{"id":2779,"date":"2016-10-23T08:52:29","date_gmt":"2016-10-23T08:52:29","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=2779"},"modified":"2016-10-23T08:52:29","modified_gmt":"2016-10-23T08:52:29","slug":"ururka-alshabaab-oo-qabsatay-deegaanka-halgan-ee-gobolka-hiiraan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=2779","title":{"rendered":"Ururka Alshabaab oo qabsatay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan."},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Al-Shabaab ayaa qabsatay magaalada Halgan ee bartamaha Soomaaliya kadib markii ay ka guureen ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaasi sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka.<\/p>\n<p>Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ayaa u baxay wadada aada dhinaca magaalada Beledweyne.<\/p>\n<p>Halgan waa magaalo istiraatiiji ah, waxa ay isku xirtaa magaalooyinka Beledweyne iyo Buuloburde, waxayna saarantahay wadada laamiga ah ee isku xirta gobolada Koonfureed iyo kuwa waqooyi ee wadanka.<\/p>\n<p>Halgan waxay qiyaastii 75 km, dhinaca konfur-bari uga beegantahay magaalada xarunta u ah gobolka Hiiraan ee Beledweyne.<\/p>\n<p>Ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya waxa ay qabsadeen Halgan 7dii bishii August ee sanadkii hore ee 2015.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><\/figure>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><span class=\"off-screen\">Image copyright<\/span> <span class=\"story-image-copyright\">Reuters<\/span> <\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span> <span class=\"media-caption__text\"> Ciidamada AMISOM waxay ka howl galaan qeybo ka mid ah Soomaaliya <\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Ciidamada Itoobiya waxa ay bilihii ugu danbeeyay ka baxeen deegaanada Ceel Cali iyo Moqokori ee gobolka Hiiraan.<\/p>\n<p>Dhinaca gobolka Bakool waxa ay isaga baxeen deegaanada Rabdhuure, Buurdhuxunle, iyo Garasweyne. Dhinaca gobolka Galgaduud waxa ay ka guureen deegaanada Budbud, iyo Galcad.<\/p>\n<p>Ma jiro waxa war ah oo ka soo baxay ciidamada Itoobiya oo ku aadan ka bixitaankooda deegaano dhawr ah oo ku yaala konfurta iyo bartamaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Bixitaankan u dambeeyay ee Halgan ayaa imaanaya iyadoo dowladda Itoobiya ay wajaheyso mucaaradad xooggan iyo mudaaharadyo rabshado wata oo ka socda gudaha dalkaasi.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Al-Shabaab ayaa qabsatay magaalada Halgan ee bartamaha Soomaaliya kadib markii ay ka guureen ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaasi sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka. Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ayaa u baxay wadada aada dhinaca magaalada Beledweyne. Halgan waa magaalo istiraatiiji ah, waxa ay isku xirtaa magaalooyinka Beledweyne iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":2780,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-2779","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2779","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2779"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2779\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2781,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2779\/revisions\/2781"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2780"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2779"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2779"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2779"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}