{"id":5199,"date":"2016-12-24T11:14:33","date_gmt":"2016-12-24T11:14:33","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5199"},"modified":"2016-12-24T11:14:33","modified_gmt":"2016-12-24T11:14:33","slug":"golaha-amniga-ee-un-oo-dalbaday-in-la-joojiyo-deegaameynta-israaiil","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5199","title":{"rendered":"Golaha amniga ee UN oo dalbaday in la joojiyo deegaameynta Israa&#8217;iil"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa wuxuu meel mariyay qaraar ku baaqaya in la joojiyo deegaameynta sharcidarada ah ee Israa;iil ay ka wado dhulka Falastiin.<\/p>\n<p>Codeynta ayaa dhacday ka dib markii Mareykanka uu diiday inuu u adeegsado codka qayaxan ee Veto.<\/p>\n<p>Qabyo qoraalka oo ay soo diyaarisay Masar ayaa dib loo celiyay ka dib markii Donald Trump uu sidaasi codsaday.<\/p>\n<p>Balse, Dalal ay ka mid yihiin, Malaysia, New Zealand, Senegal iyo Venezuela ayaa diiday oo markale gudbiyay qoraalka.<\/p>\n<ul class=\"story-body__unordered-list\">\n<li class=\"story-body__list-item\"><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-37237506\">Israel &#8216;ayaa ansixisay 464 guryo oo laga dhisayo Daanta Galbeed&#8217;<\/a><\/li>\n<li class=\"story-body__list-item\"><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-37528159\">Falastiini lagu toogtay daanta galbeed<\/a><\/li>\n<\/ul>\n<p>Mareykanka ayaa horey loogu garanayay inuu is hortaago in UN ay cambaareyso Israa&#8217;iil.<\/p>\n<p>Saraakiisha Israa&#8217;iil ayaa codeynta ka dib waxay cambaareeyeen sida Mareykanka uu u dhaqmay.<\/p>\n<p>Wasiirka Tamarta ee Israa&#8217;iil, Yuval Steinitz wuxuu sheegay: &#8220;Kani maahan qabyo qoraal ku saabsan deegaameynta ee waa qaraar ka dhan ah Israa&#8217;iil, waa mid ka dhan ah dadka Yahuuda, iyo dalkooda&#8221;.<\/p>\n<p>&#8220;Mareykanka caawa wuxuu si fudud ku waayay saaxiibkiisa ugu weyn ee Bariga dhexe.&#8221; ayuu hadalkiisa raaciyay.<\/p>\n<p>Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo la dhaarindoono 20-ka bisha soo socota, ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray war ka dib codeynta.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><\/figure>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"> <span class=\"off-screen\">Image copyright<\/span> <span class=\"story-image-copyright\">AFP<\/span> <\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span> <span class=\"media-caption__text\"> Donald Trump ayaa aad u taageera Israa&#8217;iil <\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>&#8220;Sida Qaramada Midoobeey, arrimaha way isbedeli doonaan ka dib 20-ka bisha January&#8221;. ayuu yiri Trump.<\/p>\n<p>Arrinta dejinta dadka Yahuudda ah, dhulka Falastiin waa xaaladda ugu xun ee labada dhinac hadda u dhexeyso, taas oo loo arko inay caqabad ku tahay wadahadallada nabadda.<\/p>\n<ul class=\"story-body__unordered-list\">\n<li class=\"story-body__list-item\"><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-38220370\">Israa&#8217;iil oo dardar galisay sharciyaynta guryaha dhulka lahaysto ee Daanta Galbeed<\/a><\/li>\n<li class=\"story-body__list-item\"><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-37909895\">Askarta Carabta ee ku nool Israel oo u dagaalamaya Israel<\/a><\/li>\n<\/ul>\n<p>Qiyaastii 500,000 oo qof oo Yuhuud ah ayaa deggan 140 deegaan oo laga dhisay dhulka Falastiin, tan iyo sanadkii 1967-dii oo Israa&#8217;iil ay qabsatay Daanta Galbeed ee Qudus.<\/p>\n<p>Deegaanadaasi ayaa loo arkaa sharcidaro, marka la eego xeerka caalamiga ah, balse Israa&#8217;iil ayaa diiday.<\/p>\n<p>Afhayeen u hadlay madaxweynaha Falastiin, Maxamud Cabbaas ayaa soo dhoweeyay tallaabada oo ay u codeeyeen 14 dal oo ka mid ah 15-ka waddan ee Golaha amniga ee UN xubnaha ka ah.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa wuxuu meel mariyay qaraar ku baaqaya in la joojiyo deegaameynta sharcidarada ah ee Israa;iil ay ka wado dhulka Falastiin. Codeynta ayaa dhacday ka dib markii Mareykanka uu diiday inuu u adeegsado codka qayaxan ee Veto. Qabyo qoraalka oo ay soo diyaarisay Masar ayaa dib loo celiyay ka dib markii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":5200,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-5199","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5199","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5199"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5199\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5201,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5199\/revisions\/5201"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5200"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5199"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5199"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5199"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}