{"id":1950,"date":"2016-09-30T19:41:10","date_gmt":"2016-09-30T19:41:10","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1950"},"modified":"2016-09-30T19:41:10","modified_gmt":"2016-09-30T19:41:10","slug":"madaxeynaha-soomaaliya-oo-ka-hadlay-qaxoontiga-ku-jira-xeryaha-dhadhaab-ee-kenya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1950","title":{"rendered":"Madaxeynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay  Qaxoontiga Ku Jira Xeryaha Dhadhaab Ee Kenya."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siiyay Wargeyska Newsweek, ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaallada lagula jiro Al-shabaab iyo Qoxootiga ku nool Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya.<\/p>\n<table border=\"1\" cellspacing=\"1\" cellpadding=\"1\" align=\"center\">\n<tbody>\n<tr>\n<td><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>Xasan Sheekh, ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo Xusay in ay ka saareen 75% Dhulkii ay Al-shabaab ka talin jiray, haatana ay qaybta kale kula dagaalamayaan.<\/p>\n<p>\u201cAl-shabaab ahaatan waxay ka talisaa dhul gaaraya 10%, Haatanna Waxaa naga go\u2019an in aan ka saarno deegaannada ay haystaan,\u201d ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri wareysigiisa.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wuxuu Xusay in Sannadihi<br \/>\n<span id=\"MainContent_lblArticle2\"><span id=\"spnCOntent\">u Dambeeyay ay Al-shabaab billowday Weerarro Cusub oo u badan qaraxyo ismiidaamin ah iyo kuwo kale oo gaadmo ah, taasoo uu xusay inay muujinayso inay ku guul-darreysteen weerarradii tooska ahaa.<\/span><\/span><\/p>\n<p>Mar la weydiiyay su\u2019aal ahayd; Waa maxay waxaad u baahan tihiin si aad u cirib-tartaan Al-shabaab, wuxuuna ku jawaabay inay haatan guulo waaweyn gaareen, balse ay caalamka uga baaqayaan inay ka caawiso Ciidanka DF iyo kuwa AMISOM si ay u sii wadaan hawl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab.<\/p>\n<p><strong>Qoxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab;<\/strong><\/p>\n<p>Waxaa kaloo Xasan Sheekh la weydiiyay su\u2019aal ahayd; Ma ku raacsan tahay Kenya Go\u2019aankeeda ah in ay Xirayso Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab iyo in Qoxootiga Soomaaliyeed ku Nool Somalia Dib loogu celiyo? Wuxuuna kaga jawaabay.<\/p>\n<p>\u201cWaan uga mahad-celinaynaa xukuumadda iyo shacabka Kenya sidii ay u soo dhaweeyeen Soomaalidii ka cararay Colaadihii Sokeeye ee dalka ka dhacay, ayna ka Caawiyeen wixii ay u baahnaayeen oo dhan waana og-nahay culeyska ay keeni karto marti-gelinta qoxootigaas faraha badan.\u201d<\/p>\n<p>Isagoo intaas ku daray. \u201cInkastoo weli ay Somalia weli Caqabado ka jiraan, Haddana waqtigaan waxaa loo baahan yahay in Qoxootigu Dhadhaab ku nool ay Dalkooda kusoo laabtaan, ayna ka Qayb-qaataan dib u dhiska dalkooda. Balse waxaan u baahannahay in dib u celinta qoxootiga ay noqoto mid si tartiib-tartiib ah u hir-gasho. Waxaana Kenya mar kale uga mahad-celinayaa gacantii ay dadka Soomaaliyeed siiyeen muddadii ay qoxootiga ku ahaayeen dalkooda, taasina waxay keenaysaa in Kenya ay baal-dahab ah ka gasaho taariikhda Somalia.\u201d<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Madaxweyne Xaan oo ka mid ah Murashaxiinta doonaya in ay u Tartamaan Sannadkan Xilka Madaxweynaha Somalia, ayaa sheegay in Dowladdiisu intii ay jirtay ay horumarro fara badan ku tallaabsatay, balse ma sheegin waxyaabihii aan u qabsoomin.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siiyay Wargeyska Newsweek, ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaallada lagula jiro Al-shabaab iyo Qoxootiga ku nool Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya. Xasan Sheekh, ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo Xusay in ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1951,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1950","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1950","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1950"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1950\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1952,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1950\/revisions\/1952"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1951"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1950"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1950"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1950"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}