{"id":19356,"date":"2026-09-10T12:00:45","date_gmt":"2026-09-10T12:00:45","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=19356"},"modified":"2026-09-10T12:00:46","modified_gmt":"2026-09-10T12:00:46","slug":"madaxweyne-cirro-somaliland-waxay-diyaar-u-tahay-inay-ilaa-2000-askari-u-dirto-gaza-haddii-laga-codsado","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=19356","title":{"rendered":"Madaxweyne Cirro: &#8220;Somaliland Waxay Diyaar u Tahay Inay Ilaa 2,000 Askari u Dirto Gaza Haddii Laga Codsado&#8221;"},"content":{"rendered":"\n<p>Washington \u2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay ilaa 2,000 askari kaga qaybgeliso Ciidanka Caalamiga ah ee Xasilinta Gaza, haddii Maraykanka ama Israa\u2019iil ay codsi rasmi ah u soo gudbiyaan.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxweyne Cirro oo waraysi siiyey wargeyska The Jerusalem Post, xilli uu ka qaybgalayey shirweynaha MEAD ee Washington, ayaa caddeeyey in Somaliland aanay iyadu si rasmi ah isu xilqaamin, balse ay diyaar u tahay inay ciidamo bixiso haddii laga codsado.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cHaddii ay na weydiistaan, waan bixin karnaa. Haddii la i weydiiyo, diyaar ayaan ahay,\u201d ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.<\/p>\n\n\n\n<p>Ciidanka caalamiga ah ee la qorshaynayo in la geeyo Gaza, oo uu Maraykanku hoggaaminayo, ayaa la filayaa inuu ka koobnaado ilaa 20,000 askari. Hawlaha loo qorsheeyey waxaa ka mid ah sugidda ammaanka, tababarka booliska Falastiin, fududaynta gargaarka bani\u2019aadamnimada iyo ka hortagga in Xamaas dib u soo celiso awooddeeda milatari.<\/p>\n\n\n\n<p>Uganda ayaa oggolaatay inay dirto ku dhowaad 1,200 askari, halka Morocco ay ballanqaadday ilaa 500 askari. Albania, Kazakhstan iyo Kosovo ayaa sidoo kale sheegay inay ciidamo ku biirinayaan hawlgalka.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka Somaliland ay tiradoodu ku dhowdahay 25,000 askari, halka Ciidanka Ilaalada Xeebuhu ka kooban yahay qiyaastii 1,500 xubnood. Somaliland hore ugama qaybgelin hawlgallada ciidamada Midowga Afrika.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aqoonsigii Israa\u2019iil siisay Somaliland bishii Diseembar 2025 uu si weyn kor ugu qaaday muuqaalka iyo magaca Somaliland ee fagaarayaasha caalamka, inkasta oo aanay weli jirin dal kale oo raacay tallaabada Israa\u2019iil.<\/p>\n\n\n\n<p>Somaliland ayaa bishii Juun 2026 safaarad ka furatay magaalada Qudus, xilli uu Madaxweyne Cirro booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah ku tegay Israa\u2019iil. Somaliland waxay sidoo kale sannadkii 2020 xafiis wakiilnimo ka furatay Taiwan.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland muddo 35 sannadood ah dunida ka codsanaysay in la arko, isla markaana aqoonsiga Israa\u2019iil kaddib ay heshay indho badan oo caalamka ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa la filayaa in Madaxweynuhu toddobaadka soo socda kulamo la yeesho xubno ka tirsan Koongareeska Maraykanka, oo uu ku jiro Senator Ted Cruz, oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u taageera aqoonsiga Somaliland.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu sheegay inaanu jirin ballanqaad rasmi ah oo Maraykanku ka bixiyey aqoonsiga Somaliland, balse xukuumaddiisu ay masuuliyiinta Maraykanka kala hadashay arrimaha aqoonsiga iyo iskaashiga amniga. \u201cRajo wanaagsan ayaanu qabnaa,\u201d ayuu yidhi.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in aqoonsiga Israa\u2019iil uu Somaliland u horseeday fursado cusub, balse uu sidoo kale abuuray caqabado dhinaca ammaanka iyo siyaasadda gobolka ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Turkiga ayaa si adag uga horyimid aqoonsigaas, isagoo ku adkaystay in Somaliland ay qayb ka tahay Soomaaliya. Madaxweyne Recep Tayyip Erdo\u011fan ayaa tallaabada Israa\u2019iil ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo dhaawacaysa madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.<\/p>\n\n\n\n<p>Turkigu wuxuu saldhig milatari ku leeyahay Muqdisho, wuxuuna tababaraa ciidamada Soomaaliya. Ankara waxay sidoo kale Soomaaliya siisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyadoo shidaal iyo gaas ka baadhaysa xeebaha Soomaaliya.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in tallaabooyinkaas ay muujinayaan in aqoonsiga Somaliland uu yeeshay saamayn amni oo muuqata.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWax bilaash lagu helaa ma jiro; arrin kasta waxay leedahay dhinac wanaagsan iyo dhinac taban,\u201d ayuu yidhi. Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay yeelatay dhinacyo cusub oo ka soo horjeeda.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay haysato ciidan ku filan difaaca dhulkeeda, balse ay u baahan tahay hub casri ah iyo tiknoolajiyad horumarsan. Wuxuu sheegay inay taageero amni ka raadinayaan Israa\u2019iil, Maraykanka iyo xulafadooda kale.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxweynuhu wuxuu caddeeyey inaanay Somaliland hadda joogin ciidamo ama hay\u2019ado amni oo ka socda Israa\u2019iil ama Maraykanka, balse aanu meesha ka saarin in mustaqbalka ay suurtagal noqoto joogitaan shisheeye oo abuura isu-dheellitirnaan iyo awood ka-hortag.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxweyne Cirro ayaa beeniyey wararka sheegaya in Somaliland iyo Israa\u2019iil ka wada hadleen adeegsiga dhulka ama hawada Somaliland si hawlgallo looga fuliyo Xuutiyiinta Yemen.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cSomaliland wakhtigan wax colaad ah kulama jirto Xuutiyiinta, kamanaanaan wada hadlin hawlgallo ay Israa\u2019iil ka fulinayso,\u201d ayuu sheegay.<\/p>\n\n\n\n<p>Wuxuu sidoo kale beeniyey wararka sheegaya in Somaliland lagala hadlay dejinta Falastiiniyiin laga soo raro Gaza.<br>\u201cArrintan kalamaan hadlin Israa\u2019iil, Maraykanka iyo cid kale toona,\u201d ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.<\/p>\n\n\n\n<p>Sida uu sheegay Madaxweynuhu, heshiiska aqoonsiga ee Somaliland iyo Israa\u2019iil waxa ku jira iskaashi dhinacyada ammaanka, ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha. Wuxuu tilmaamay in tiknoolajiyadda biyuhu tahay mudnaanta koowaad, maadaama Somaliland tahay dal qallayl badan.<\/p>\n\n\n\n<p>Cirro ayaa sheegay inuu booqashadiisii Israa\u2019iil kula kulmay wakiillo ka socday in ka badan 100 shirkadood, kuwaas oo qaarkood danaynayey fursadaha shidaalka iyo gaasta Somaliland. Hase yeeshee, wuxuu caddeeyey inaan weli la samayn maalgashi Israa\u2019iili ah oo rasmi ah, balse ay Somaliland filayso inuu mustaqbalka yimaaddo.<br>Xigasho: The Jerusalem Post<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/09\/madaxweyne-cirrro.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"1024\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/09\/madaxweyne-cirrro-1024x1024.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-19357\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/09\/madaxweyne-cirrro-1024x1024.jpg 1024w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/09\/madaxweyne-cirrro-300x300.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/09\/madaxweyne-cirrro-150x150.jpg 150w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/09\/madaxweyne-cirrro-768x768.jpg 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/09\/madaxweyne-cirrro-1536x1536.jpg 1536w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/09\/madaxweyne-cirrro-800x800.jpg 800w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2026\/09\/madaxweyne-cirrro.jpg 2000w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/a><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Washington \u2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay ilaa 2,000 askari kaga qaybgeliso Ciidanka Caalamiga ah ee Xasilinta Gaza, haddii Maraykanka ama Israa\u2019iil ay codsi rasmi ah u soo gudbiyaan. Madaxweyne Cirro oo waraysi siiyey wargeyska The Jerusalem Post, xilli uu ka qaybgalayey shirweynaha MEAD [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":19357,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-19356","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19356","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=19356"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19356\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":19358,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19356\/revisions\/19358"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/19357"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=19356"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=19356"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=19356"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}