{"id":2174,"date":"2016-10-04T22:03:24","date_gmt":"2016-10-04T22:03:24","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=2174"},"modified":"2016-10-04T22:03:24","modified_gmt":"2016-10-04T22:03:24","slug":"xukumada-somaliya-oo-ka-qeybgalaysa-shir-looga-hadlayo-arrimaha-duulista-hawada-oo-ka-furmay-dalka-canada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=2174","title":{"rendered":"Xukumada Somaliya oo ka qeybgalaysa shir looga hadlayo arrimaha duulista hawada oo ka furmay Dalka Canada"},"content":{"rendered":"<p>Kulanka guud ee Golaha Hay\u2019adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulista Hawada ayaa si rasmi ah waxa uu ugaga furmay magaalada Montreal ee dalka Canada iyadoo wadamada ka qeybgalaya kulankan ay ka mid tahay dowlada Soomaaliya.<span id=\"more-56899\"><\/span><\/p>\n<p>Inta kulanka lagu guda jiro waxaa lagu dhameystiri doonaa dejinta siyaasadda, Farsamadda, wax wada qabsi iyo horumarka mustaqbalka Duulista Caalamiga ah (International Civil Aviation Organisation (ICAO)<\/p>\n<p>Kulankan oo saddexdii sanaba mar la qabto ayaa waxa\u00a0 uu ka furmay magaalada Montreal dalka Canada oo ay ku taalo Xarunta dhexe ee Hay\u2019adda Qaramada midoobay u qaabilsan Duulista Hawada 27 September, isagoo socon doona illaa 7 October 2016.<\/p>\n<p>Iyadoo ay ka qeybgalayaan kulankan wakiilo ka socda 191 dowladood oo ay dowlada Soomaaliya ka mid tahay ayaa waxaa lagu dooran doona guddiyadda ay hay\u2019adda ka kooban tahay dal walbana wuxuu leeyahay hal cod oo lagu dooranayo guddi walba.<\/p>\n<p>Maareeyaha Guud ee Hay\u2019adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed \u00a0Cabdiwaaxid Sheekh Cumar\u00a0ayaa u matalaya Soomaaliya kulankaas isagoo hogaaminaya wafdi ka kooban saddex xubnood uu ka mid yahay Amabassador Jamaal Maxamed Xasan.<\/p>\n<p>Wafdiga ka socda dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay\u00a0 kulamo gaar ah la qaateen Xoghayaha guud ee ICAO iyo Madaxweynaha Golaha Guud ee ICAO ayagoo ka wada hadlay dardargelinta iyo soo wareejinta Maamulka Hawada Soomaaliya oo dhowr jeer hore dib u dhacyo ku yimideen, waxana ay kulamadaas\u00a0 ku soo dhamaadeen guul iyo is-afgarad.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/icao.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-56900\" src=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/icao.jpg\" alt=\"icao\" width=\"562\" height=\"480\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kulanka guud ee Golaha Hay\u2019adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulista Hawada ayaa si rasmi ah waxa uu ugaga furmay magaalada Montreal ee dalka Canada iyadoo wadamada ka qeybgalaya kulankan ay ka mid tahay dowlada Soomaaliya. Inta kulanka lagu guda jiro waxaa lagu dhameystiri doonaa dejinta siyaasadda, Farsamadda, wax wada qabsi iyo horumarka mustaqbalka Duulista Caalamiga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":2175,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-2174","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2174","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2174"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2174\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2176,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2174\/revisions\/2176"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2175"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2174"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2174"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2174"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}