{"id":3228,"date":"2016-11-03T06:00:16","date_gmt":"2016-11-03T06:00:16","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=3228"},"modified":"2016-11-03T06:00:16","modified_gmt":"2016-11-03T06:00:16","slug":"trump-iyo-obama-oo-olole-iska-soo-horjeeda-ka-wada-florida","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=3228","title":{"rendered":"Trump iyo Obama oo olole iska soo horjeeda ka wada Florida"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga ayaa markale foodda isku daray gobolka Florida oo ay u arkaan inay muhiim u tahay doorashada isbuuca soo socda.<\/p>\n<p>Qarashka guud ee xayeysiinta iyo ololaha uga baxay labada xisbi ayaa sare u sii kacay.<\/p>\n<p>Waxaa lagu qiyaasayaa in boqol milyan oo dollar uu musharax kastaa ku bixiyay Florida.<\/p>\n<p>Donald Trump iyo Hillary Clinton, ayaa si joogto ah u booqday gobolkaasi.<\/p>\n<p>Mr Trump ayaa Arbacadii booqday seddax magaalo oo gobolka ka mid ah, wuxuuna taageerayaashiisa u sheegay in ay tahay inuu Florida ku guuleysto.<\/p>\n<p>Maanta oo Khmiis ahna wuxuu ku sii sugnaanayaan gobolkaasi.<\/p>\n<p>Madaxweyne Obama ayaa calanka Dimuquraadiga maanta u qaadaya Florida.<\/p>\n<p>Waxa uu door muhiim ah ka qaadanayaan ololaha Hilarry Clinton.<\/p>\n<p>Shalay, wuxuu cod bixiyayaasha u sheegay in Trump uu halis ku yahay Mareykanka iyo caalamka.<\/p>\n<p>Obama ayaa Trump ku tilmaamay inuusan u qalmin inuu noqdo taliyaha ciidamada xoogga dalka Mareykanka.<\/p>\n<p>Saadaashii ugu dambeysay waxay muujineysaa in laba musharax ay madaxa iskula jiraa marka la eego gobolka Florida.<\/p>\n<p>sourecs;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga ayaa markale foodda isku daray gobolka Florida oo ay u arkaan inay muhiim u tahay doorashada isbuuca soo socda. Qarashka guud ee xayeysiinta iyo ololaha uga baxay labada xisbi ayaa sare u sii kacay. Waxaa lagu qiyaasayaa in boqol milyan oo dollar uu musharax kastaa ku bixiyay Florida. Donald Trump iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":3229,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-3228","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3228","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3228"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3228\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3230,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3228\/revisions\/3230"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3229"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3228"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3228"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3228"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}