{"id":2011,"date":"2016-10-02T06:21:31","date_gmt":"2016-10-02T06:21:31","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=2011"},"modified":"2016-10-02T06:21:31","modified_gmt":"2016-10-02T06:21:31","slug":"siyaasi-cali-khaliif-galaydh-oo-sheegay-in-uu-ka-baxay-wada-hadalkii-u-dhexeyey-somaliland-iyo-maamulka-khaatumo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=2011","title":{"rendered":"Siyaasi Cali Khaliif Galaydh Oo  Sheegay In Uu Ka Baxay Wada Hadalkii  U dhexeyey Somaliland iyo Maamulka khaatumo."},"content":{"rendered":"<h1>Siyaasi Cali Khaliif Galaydh Oo\u00a0 Sheegay In Uu Ka Baxay Wada Hadalkii\u00a0 U dhexeyey Somaliland iyo Maamulka khaatumo.<\/h1>\n<article id=\"post-56700\" class=\"post-56700 post type-post status-publish format-standard has-post-thumbnail hentry category-wararka\">\n<div class=\"entry-content\">\n<p>Madaxweynaha Maamulka Khaatumo\u00a0 Cali Khaliif Galaydh\u00a0 ayaa sheegay inay ka baxeen wada hadalkii ay kula jireen xukumada\u00a0 Somaliland, isagoo ku eedeeyay in fara gelin iyo kala qeybin\u00a0 ku hayaan\u00a0 dadka reer Khaatumo sida u hadalka u dhigay.<span id=\"more-56700\"><\/span><\/p>\n<p>Dr. Cali Khaliif ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn inuu ku biiro\u00a0 Somaliland, waxaana uu beeniyay warar soo baxayay oo sheegayay inuu ka mid noqonayo Xukumada somaliland.<\/p>\n<p>\u201cWar aniga meeshaas waxba kama rabo, waxba kama noqonayo, nimankaas fara gelin bey nagu hayaan, siyaasiyiinteena, odayaasheena iyo dadkeena ayay kala qeybinayaan\u201dayuu yidhiDr. Cali Khaliif.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu iska diiday inuu ka qeyb galo shirka ka socdo magalada Burco oo uu ku tilmaamay mid lagu kala qeybinayo beesha Dhulbahante ee degta Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn sida uu yidhi.<\/p>\n<p>Wada hadalo u dhaxeeyay Somaliland iyo Khaatumo ayaa dhowaan bilowday, waxaana wada hadaladan looga gol lahaa, sidii meesha looga saari lahaa xiisadaha soo noq-noqday ee labada dhinac u dhaxeeya iyo in dadka ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.<\/p>\n<p>Sikasta ay ahaataba hadalkan cali khaliif ayaa imanya xili ay dhawaan bilawdeen wada hadalada u dhexeya somaliland iyo maamulka khaatumo.<\/p>\n<\/div>\n<\/article>\n<div class=\"ad5\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Siyaasi Cali Khaliif Galaydh Oo\u00a0 Sheegay In Uu Ka Baxay Wada Hadalkii\u00a0 U dhexeyey Somaliland iyo Maamulka khaatumo. Madaxweynaha Maamulka Khaatumo\u00a0 Cali Khaliif Galaydh\u00a0 ayaa sheegay inay ka baxeen wada hadalkii ay kula jireen xukumada\u00a0 Somaliland, isagoo ku eedeeyay in fara gelin iyo kala qeybin\u00a0 ku hayaan\u00a0 dadka reer Khaatumo sida u hadalka u dhigay. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":2012,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-2011","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2011","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2011"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2011\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2013,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2011\/revisions\/2013"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2012"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2011"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2011"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2011"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}