{"id":3733,"date":"2016-11-16T06:02:24","date_gmt":"2016-11-16T06:02:24","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=3733"},"modified":"2016-11-16T06:02:24","modified_gmt":"2016-11-16T06:02:24","slug":"madaxweynaha-dalka-suuriya-bishaar-al-asad-oo-saaxiibtinimo-ka-filaya-donald-trump","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=3733","title":{"rendered":"Madaxweynaha  Dalka Suuriya Bishaar Al-Asad oo saaxiibtinimo ka filaya Donald Trump."},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Madaxweynaha dalka Suuriya, Bishaar Al-Asad ayaa sheegay in Donald Trump uu noqonayo &#8220;saaxiib dabiici ah&#8221;, haddii uu meel mariyo ballanqaadyadiisa ladagaallanka &#8220;argagixisada&#8221;.<\/p>\n<p>Laakiin Asad wuxuu sheegay inuu eegayo sida madaxweynaha la doortay ee Mareykanka uu u badalayo siyaasadda dalkiisa ee ku wajahan Suuriya.<\/p>\n<p>Intuu ku jiray ololaha doorashada, Donald Trump wuxuu si ku celcelis ah u ballanqaaday inuu tirtirayo dagaal yahanada ururka la baxay Khilaafada Islaamka.<\/p>\n<p>Arrimantaasi ayuu ku dhawaaqay xilli uu su&#8217;aal geliyay siyaasadda maamulka Obama ee uu ku taageeray mucaaradka dalka Suuriya.<\/p>\n<p>Hadalka Bishaar Al-Asad ayaa imaanaya ayadoo Ruushka uu dib u bilaabay duqeyntiisa ka dhanka ahayd mucaaradka Suuriya.<\/p>\n<p>Maamulka Moscow wuxuu sheegayaa in duqeynta cusub lala eeganayo ururka la baxay Khilaafada Islaamka iyo Al-qacida. Ruushka ayaa intaa ku daray inay duqeynayaan gobollada Idlib iyo Xumus.<\/p>\n<p>Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa cambaareysay duqeynta cusub, waxayna sheegtay inay hayso warar sheegaya in dad rayid ah iyo cisbitaallo la duqeeyay.<\/p>\n<p>Duullaanka cusub ee Ruushka ayaa ku soo aadaya maalin ka dib markii madaxweyne Putin uu arrinta Suuriya kala hadlay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dalka Suuriya, Bishaar Al-Asad ayaa sheegay in Donald Trump uu noqonayo &#8220;saaxiib dabiici ah&#8221;, haddii uu meel mariyo ballanqaadyadiisa ladagaallanka &#8220;argagixisada&#8221;. Laakiin Asad wuxuu sheegay inuu eegayo sida madaxweynaha la doortay ee Mareykanka uu u badalayo siyaasadda dalkiisa ee ku wajahan Suuriya. Intuu ku jiray ololaha doorashada, Donald Trump wuxuu si ku celcelis ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":3734,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-3733","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3733","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3733"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3733\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3735,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3733\/revisions\/3735"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3734"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3733"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3733"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3733"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}