{"id":413,"date":"2016-08-24T13:37:41","date_gmt":"2016-08-24T13:37:41","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=413"},"modified":"2016-08-24T13:37:41","modified_gmt":"2016-08-24T13:37:41","slug":"madaxweynaha-somaliland-oo-qaabiley-wafti-uu-hogaaminayo-agaasimaha-hayada-inter-peace","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=413","title":{"rendered":"Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Wafti Uu Hogaaminayo Agaasimaha Hay\u2019ada Inter Peace."},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p>Madxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta Agaasimaha guud ee Hay\u2019adda Caalamigaa\u00a0 ee Inter Peace, Mr. Scott M. Weber oo fadhigiisu yahay magaalada Geneva ee xarunta dalka\u00a0 Switzerland.<img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-35173\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/sagalnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/unnamed-30.jpg?resize=713%2C475\" alt=\"unnamed\" width=\"713\" height=\"476\" \/><\/p>\n<\/div>\n<p>Kulankan oo ay Madaxweynaha waxa ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md: Cali Xuseen Ismaciil (Cali Shoombe), Wasiiru dawlaha arrimaha gudaha Md: Maxamed Muuse Diiriye, Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha debeda Md:\u00a0 Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed keyse), Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, iyo Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax), ahna La taliyaha cusub ee Arrimaha sharciga, halka ay agaasimaha guud ee Inter Peace-na ka weheliyeen agaasimaha Inter Peace Bariga iyo Badhtamaha Africa Mr. Jean Paul Mugiraneza, Gudoomiyaha Akadamiyada Nabada iyo Horumarinta Somaliland Md: Maxamed Faarax Xirsi iyo Mr. Khadar Guuleed oo ka tirsan masuuliyiinta Hay\u2019adda Inter Peace Xafiiskeeda Somaliland.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa fadhiga ku billaysimay ereyo soo dhaweyna iyo\u00a0 hadal dheer oo uu kaga hadlayo xidhiidhka hay\u2019adda Inter Peace iyo Somaliland, waxa uu ka waramay Madaxweynu geedi socodka dhinaca dimuqraadiyada ee Somaliland iyo halka wakhtigan xaadirka ah uu marayo hannaan socodka dimuqraadiyada dalku.<\/p>\n<p>Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa hadaladiisii \u201d Waxaan idinku soo dhaweynayaa dalka, waanan ku faraxsanahay booqashada aad iigu timaadeen, meelaha aad booqateen ee dalka ka mida, iyo goobaha aad mari doontaanba\u201d.<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi \u201d Waxaan\u00a0 soo dhaweynayaa wada shaqayntii dheerayd ee aynu lahayn labadeena dhinac, Inter Peace iyo Somaliland, kaasoo soo taxnaa muddo labaatan sano ah, xaqiiqatana ahaa mid wax ku ool ah oo mudnaan u leh dalkayaga, waan idiinka mahad naqaynaa caawimooyinkiini mudada dheer socday ee aad noo yeelateen\u00a0 kuwaasoo buuxiyey meelo muhiim u ah dhismaha dimuqraadiyada dalkayaga\u201d.<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo u gudbay, kana warbixinaya dhinaca dimuqraadiyadda ee dalka, waxaa hadaladiisii ka mid ahaa \u201d Hannaanka dimuqraadiyada ee dalku waa mudnaanta shaqada xukuumadayada, taasoo aanu kasoo dhisnay hoos, korna u wadno, marba marka ka dambaysa, islamarkaana aanu dhex wadno is fahamsiinta iyo heshiisiinta dadkayaga siday isku aamini lahaayeen,\u00a0 una midoobi lahaayeen muqur, maal iyo maskaxba, anagoo islamarkaana garab wadnay maamul wanaag iyo tayeynta hay\u2019adaha dawladda mudadada shan iyo labaatanka sano ah ee aanu lasoo noqonay xorriyadayada \u201c.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu waxaa kale uu ka hadlay sida uu u socdo, una shaqaynayo qaranka somaliland, waxanu yidhi \u201d Dalkayagu haatan waa mid gaamuray oo adkaaday anagoo dadaal dheer ugu jirna adkaynta hay\u2019adaha dawladda iyo sidii ay u noqon lahaayeen kuwo si fiican u guta waajibaadka ay ummadda iyo qaranka ugu xilsaaranyihiin, taasoo aanu ku guulaysanay annagoo gacmaha is haysana dawlad iyo shacabba\u201d.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu wuxuu weftiga uga waramay safarkiisii uu dhawaan kaga soo laabtay gobolada Bariga ee dalka waxanu yidhi \u201d Waxaan socdaal kaga soo laabtay gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo qeybo ka mida gobolkaasi oo ah gobolka Koonfur Bari ugu xiga Somaliland kaasoo ay ka bilaabantay diiwaangelinta codbixiyayaashu. Waxanan la kulmay duqayda waxgarada iyo masuuliyiinta gobolkaasi kuwaasoo aan ku guubaabiyey ka qeyb galka geedi socodka dimuqraadiyada dalka, anigoo u sheegay in miisaan,\u00a0 manfac iyo mudnaanba ay kala siman yihiin muwaadiniinta Somaliland, waliba la siin doono mudnaanta ah in lasoo gaadhsiiyo wixii horumar ay uga horreeyeen gobolada dhinaca galbeed ka xiga Gobolka Sool ee Somaliland \u201c.<\/p>\n<p>Madaxweyuhu wuxuu marlabaad carrabka ku adkeeyey inay isu diyaarinayaan dawlad ahaan xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka si buuxda uga dhacda min Bari ilaa Galbeed, dadweynuhuna codkooda ka dhiibtaan March, 2017, markuu arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi \u201d Sidaan horeba u sheegay diyaar garow buuxa oo haatan gebogebo maraya oo aanu ku sugayno doorasho xor iyo xalaal ah oo dalkoo dhan ka dhacda horaanta 2017, \u00a0ayaa noo socota\u201d.<\/p>\n<p>Dhinaciisa agaasimaha Inter Peace Mr. Scott M. Weber ayaa madaxweynaha uga mahad naqay soo dhaweynta iyo qaabilada, waxana uu intaa raaciyey inuu kuqanacsan yahay wada shaqaynta Inter Peace\u00a0 isagoo Somaliland iyo ammaan iyo bogaadin Somaliland ugu jeediyey geedi socodka dimuqraadiyada iyo dibu dhiska dalka, waxaana ka mid ahaa hadalkiisii \u201d Madaxweyne aad baad ugu mahad santahay qaabilada iyo soo dhaweyntaba. Somaliland waa astaanta guusha, marka la barbar dhigo\u00a0 dalal badan oo Africa ah, taasoo ay caddayn u tahay isbedelada horumarineed iyo kuwa dimuqraadiyadeed ee aan ku arkayey muddo 16-sannood ah oo aan imanayey Somaliland\u201d.<\/p>\n<p>Agaasimuhu wuxuu sii waday hadalkiisii waxaana uu yidhi \u201d Dalal badan oo waa weyn oo Bariga Africa ku yaala markaan arkay ee aan u fiirsaday, Somalilandna aan eegay, waxaa iisoo baxay guulaha ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii aan arkayey labada dhinacba\u201d.<\/p>\n<p>Mar uu ka hadlayey waxqabadka Hay\u2019adiisa waxa uu sheegay \u201d Waxan diyaar u nahay in aanu la shaqayno Somaliland Shanta sannadood ee soo socda annagoo sidaanu hore ula \u00a0shaqayn jirnay iyo kasii dhawba ula shaqayn doona Somaliland. Waxanu leenahay khibrad afartan sannadood ah oo caalami ah iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha dimuqraadiyada iyo doorashooyinka, taasoo aan jecelnahay, idinkuna soo dhaweynayno, inaan kaga shaqayno dalkiina, waayo waxaad qabanaysaan sidaad adiguba tidhi, Madaxweyne, doorashooyin dhacaya horaanta 2017, taasoo ay adduunyaduna eegayso, ula socotana si dhaw, beesha caalamkuna idiinka mahad naqayso diyaar garowga fiican ee aad ugu jirtaan doorashooyinka soo socda iyo siday idiinka go\u2019antahay hirgelintoodu\u201d.<\/p>\n<p>Waxa isaguna halkaa ka hadlay gudoomiyaha Akadamiga nabada iyo horuamrka Somaliland Maxamed Faarax Xirsi isagoo weftiga u sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo uu tusaale u yahay dhinaca dimuqraadiyada madax badan oo dalalka Africa ah, ka dib markii uu ka tanaasulay inuu u tartamo muddo xileedkii labaad oo uu xaq dustuuriya u leeyahay inuu isu-soo sharrxo, isagoo haysta taageerada shacbigiisa, weedhaasi gudoomiyaha akademiga oo keentay inuu hadalka kusoo noqdo agaasimaha guud ee Inter Peace\u00a0 Mr. Scott oo uu yidhaahdo \u201cWaxaad istaahishaa Mudane Madaxweyne, una qalantaa abaalgud caalamiya oo la siiyo masuuliyiinta dabbaqa hannaanka wanaagsan ee dimuqraadiyada ah, kana dega xilka marka ay dhamaystaan muddo xileedkooda, iskana tanaasula sidaada xaqii uu dastuurku u jideeyey markale inayisa soo sharraxaan\u201d.<\/p>\n<p>Markii Shirkaasi laga soo baxay waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Agaasimaha guud ee Inter Peace\u00a0\u00a0 iyo Gudoomiyaha Akaadamiyada Nabada iyo Horumarinta Somaliland.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong><u>ALLAA MAHAD LEH<\/u><\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Naasir Yuusuf\u00a0 Daahir<\/strong><\/p>\n<p><strong>Xoghayaha Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.<\/strong><\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/bvyu.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-416\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/bvyu-300x240.jpg\" alt=\"bvyu\" width=\"300\" height=\"240\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/bvyu-300x240.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/bvyu.jpg 600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/hop.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-417\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/hop-300x240.jpg\" alt=\"hop\" width=\"300\" height=\"240\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/hop-300x240.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/hop.jpg 600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/iut-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-418\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/iut-1-300x240.jpg\" alt=\"iut\" width=\"300\" height=\"240\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/iut-1-300x240.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/iut-1.jpg 600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/moiy.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-419\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/moiy-300x240.jpg\" alt=\"moiy\" width=\"300\" height=\"240\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/moiy-300x240.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/moiy.jpg 600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/nbvx-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-420\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/nbvx-1-300x200.jpg\" alt=\"nbvx\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/nbvx-1-300x200.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/nbvx-1.jpg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/yrw.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-421\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/yrw-300x240.jpg\" alt=\"yrw\" width=\"300\" height=\"240\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/yrw-300x240.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/yrw.jpg 600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/ytrs.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-422\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/ytrs-300x240.jpg\" alt=\"ytrs\" width=\"300\" height=\"240\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/ytrs-300x240.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/ytrs.jpg 600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta Agaasimaha guud ee Hay\u2019adda Caalamigaa\u00a0 ee Inter Peace, Mr. Scott M. Weber oo fadhigiisu yahay magaalada Geneva ee xarunta dalka\u00a0 Switzerland. Kulankan oo ay Madaxweynaha waxa ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md: Cali Xuseen Ismaciil (Cali Shoombe), Wasiiru dawlaha arrimaha gudaha Md: [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":415,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-413","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/413","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=413"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/413\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":423,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/413\/revisions\/423"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/415"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=413"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=413"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=413"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}