{"id":4137,"date":"2016-11-27T05:30:28","date_gmt":"2016-11-27T05:30:28","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=4137"},"modified":"2016-11-27T05:30:28","modified_gmt":"2016-11-27T05:30:28","slug":"dalka-cuba-oo-sagaal-maalmood-u-baroordiiqayo-hogaamiyihii-dalkaasi-fidel-castro-oo-geeriyooday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=4137","title":{"rendered":"Dalka Cuba Oo sagaal maalmood u baroordiiqayo hogaamiyihii dalkaasi Fidel Castro Oo Geeriyooday."},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Dalka Cuba waxaa ka billaabatay sagaal maalmood oo loo baroordiiqayo hogaamiyihii kacdoonka dalkaasi oo shalay geeriyooday. Fidel Castro ayaa ahaa 90 sano jir.<\/p>\n<p>Dad badan oo reer Cuba ah ayaa u barooranaya geerida Fidel Castro, maadaama uu sanado badan ka hortagayay maamulka Washington inkastoo shirqoollo badan uu ka badbaaday.<\/p>\n<p>Marka meydkiisa la gubo ka dib, waxaa haraaga la soo marin doonaa dhammaan dalkaasi Cuba.<\/p>\n<p>Ka dib waxaa la dhigi doonaa magaalada Santiago afarta bisha December ee sanadkan.<\/p>\n<p>Balse, mucaaradka Cuba ayaa ku faraxsan geeridiisa, waxayna u arkaan inuu ahaa keligii taliye.<\/p>\n<p>Sidoo kale, qurba joogta Cuba ee ku nool magaalada Miami ee dalka Mareykanka ayaa dabaal degyo sameeyay.<\/p>\n<p>Magaalada New York, madaxweynaha la doortay Donald Trump, ayaa Mr Castro ku tilmaamay keligii taliye arxan darnaa.<\/p>\n<p>Lakiin madaxweyne Obama wuxuu sheegay in Castro uu doonaayay inuu ballaariyo gacanta saaxiibtinimo ee shacabka Cuba.<\/p>\n<p>Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey, Ban ki-Moon ayaa sheegay in Castro uu lahaa codka xoogga badan ee dacaaladda rayidka.<\/p>\n<p>Dhanka dalalka Shiinaha iyo Ruushka waxay sheegeen inay waayeen saaxiib wanaagsan.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dalka Cuba waxaa ka billaabatay sagaal maalmood oo loo baroordiiqayo hogaamiyihii kacdoonka dalkaasi oo shalay geeriyooday. Fidel Castro ayaa ahaa 90 sano jir. Dad badan oo reer Cuba ah ayaa u barooranaya geerida Fidel Castro, maadaama uu sanado badan ka hortagayay maamulka Washington inkastoo shirqoollo badan uu ka badbaaday. Marka meydkiisa la gubo ka dib, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":4138,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-4137","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4137","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=4137"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4137\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4139,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4137\/revisions\/4139"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/4138"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=4137"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=4137"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=4137"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}