{"id":3739,"date":"2016-11-16T11:39:01","date_gmt":"2016-11-16T11:39:01","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=3739"},"modified":"2016-11-16T11:39:01","modified_gmt":"2016-11-16T11:39:01","slug":"xukumada-kenya-oo-sheegtay-inay-hakisay-xidhitaanka-xeryaha-dhadhaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=3739","title":{"rendered":"Xukumada Kenya oo Sheegtay inay  hakisay xidhitaanka xeryaha Dhadhaab."},"content":{"rendered":"<div class=\"story-body\">\n<div class=\"story-body__inner\">\n<p class=\"story-body__introduction\">Xukuumadda Kenya ayaa hakisay dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab muddo lix bilood ah si loo helo dhaqaale iyo fursad wada tashi dheeraad ah lagu yeesho.<\/p>\n<aside class=\"pullout\">\n<div class=\"pullout-inner\">\n<p><strong>Qorshaha qaxootiga ee lixda bilood<\/strong><\/p>\n<ul class=\"story-body__unordered-list\">\n<li class=\"story-body__list-item\"><i>&#8211; Bisha 1aad: Diiwaan galinta qaxootiga.<\/i><\/li>\n<li class=\"story-body__list-item\"><i>&#8211; Bisha2aad: Qaxootiga aan Soomaalida ahayn ayaa laga rarayaa xeryaha Dhadhaab, waxaana la gayanayaa xeryo kale oo Kenya ku yaalla.<\/i><\/li>\n<li class=\"story-body__list-item\"><i>&#8211; Bisha 3aad: Qaxootiga qaarkood waxaa loo wareejinayaa waddan seddexaad.<\/i><\/li>\n<li class=\"story-body__list-item\"><i>&#8211; Bisha 4aad iyo tan 5aad: dib u celinta qaxootiga harsan.<\/i><\/li>\n<\/ul>\n<\/div>\n<\/aside>\n<p>Wasiirka Kenya u qaabilsan arrimaha gudaha Joseph Nkaissery wuxuu intaa ku daray in dib u celinta tiro ku dhow 280,000 oo ah qaxooti ku jira xerada qaxootiga ee dunida ugu weyn &#8211; Dhadhaab &#8211; ay sii socon doonto.<\/p>\n<p>Hadalkan ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen xukuumadda inay qaxootiga ku khasbayso inay dib ugu laabtaan Soomaaliya, walow xaaladaha dalkooda ka jira ay yihiin kuwo adag.<\/p>\n<p>Xukuumadda Kenya waxay hore ugu dhawaaqday inay xirayso xeryaha Dhadhaab wixii loo gaaro dhamaadka November.<\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha gudaha wuxuu beniyey eedeymo sheegaya in xukuumaddu ay ku khasbayso qaxootiga inay dib ugu laabataan dalkooda, wuxuuana ku tilmaamay eedeymahaas oo ka soo baxay kooxaha xuquuqda aadanaha inay yihiin &#8216;dacaayad siyaasadeed&#8217;.<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"share share--lightweight  show ghost-column\">\n<h2 class=\"share__title share__title--lightweight\">sources;Bbcsomali<\/h2>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xukuumadda Kenya ayaa hakisay dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab muddo lix bilood ah si loo helo dhaqaale iyo fursad wada tashi dheeraad ah lagu yeesho. Qorshaha qaxootiga ee lixda bilood &#8211; Bisha 1aad: Diiwaan galinta qaxootiga. &#8211; Bisha2aad: Qaxootiga aan Soomaalida ahayn ayaa laga rarayaa xeryaha Dhadhaab, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":3740,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-3739","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3739","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3739"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3739\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3741,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3739\/revisions\/3741"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3740"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3739"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3739"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3739"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}