{"id":249,"date":"2016-08-20T06:36:47","date_gmt":"2016-08-20T06:36:47","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=249"},"modified":"2016-08-20T06:36:47","modified_gmt":"2016-08-20T06:36:47","slug":"madaxweyne-ku-xigeenkii-hore-ee-soomaaliya-jeneraal-maxamed-cali-samatar-oo-geeriyooday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=249","title":{"rendered":"Madaxweyne ku xigeenkii hore Ee Soomaaliya Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo Geeriyooday."},"content":{"rendered":"<p>Virgina(GLN)_Wararka imanaya waddanka maraykanka ayaa sheegay in madaxwayne kuxigeenkii\u00a0 Hore ee somaliya Jeneraal maxamed cali samatar ku Geeriyooday\u00a0 Waddanka Maraykanka.<\/p>\n<p>Allaha u naxariistee jeneraal maxamed cali samatar\u00a0 oo da&#8217;diisu ay ahayd 85 jir ayaa ku geeryooday isbitaal ku yaalla gobolka Virgina ee dalka Maraykanka, sida uu BBC-da u xaqiijiyey mid kamid ah qaraabada marxuumka.<\/p>\n<p>Waxuu ka mid ahaa saraakiisha sida wayn ugu lug lahayd dhismaha milatariga Soomaaliya.<\/p>\n<p>Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa noqday mas&#8217;uulkii ugu sarreeyay ee dawladdii kacaanka oo dacwad ka dhan ah la horkeeno maxkamad shisheeye.<\/p>\n<p>Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa sanaddii 2010-kii go&#8217;aamisay in dacwad lagu soo oogi karo jenaraal Samatar. Waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo in uu siddeetamaadkii ka geystay Soomaaliya, gaar ahaanna gobolladii woqooyi oo la sheegay inay ka dagaallameen ciidanka dowladdu. Wuxuu beeniyey eedaymahaasi oo uu ku sheegay kuwa siyaasadaysan.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n<h5 id=\"js_2g\" class=\"_5pbw _5vra\"><span class=\"fwn fcg\"><span class=\"fwb fcg\"><a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/xaji.cabdi.792?fref=nf\">Abdihakin Mohamed Hassan Qibro<\/a><\/span><\/span><\/h5>\n<p>www.Gacanlibaaxnews.com<\/p>\n<p>Hargeysa\/Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Virgina(GLN)_Wararka imanaya waddanka maraykanka ayaa sheegay in madaxwayne kuxigeenkii\u00a0 Hore ee somaliya Jeneraal maxamed cali samatar ku Geeriyooday\u00a0 Waddanka Maraykanka. Allaha u naxariistee jeneraal maxamed cali samatar\u00a0 oo da&#8217;diisu ay ahayd 85 jir ayaa ku geeryooday isbitaal ku yaalla gobolka Virgina ee dalka Maraykanka, sida uu BBC-da u xaqiijiyey mid kamid ah qaraabada marxuumka. Waxuu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":251,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-249","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/249","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=249"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/249\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":252,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/249\/revisions\/252"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/251"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=249"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=249"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=249"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}