{"id":4900,"date":"2016-12-18T11:04:03","date_gmt":"2016-12-18T11:04:03","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=4900"},"modified":"2016-12-18T11:04:03","modified_gmt":"2016-12-18T11:04:03","slug":"dawladda-sucuudiga-oo-weftigii-waddani-ee-nayroobi-u-balan-qaaday-in-ay-xayiraadda-ka-qaadayaan-xoolaha-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=4900","title":{"rendered":"Dawladda Sucuudiga oo Weftigii WADDANI ee Nayroobi u Balan-qaaday in ay Xayiraadda Ka Qaadayaan Xoolaha Somaliland."},"content":{"rendered":"<div>Dawladda Sucuudiga oo Weftigii WADDANI ee Nayroobi u Balan-qaaday in ay Xayiraadda Ka Qaadayaan Xoolaha Somaliland<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Hargeysa(GLN):-Safaaradda ay dawladda boqotooyada Sucuudigu ku lee dahay dalka Kenya, ayaa balan-qaaday in ay xayiraada ka qaadayso dhoofka xoolaha Somaliland ee la joojiyey, waxaana ay xuseen in ay si deg-dag ah khubaro caafimaad ugu soo diray gudaha Somaliland, ka dib kulan ay si wada-jir ah u wada qaateen weftigii Xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo safiirka boqortooyada Sucuudiga u qaabilsan safaaradda ay ku lee yihiin dalka Kenya sida oo kale na uga wakiil ah arrimaha Somaliland iyo Somaliya.<\/div>\n<div>Kulankan oo ka qabsoomay xarunta safaaradda Sucuudigu ay ku lee dahay magaalada Nayroobi, ayaa waxa goob-joog ka ahaa safiirka safiirka iyo weli ba sida diblomaasiyiin ka tirsan safaaraddaasi, waxaana dhinaca kale mas&#8217;uuliyiinta WADDANI ka socday Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI, Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka. hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI, Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa, Diblomaasi Maxamed Biixi Yoonis, Cabdirisaaq Khaliif, Muniir Axmed Cigaal iyo Ambassador Safiina.<\/div>\n<div>Weftiga WADDANI, waxa ay mas&#8217;uuliyiintii safaaradda Sucuudiga ee Nayroobi ay gaadhsiiyeen xaaladda abaareed ee ka jirta Somaliland iyo weli ba sida oo kale dhibbaatada ay ku hayso xoolahii laga joojiyey Somaliland, waxaana ay u sharaxeen in iyada oo shacabka Somaliland ay haysato dhibta ka soo gaadhay abaaraha ku habsaday ay hada na ugu sii darsantay xidhitaanka Xoolaha Somaliland ee Sucuudiga, iyaga oo u iftiimiyey in Xoolaha Somaliland ay yihiin kuwo caafimaad qaba isla mar ahaantaana aan qabin wax xanuuno ah.<\/div>\n<div>Weftigu, waxa ay safiirka iyo diblomaasiyiinta safaaradda Sucuudiga ee Nayroobi ay ka codsadeen in si deg-dag ah xayiraadda loo qaado Xoolaha Somaliland sida oo kale na ay shacabka Somaliland kala qeyb-qaataan gurmadka abaaraha oo si ba&#8217;an u saameeyey guud ahaan Somaliland.<\/div>\n<div>Geesta kale, safiirka safaaradda Sucuudigu uu ku lee yahay dalka Kenya, waxa uu weftiga WADDANI u xaqiijiyey in si deg-dag ay uga hawl-galayaan sida oo kale na ay baadhitaan ku samaynayaan sababta keentay in la joojiyo Xoolaha Somaliland, waxaana uu xusay in ay khubaro dhakhaatiir ah oo ku takhasustay dhinaca xoolaha ay u soo diri doonaan gudaha Somaliland isla mar ahaantaana ka dib baadhitaankaas caafimaad ee Xoolaha ay ku go&#8217;aan qaadan doonaan isaga oo dhinaca kale na xusay in boqotooyada Sucuudigu ay si deg-dag ah gurmad uga geysan doonto abaaraha ka taagan Somaliland.<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dawladda Sucuudiga oo Weftigii WADDANI ee Nayroobi u Balan-qaaday in ay Xayiraadda Ka Qaadayaan Xoolaha Somaliland Hargeysa(GLN):-Safaaradda ay dawladda boqotooyada Sucuudigu ku lee dahay dalka Kenya, ayaa balan-qaaday in ay xayiraada ka qaadayso dhoofka xoolaha Somaliland ee la joojiyey, waxaana ay xuseen in ay si deg-dag ah khubaro caafimaad ugu soo diray gudaha Somaliland, ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":4901,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-4900","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4900","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=4900"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4900\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4902,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4900\/revisions\/4902"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/4901"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=4900"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=4900"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=4900"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}