{"id":5033,"date":"2016-12-21T05:36:08","date_gmt":"2016-12-21T05:36:08","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5033"},"modified":"2016-12-21T05:36:08","modified_gmt":"2016-12-21T05:36:08","slug":"obama-oo-manuucay-in-shidaal-laga-qado-atlantic-iyo-arctic","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5033","title":{"rendered":"Obama oo manuucay in shidaal laga qado Atlantic iyo Arctic"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa mamnuucay in shidaal laga qodo badaha dalkaasi ee Atlantic iyo Arctic.<\/p>\n<p>Tallaabadan oo qeyb ka ah ilaalinta bay&#8217;ada waxa ay ka mid tahay kuwa ugu dambeeya ee uu meel marinayo ka hor intuusan xafiiska baneynin bisha soo socota.<\/p>\n<p>Obama ayaa go&#8217;aankaasi shaaciyay ka dib markuu la kulmay dhigiisa Canada.<\/p>\n<p>Wuxuu tilmaamay in halis aan caadi ahayn oo ka dhalatay Saliidda ay saameysay dhammaan nawaaxigaasi.<\/p>\n<p>Dalalka Canada iyo Mareykanka ayaa si xadidan uga wada shaqeyn doona heshiiska, sida uu sheegay Obama.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Mareykanka ayaa adeegsanaya awoodda xeerka 1959-kii ee mamnuucidda.<\/p>\n<p>Ninka isaga bedeli doono, Donald Trump, wuxuu u baahan yahay inuu maxkamad aado si uu u badalo go&#8217;aanka Obama.<\/p>\n<p>Shirkado dhowr ah ayaa daneynaya inay shidaal ka qodaan badda, si ay uga faa&#8217;ideystaan qiimaha hoose ee batroolka.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa mamnuucay in shidaal laga qodo badaha dalkaasi ee Atlantic iyo Arctic. Tallaabadan oo qeyb ka ah ilaalinta bay&#8217;ada waxa ay ka mid tahay kuwa ugu dambeeya ee uu meel marinayo ka hor intuusan xafiiska baneynin bisha soo socota. Obama ayaa go&#8217;aankaasi shaaciyay ka dib markuu la kulmay dhigiisa Canada. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":5034,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-5033","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5033","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5033"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5033\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5035,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5033\/revisions\/5035"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5034"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5033"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5033"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5033"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}