{"id":4220,"date":"2016-11-28T19:49:21","date_gmt":"2016-11-28T19:49:21","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=4220"},"modified":"2016-11-28T19:49:21","modified_gmt":"2016-11-28T19:49:21","slug":"xukuumada-somaliland-oo-shaacisay-tirakoobka-kiisaskii-kufsiga-ahaa-ee-sanadkan-ka-dhacay-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=4220","title":{"rendered":"Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Tirakoobka Kiisaskii Kufsiga Ahaa Ee Sanadkan ka Dhacay Dalka"},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax, ayaa sheegay inaan la aqbali karin heerka kufsiga dalka ka dhacaa marayo, waxaanu\u00a0\u00a0 caddeeyay in fal-dambiyeedyadii kufsiga ee la xidhiidha ee\u00a0 dalka\u00a0 ka dhacay sannadkan 2016 ay gaadheen 207 kiis oo intooda badani ka dhaceen magaalada Hargeysa.<\/p>\n<table border=\"1\" cellspacing=\"1\" cellpadding=\"1\" align=\"center\">\n<tbody>\n<tr>\n<td><img decoding=\"async\" src=\"http:\/\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/cumar%282%29.png\" alt=\"\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>Wasiirka shaqaddu waxa uu sidaasi kaga dhawaaqay hadal uu ka jeediyay shalay\u00a0 xaflad\u00a0 ballaadhan oo lagu qabtay xarunta wasaaradaas oo lagu shaacinayay ololaha ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka oo muddo 16 maalmood ah ka socon doona dalka.<\/p>\n<p>Waxa kaloo xafladaas ka qaybgalay Wasiirul-dawlaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda Cabdi Daahir Cammuud (Cabdi-dheere), Wasiir Ku-xigeenka wasaarada Diinta iyo awqaafta,<\/p>\n<p><span id=\"spnCOntent\">Nuur Cismaan Guulleed, Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqul insaanka, Fadxiya Xuseen Jaahuur, Guddoomiyaha dallada Naafadda\u00a0 Somaliland, Nuura\u00a0 Maxamuud Nuur,Ururrada bulshadda, Hay\u2019adaha caalamiga ah ee hawl-wadaagta la ah wasaaradda shaqada iyo martisharaf kale.<\/span><\/p>\n<p>\u201cWaxaanu halkan ka iclaaminaynaa 16 maalmood oo wacyigelin ah oo la isku baraarujinayo xakamaynta tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda haweenka. Waxaan leeyahay hoyga fiican bay ka soo baxaan midhaha wanaagsani,\u201dayuu yidhi Wasiirka Shaqadu,isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu intaas ku daray\u00a0 \u201cHaddii aan soo qaadno\u00a0 Kufsiga ka dhacay wadanka, marka aanu isku geyno waa 207 kiis oo inta ugu badani ka dhacday magaalada Hargeysa inamadan yar-yar ee wadanka lagu sii daayay ee aan waalid dabo-galaynin ayaa sabab u ah arrintan.Ma eegayno in maalin walba hablaha la kufsado\u00a0 oo habluhu ay guryahooda ka soo bixi kari waayaan,\u201dayuu yidhi Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshaddu.<\/p>\n<p>Wasiir Cumar Sh. Maxamed, waxa uu u soo jeediyay Baarlamaanka inay ansixiyaan xeerka muhiimka ah ee la xidhiidha xuquul-insaanka iyo arrimaha Bulshadda,\u00a0 \u201cSharciyo badan baa horyaalla Baarlamaanka, xeerka kufsiga oo kaliya maaha ee shuruuc badan ayaa horyaalla oo dalka lagu dhaqi lahaa ama hagi lahaa. Baarlamaanku waa golihii dejin lahaa xeerarka ee dabo-geli lahaa in xeerarka la fuliyay iyo in laga baydhay.Xeerka kufsiga , xeerka gudniinka iyo xeerka siyaasadda carruurta inay Baarlamaanku haystaan maaha,\u201dayuu yidhi Wasiirka shaqaddu.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Komishanka xuquuqal-insaanka, Fadxiya Xuseen Jaahuur, ayaa sheegtay in loo baahan yahay in bulshadda lagu wacyigeliyo\u00a0 ilaalinta xuquuqda haweenka iyo guud ahaan xuquuqul-insaankaba. Waxa kale oo ay tilmaantay inay wasaaradda shaqada kala shaqeeyaan sidii Golaha Wakiiladdu u ansixin lahaayeen xeerarka la xidhiidha xuquuqul-insaanka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland, Nuur Cismaan Guulleed oo ka hadlay madashaas ayaa sheegay in gudniinka fircooniga ahi yahay caado gabowday oo aan diinta islaamka ku abtirsan, waxase uu ku baaqay in dedaal weyn la geliyo sidii loo tirtiri lahaa gudniinka fircooniga ah oo uu ku tilmaamay mid halistiisa leh.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax, ayaa sheegay inaan la aqbali karin heerka kufsiga dalka ka dhacaa marayo, waxaanu\u00a0\u00a0 caddeeyay in fal-dambiyeedyadii kufsiga ee la xidhiidha ee\u00a0 dalka\u00a0 ka dhacay sannadkan 2016 ay gaadheen 207 kiis oo intooda badani ka dhaceen magaalada Hargeysa. Wasiirka shaqaddu waxa uu sidaasi kaga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":4221,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-4220","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4220","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=4220"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4220\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4222,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4220\/revisions\/4222"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/4221"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=4220"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=4220"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=4220"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}