{"id":4578,"date":"2016-12-09T06:07:03","date_gmt":"2016-12-09T06:07:03","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=4578"},"modified":"2016-12-09T06:07:03","modified_gmt":"2016-12-09T06:07:03","slug":"daawo-dugsi-laaan-haysata-dadkii-ku-barakacay-taarka-madaarka-magalada-hargeysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=4578","title":{"rendered":"DAAWO: Dugsi La\u2019aan Haysata Dadkii Ku Barakacay Taarka Madaarka Magalada Hargeysa."},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa () &#8211; Waxbarasho la\u2019aan ayaa soo foodsaartay dadkii ku barakacay Xayndaabka loo sameeyay madaarka caaasimadda Hargeysa, iyadoo dugsi halkaasi horay looga dhisay uu gabi ahaanba dumay.<\/p>\n<p>Ardayda wax ka baran jirtay dugsigaasi ayaa la sheegayaa in haatan ay soo foodsaartay waxbarasho la\u2019aan maadaama dugsigii halkaasi looga dhisay uu dumay &#8211; waxaana arrintan walaac ka muujiyay macallimiinta ardaydaasi wax u dhigi jirtay.<\/p>\n<p>Cabdiraxmaan Nuux Aw-Ducaale oo ah macallinka iskuulkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in tayada dhismaha iskuulkaasi oo aad u liidatay uu muddo kooban kaddib dumay isla markaana ay taasi sababtay in waxbarasho la\u2019aan baahsani ay soo waajahdo caruurtii halkaasi wax ka baranaysay.<\/p>\n<p>Macallinku waxa kale oo uu sheegay in bas ama baabuur loogu talo galay in ardayda lagu keeno iskuulka uu isna shaqadii joojiyay muddo kooban oo uu halkaasi ka hawl-galaayay.<\/p>\n<p>Sidoo kale, macalinka iskuulkaasi ayaa waxa uu sheegay in Taarka Xayndaabka ah ee madaarka Hargeysa uu saamayn ku yeeshay noloshii kale ee dadka halkaasi ku dhaqan \u2013 iyadoo halkaasi ay ka jirto go\u2019doon iyo waddo la\u2019aan ama gaadiid la\u2019aan.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, maamulka madaarka oo iyagu arrintani iyo ardaydanba ka masuul ah ayaan illaa hadda ka hadlin sababta keentay in aan waxba laga qaban iskuulka dumay iyo waxbarasho la\u2019aanta halkaasi ka jirta.<\/p>\n<h3>Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaal.<\/h3>\n<p><iframe loading=\"lazy\" title=\"Daawo: Taarka Madaarku Siduu U Dhibay Dadkii Deriska La Ahaa\" width=\"500\" height=\"375\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/F9r5wpvNjFA?feature=oembed\" frameborder=\"0\" allow=\"accelerometer; autoplay; clipboard-write; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture; web-share\" referrerpolicy=\"strict-origin-when-cross-origin\" allowfullscreen><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa () &#8211; Waxbarasho la\u2019aan ayaa soo foodsaartay dadkii ku barakacay Xayndaabka loo sameeyay madaarka caaasimadda Hargeysa, iyadoo dugsi halkaasi horay looga dhisay uu gabi ahaanba dumay. Ardayda wax ka baran jirtay dugsigaasi ayaa la sheegayaa in haatan ay soo foodsaartay waxbarasho la\u2019aan maadaama dugsigii halkaasi looga dhisay uu dumay &#8211; waxaana arrintan walaac ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":4579,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-4578","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4578","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=4578"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4578\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4580,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4578\/revisions\/4580"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/4579"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=4578"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=4578"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=4578"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}