{"id":2126,"date":"2016-10-04T10:44:04","date_gmt":"2016-10-04T10:44:04","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=2126"},"modified":"2016-10-04T10:44:04","modified_gmt":"2016-10-04T10:44:04","slug":"xukumada-itoobiya-oo-ku-dhawaaqday-saddex-maalmood-baroor-diiq-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=2126","title":{"rendered":"Xukumada Itoobiya oo ku dhawaaqday saddex maalmood baroor diiq ah"},"content":{"rendered":"<p>Xukumada Itoobiya ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor diiq ah, kaddib rabshado dad badan ku dhinteen oo axadii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Bishoftu oo ka tirsan Gobolka Oromada.<span id=\"more-56837\"><\/span><\/p>\n<p>Isu soo bax diimeed oo ay dhigayeen kumanaan ruux oo qowmiyada oromada ayaa isu bedelay mid rabshado wata oo looga soo horjeedo dowladda Itoobiya, iyadoo ciidamada booliska Itoobiya ay dadka ku kala eryeen sunta indhaha ka ilmeysiisa iyo rasaas digniin ah.<\/p>\n<p>Is-buurasho ay sameeyeen dadka ayaa waxaa ku dhintay illaa 52 ruux, sida kooxaha mucaaradka ay sheegeen.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah, isagoo ku eedeeyay Mucaaradka inay sabab u ahaayeen is-buurashadii dhacday.<\/p>\n<p>Dadka ugu badan ee ku dhintay is-buurashada ayaa waxay ku dhaceen godad ku yaal halkaas, waxaana qaarkood ay ku neef-qabatoobeen godka gudihiisa.<\/p>\n<p>Gobollada Amxaarada iyo Itoobiya oo ka mid ah qowmiyadaha ugu weyn ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ka socday dibad baxyo ka dhan ah dowladda, iyagoo ku eedeynayay cadaalad daro, ku tagri fal awoodeed iyo xarig.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xukumada Itoobiya ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor diiq ah, kaddib rabshado dad badan ku dhinteen oo axadii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Bishoftu oo ka tirsan Gobolka Oromada. Isu soo bax diimeed oo ay dhigayeen kumanaan ruux oo qowmiyada oromada ayaa isu bedelay mid rabshado wata oo looga soo horjeedo dowladda Itoobiya, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":2127,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-2126","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2126","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2126"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2126\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2128,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2126\/revisions\/2128"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2127"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2126"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2126"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2126"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}