Somaliland aanay ka iman, ku na xidhnayn wax amar ah oo ka yimaadda Muqdisho.<\/p>\n\n\n\n<p>Sidoo kale, Somaliland waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay lahayn wax sharci ah oo ay ku farageliso ama ku xaddido xidhiidhada diblomaasiyadeed ee ay la yeelanayso dalalka kale, maadaama arrintaasi tahay xuquuq ka dhalatay madaxbannaanideeda, isla markaana aysan u baahnayn oggolaansho dibadeed.<\/p>\n\n\n\n<p>Warsaxaafadeedku wuxuu dhaliilay doodda Soomaaliya ee ku saabsan midnimada dhuleed, isagoo ku tilmaamay mid marinhabaabin ah, isla markaana aan lahayn saldhig sharci oo baabi\u2019in kara jiritaanka dawladnimada Somaliland, maadaama madaxbannaanideedu ka horraysay midowgii 1960. Waxa kale oo lagu xusay in Somaliland ay dib u la soo noqotay madaxbannaanideeda sannadkii 1991, isla markaana muddo ka badan soddon sano si buuxda uga talinaysay dhulkeeda.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa intaa lagu daray in Somaliland ay dhistay hay\u2019ado dimuqraadi ah, qabatay doorashooyin lagu kalsoonaan karo, ilaalisay nabad iyo xasillooni gudaha ah, isla markaana kaalin ka qaadatay la dagaallanka argagixisada, budhcad-badeedda iyo sugidda marinnada badda ee muhiimka ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhanka kale, warsaxaafadeedku wuxuu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay weli si weyn ugu tiirsan tahay taageero amni oo dibadeed, taas oo keentay su\u2019aalo la xidhiidha xasilloonideeda mustaqbalka fog.<\/p>\n\n\n\n<p>Ugu dambayn, Somaliland waxay sheegtay in xidhiidhadeeda diblomaasiyadeed, oo ay ku jirto midka ay la leedahay Israa\u2019iil, lagu saleeyo qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana hadallada siyaasadeed ee ka soo horjeeda aanay waxba ka beddelayn xaqiiqada jirta. Waxay hoosta ka xariiqday inay ka go\u2019an tahay nabad, xasillooni iyo iskaashi caalami ah, balse madax-bannaanideedu tahay mid aan gorgortan geli karin, halka siyaasaddeeda dibadeedna ay go\u2019aamiso oo keliya rabitaanka qaranka Somaliland.<a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/photo\/?fbid=1574767164493846&amp;set=a.781918540445383&amp;__cft__[0]=AZawpPvksV55Dkh0O9JicQCzNsgMZQotfELASdriUunoSxGRggeG1ylvf5DWjvXRp2iG7LpGVC4ZhQ0UPCFEkGYIAt5TnlZbVP9_R0wO8jYyCNNp94kHI-pcrymB9_yX7LhGJRi3yFskoo7tzLbZNAU5-2uWK63OzK7klN7xtE67A5iD6cceCzZpg3FQWBYzATn0sRFKzmslmfcC5De1OTWn&amp;__tn__=EH-R\"><\/a><\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/image-46.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"654\" height=\"943\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/image-46.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-19075\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/image-46.png 654w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/image-46-208x300.png 208w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/image-46-555x800.png 555w\" sizes=\"auto, (max-width: 654px) 100vw, 654px\" \/><\/a><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag loogu dadafeeyey hadal ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland la yeelanayso dowladda Israa\u2019iil. Dowladda Somaliland waxay sheegtay in eedahaas ay yihiin kuwo aan sal sharci, taariikheed iyo xaqiiqo mid na lahayn. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":19075,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-19074","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19074","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=19074"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19074\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":19076,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19074\/revisions\/19076"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/19075"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=19074"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=19074"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=19074"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}