{"id":19120,"date":"2026-05-07T14:56:34","date_gmt":"2026-05-07T14:56:34","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=19120"},"modified":"2026-05-07T14:56:36","modified_gmt":"2026-05-07T14:56:36","slug":"golaha-wasiirrada-somaliland-oo-ka-arrinsaday-amniga-dhaqaalaha-iyo-diyaar-garowga-18-ka-may","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=19120","title":{"rendered":"Golaha Wasiirrada Somaliland oo ka Arrinsaday Amniga, Dhaqaalaha iyo Diyaar-garowga 18-ka May"},"content":{"rendered":"\n<p>Fadhigii 62aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka, diyaar-garowga xuska 18-ka May, dibudejinta qoysas barakacayaal ah iyo xaaladda dhaqaale ee dalka. Golaha ayaa sidoo kale warbixinno ka dhegaystay hay\u2019adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo la xidhiidha sugidda amniga, taageerada qoysaska la dejiyey iyo qorshayaasha lagu xoojinayo horumarka iyo xasilloonida dalka.<\/p>\n\n\n\n<p>Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.<\/p>\n\n\n\n<p>Qodobbada lagaga wada hadlay Fadhiga 62-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ahaa:<\/p>\n\n\n\n<p>1) \ud835\udc17\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc2e\ud835\udc1d \ud835\udc1e\ud835\udc1e \ud835\udc00\ud835\udc26\ud835\udc27\ud835\udc22\ud835\udc20\ud835\udc1a \ud835\udc03\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc24\ud835\udc1a:<\/p>\n\n\n\n<p>Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL, Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha siiyey warbixin ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo xusay in dhammaan amniga Gobollada dalku uu yahay mid sugan, isla markaana aanay jirin wax shaqaaqooyin ama qalalaase ah nooc kasta oo uu yahayba.<\/p>\n\n\n\n<p>Wasiirku waxa uu sheegay in dhammaan Hay\u2019adaha Amniga Qaranka JSL ay si adag oo feejignaan leh heegan ugu yihiin sugidda amniga dalka, gaar muddada lagu jiro u-diyaar-garowga Xuska 35 guurada maalinta dib-ula-soo-noqoshada Qarannimada Somaliland ee 18-ka May, isaga oo Shacabka JSL ugu baaqay in ay ilaashadaan amniga iyo xasilloonida dalkooda.<\/p>\n\n\n\n<p>2) \ud835\udc16\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc1b\ud835\udc22\ud835\udc31\ud835\udc22\ud835\udc27\ud835\udc2d\ud835\udc1a \ud835\udc16\ud835\udc1a\ud835\udc2c\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc03\ud835\udc22\ud835\udc1b-\ud835\udc2e-\ud835\udc03\ud835\udc1e\ud835\udc23\ud835\udc22\ud835\udc27\ud835\udc2d\ud835\udc1a \ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc00\ud835\udc2b\ud835\udc2b\ud835\udc22\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc21\ud835\udc1a \ud835\udc01\ud835\udc22\ud835\udc27\ud835\udc22\u2019\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc27\ud835\udc22\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a:<\/p>\n\n\n\n<p>Wasiirka Wasaaradda Dib-u-Dejinta iyo Arrimaha Bini\u2019aadannimada JSL, Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay in 402 qoys laga raray dhul ay muddo dheer si ku-meel-gaadh ah u degenaayeen, dibna la dejiyey dhul ay si rasmi ah qoysaskaasi u leeyihiin, dhulkaasi oo ay ugu deeqday Dawladda Hoose ee Hargeysa.<\/p>\n\n\n\n<p>Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu iyada oo kaashanaysa Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Hay\u2019adaha kale ee wada shaqaynta la leh sida NADFOR, UNHCR, 402 qoys la gaadhsiiyey gargaar bini\u2019aadannimo oo isugu jira raashin, biyo, maacuunka cuntada, bacaha hoyga, bustayaal, weel-biyoo, nalalka Solarka ah iwm.<\/p>\n\n\n\n<p>Wasiirku waxa uu ugu baaqay dhammaan Wasaaradaha iyo Hay\u2019adaha Qaranka ee adeega bixiya, Hay\u2019adaha Samafalka in ay ka qayb qaataan taageerada iyo horumarinta deegaanka cusub ee dib loo dejiyey qoysaskan, si loo taageero nolol-maalmeedkooda loona xoojiyo dib-u-dejintooda.<\/p>\n\n\n\n<p>3) \ud835\udc16\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc1b\ud835\udc22\ud835\udc31\ud835\udc22\ud835\udc27\ud835\udc2d\ud835\udc1a \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc22\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc00\ud835\udc20\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc2c\ud835\udc22\ud835\udc27\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc2a\ud835\udc1a\ud835\udc1b\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc2a\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc1b\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc17\ud835\udc2e\ud835\udc2c\ud835\udc24\ud835\udc1a 18-\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc0c\ud835\udc1a\ud835\udc32:<\/p>\n\n\n\n<p>Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Agaasinka iyo qabanqaabada Xuska 18-ka May ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin guud oo ku saabsan heerka uu marayo qaban-qaabada iyo u-diyaar-garowga Xuska Maalinta Qaran ee 18-ka May. Wasiirku waxa uu sheegay in hawlaha Guddida loo xilsaaray ay si habsami leh u socdaan iyada oo la dejiyey qorshe la isugu dubbaridayo hawlaha kala duwan ee heer Degmo, Gobol iyo Qaran.<\/p>\n\n\n\n<p>Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu Golaha la wadaagay muhimadda ay leedahay xoojinta Wacyi-gelinta bulshada, qurxinta magaalooyinka iyo xarumaha Hay\u2019adaha Qaranka, iyo diyaarinta munaasibadaha rasmiga ah, si Xuska Sannad-guurada 35-aad ee 18-ka May uu u noqdo mid muujinaya wadajirka iyo midnimada bulshada JSL, Qarannimada iyo qiimaha taariikheed ee ay maalinta 18-ka May.u leedahay Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n\n\n\n<p>4) \ud835\udc16\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc1b\ud835\udc22\ud835\udc31\ud835\udc22\ud835\udc27\ud835\udc2d\ud835\udc1a \ud835\udc17\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc03\ud835\udc21\ud835\udc1a\ud835\udc2a\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc21\ud835\udc1a:<\/p>\n\n\n\n<p>Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Cabdilaahi Xassan Aadan ayaa Golaha ka siiyey warbixin guud oo ku saabsan xaaladda dhaqaale ee dalka, isaga oo xusay saamaynta uu dagaalka Bariga Dhexe ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha iyo Dakhliga dalka, korodhka maciishadaha iyo Shidaalka oo culays ku keentay nolosha bulshada.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay waddo daraasad cilmiyeed oo qoto dheer, taasi oo lagu darsayo raadinta istaraatijiyado Qaran si dalkeenu mustaqbalka uu uga gaashaanto saameynta dhaqaale iyo ta nololeed ee xaaladahan oo kale.<\/p>\n\n\n\n<p>5) \ud835\udc07\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc06\ud835\udc2e\ud835\udc27\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc0c\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc31\ud835\udc30\ud835\udc1e\ud835\udc32\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc24\ud835\udc2e-\ud835\udc31\ud835\udc22\ud835\udc20\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc27\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc09\ud835\udc12\ud835\udc0b:<\/p>\n\n\n\n<p>Gunaanadkii Fadhigii 62-aad, Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa Golaha u sheegay in Xukuumaddu ay si diirran u soo dhaweynayso cid kasta oo dalka ka maqan, gaar ahaan haldoorka door muuqda ka qaadan kara nabadda iyo wadajirka bulshada.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa uu si gaar ah u xusay in Xukuumaddu ay soo dhaweynayso soo-guryo-noqoshada Suldaan Wabar, isaga oo sidoo kale ku baaqay in dhammaan dadka kale ee dalkooda ka maqani ay ku soo laabtaan dalkooda hooyo, kana qayb qaataan horumarkiisa iyo xasilloonidiisa.<\/p>\n\n\n\n<p>Soo tebintii: Xuseen Aadan Cige (Deyr), Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/image-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"683\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/image-1-1024x683.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-19121\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/image-1-1024x683.png 1024w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/image-1-300x200.png 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/image-1-768x512.png 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/image-1-1536x1025.png 1536w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/image-1-800x534.png 800w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/image-1.png 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/a><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Fadhigii 62aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka, diyaar-garowga xuska 18-ka May, dibudejinta qoysas barakacayaal ah iyo xaaladda dhaqaale ee dalka. Golaha ayaa sidoo kale warbixinno ka dhegaystay hay\u2019adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo la xidhiidha sugidda amniga, taageerada qoysaska la dejiyey iyo qorshayaasha lagu xoojinayo horumarka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":19121,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-19120","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19120","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=19120"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19120\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":19122,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19120\/revisions\/19122"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/19121"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=19120"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=19120"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=19120"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}