{"id":2542,"date":"2016-10-15T11:14:00","date_gmt":"2016-10-15T11:14:00","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=2542"},"modified":"2016-10-15T11:14:00","modified_gmt":"2016-10-15T11:14:00","slug":"madaxweyne-siilaanyo-oo-laba-toddobaad-oo-uu-london-joogo-aan-weli-la-kulmin-dawladda-ingiriiska-iyo-sababaha-lala-xidhiidhinayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=2542","title":{"rendered":"Madaxweyne Siilaanyo Oo Laba Toddobaad Oo Uu London Joogo Aan Weli La Kulmin Dawladda Ingiriiska Iyo Sababaha Lala Xidhiidhinayo"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa laba toddobaad oo uu Ingiriiska joogo aan weli wax kulan ah la yeelan dawladda Ingiriiska, waxaana la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo Isniinta toddobaadkan dalka ku soo laabto, iyada inta la og yahay aanu inta ka horreysana wax ballamo ah la\u2019 lahayn masuuliyiinta Ingiriiska.<\/p>\n<p>Madaxweyne Siilaanyo oo dalka Ingiriiska ay u raaceen weftigii ugu cuslaa oo ka kooban lix wasiir oo uu ku jiro wasiirka arrimaha dibadda iyo guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, ayaan haba yaraate weli wax kulan la yeelan xukuumadda dalka Ingiriiska, si uu ugala hadlo danaha iyo xidhiidhka labada wadan ka dhexeeya, iyadoo ay madaxtooyada Somaliland hore u sheegtay in safarka madaxweynuhu yahay dardargelinta \u201chawlo qarankeena<\/p>\n<div><\/div>\n<p><span id=\"spnCOntent\">muhiim u ah.\u201d<\/span><\/p>\n<p>Si rasmi ah looma oga sababta keentay in wax kulan ahi dhex mari waayo Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadda Ingiriiska oo uu ka dhexeeyo xidhiidh taariikheed iyo iskaashi, isla markaana hormuud u ahaa dalalka Yurub ee maalgelinta iyo dhiirrigelinta muddada dheer la garab taagnaa geeddiga dimuqraadiyadaynta\u00a0 Somaliland.<\/p>\n<table border=\"1\" cellspacing=\"1\" cellpadding=\"1\" align=\"center\">\n<tbody>\n<tr>\n<td><img decoding=\"async\" src=\"http:\/\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/SIILAANYO.%283%29.jpg\" alt=\"\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>Dadka arrimaha diblomaasiyadda odorosa ayaa tilmaamaya in kulan la\u2019aantani ay muujinayso sida uu u xumaaday xidhiidhka Somaliland iyo dawladda Ingiriis, waxaanay dadkani muruga ku yimid xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal ku sababaynayaan go\u2019aankii uu Madaxweyne Siilaanyo dib ugu dhigay doorashada golaha wakiilada oo qoraal ay soo saartay dawladda Ingiriiska oo beesha caalamka ka wakiil ahi ku cadaysay sida ay uga xumaatay iyo cawaaqibka uu ku yeelan karo xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka.<\/p>\n<p>Wargeyska Geeska Afrika ayaa xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Ingiriiska la xidhiidhay si uu arrintan wax uga weydiiyo. Laakiin wax jawaab ah kama uu helin.<\/p>\n<p>Wasiirada Madaxweyne Siilaanyo la socda ayaa iyagu geestooda kulan la yeeshay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska xildhibaanad Rushanara Ali oo ah xildhibaan ku fadhida cod badan oo ay Soomaalida Ingiriisku siiso. Wargeyska Geeska Afrika ayaa xildhibaan Rushanara weydiiyay waxyaabaha ay ka wada hadleen wasiirada Somaliland, waxaanay sheegtay inay wasiiradan kala hadashay sidii iyada iyo asxaabteeda xisbiga shaqaaluhu beesha caalamka culays ugu saari lahaayeen\u00a0 sidii ay taageero sare Somaliland uga siin lahaayeen\u00a0 arrimaha dhaqaalaha iyo horumarka\u00a0 iyo sidii ay Somaliland ictiraaf u heli lahayd.<\/p>\n<p>Hore ayaa uu Geeska Afrika u baahiyey war sheegayey in dawladda Ingiriisku safarkii madaxweyne Siilanyo dalkeeda ku tegey ka hor u soo dirtay dhambaal gaar ah oo ay ugu sheegayso dareenkeeda ka xumaanshiyo ee la xidhiidha dib u dhigista doorashada baarlamanka.<\/p>\n<p><strong>Geeska<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa laba toddobaad oo uu Ingiriiska joogo aan weli wax kulan ah la yeelan dawladda Ingiriiska, waxaana la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo Isniinta toddobaadkan dalka ku soo laabto, iyada inta la og yahay aanu inta ka horreysana wax ballamo ah la\u2019 lahayn masuuliyiinta Ingiriiska. Madaxweyne Siilaanyo oo dalka Ingiriiska ay u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":2543,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-2542","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2542","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2542"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2542\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2544,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2542\/revisions\/2544"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2543"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2542"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2542"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2542"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}