{"id":5269,"date":"2016-12-25T19:35:58","date_gmt":"2016-12-25T19:35:58","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5269"},"modified":"2016-12-25T19:35:58","modified_gmt":"2016-12-25T19:35:58","slug":"xusuusihii-fankii-abwaan-xasan-qawdhan-yuusuf","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5269","title":{"rendered":"Xusuusihii Fankii Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf"},"content":{"rendered":"<div dir=\"ltr\">\n<h4>Abwaan\u00a0<strong>Xasan Qawdhan Yuusuf<\/strong>\u00a0wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa hillaadii\u00a0<strong>1944-kii<\/strong>. Wuxuu ka bilaabay waxbarashadiisii malcamaddii la odhan jirey \u2018\u2019\u00a0<strong>Saqadhi \u2018\u2019<\/strong>oo ku taalay hadaanta hargeysa . Dugsiga hoose dhexe isna wuxuu ka bilaabay \u2018<strong>\u2019<\/strong><strong>School Riis<\/strong>\u00a0\u2018\u2019. Abwaanku kumuu raagin waxbarashadii dugsiga hoose dhexe ee waa isaga \u00a0tagey isagoo fasalka afraad maraaya . Wuxuu shaqadiisii koobaad ku bilaabay \u2018<strong>\u2019 Boynimo<\/strong>\u2018\u2019.Intaas ka dib wuxuu noqday Kuug ama cunno sameeye wanaagsan . Xirfadaha kale ee uu bartay kadib waxaa ka mid ahaa ; Darawalnimada iyo turjumidda afafka qalaad maadaamuu waddamo afrika oo dhan uu badankooda maray ay u saamaxday inuu luuqadahooda barto . Fanka iyo hal-abuurnimada waxuu ii sheegay inuu xiisayn jirey isagoo da\u2019ahaan yar . Lagama waayi jirin dhinacyada odayaasha sheekaysanayaa iyo cid kastoo hibo u leh hal-abuurka\u00a0 . Waxay u yaqaaneen ; nin yaroo nin weyn ah . Abwaanku wuxuu tagey Xamar sanadkii 1961-kii isagoo markiiba ka hawl galay ha\u2019ayadda \u2018\u2019 USAID \u2018\u2019 .Markii ugu horeysay ee uu wax curiyo gugiisu wuxuu ahaa 23-jir. Wuxuu sameeyaywakhtigaas \u00a0hees hirgashay oo uu qaado heesaagii codka macaana ee\u00a0<strong>Maxamed Nuur Giriig AHN<\/strong>. Waa sanadkii 1967-kii.Ereyada heeskaa waxaa ka mid ahaa \u00a0meerisyadan ; Meeqaam nin mudan , oo\u00a0 miiganaa , intaad maamusheen , miidaamiseen , waxaad tahay mid baaso , lay soo maldahayoo , anigana i mudatee . Abwaanka waxa heestaa markiiba ugu xigtay Riwaayad . Way adkayd in nin dhalinyaraa oo ku cusub masaraxa hal-abuurka inuu sameeyo riwaayad dhamaystiran . Waayo waa hawl nin weyn oo fanka muddo ku soo jirey mooyanee aan looga fileyn qof dhalinyaraa\u00a0 .Riwaayadaas\u00a0 magaceeda waxaa la odhan jirey\u00a0<strong>\u2018\u2019 Annagoo waalan waagu noo beri \u2018\u2019<\/strong>\u00a0. Waxaa ka qayb qaatay dadyoow tiro badan . Waxaan ka xusi karnaa kuwan ;<strong>Maxamed Saleebaan Tubeec Ahn<\/strong>\u00a0,\u00a0<strong>Axmed Mooge Liibaan AHN<\/strong><strong>\u00a0, Maxamed Jaamac Joof AHN<\/strong><strong>\u00a0, Xasan Diiriye<\/strong><strong>\u00a0, Marwo maxamed, Axmed Good Shimbir<\/strong>iyo qaar kaloo badan<strong>\u00a0.\u00a0<\/strong>Waxaa ku jirey geeraaro iyo heeso badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin qoraalkooda .Waxaa ka mid ahaa heesihii caanka noqday ee ku jirey riwayadaas\u00a0 kuwan ; Miidaamo dhego-maleh , hadduu malag dhawaaqee . Waxaa codkiisa macaan ku qaadi jirey Axmed Mooge Liibaan Ahn .Waxaa kale oo ka mid ahaa ; Diin god gal , good diin gal iyo riyadii xalay , baan rumaystoo , Raaxaan\u00a0 moodoo , waan riyaaqee .<\/h4>\n<h4>Waxaa iyadana ku luuqeyn jirey boqorkii codka Maxamed Saleebaan Tubeec Ahn .Waxaa kale oo ka mid ahaa heeskii ; Hambaabir ee uu qaadi jirey Xasan Diiriye .Sanad ka dib ayuu abwaanku allifay riwaayad kale oo la odhan jirey\u00a0<strong>\u2018\u2019Ninna waal ninna waani<\/strong>\u00a0\u2018<strong>\u2019<\/strong>.Waxay ahayd duurxul ku socotay Kacaankii Jaalle Siyaad \u00a0\u00a0.Waxaa uu abwaanku riwaayadaa ka haa jilaa\u00a0 heer saraa . Geeraaradii ay iswaydaarsadeen Maxamed Ayax oo markaa ku matalaayay riwaayada gabadh waxaa ka mid ahaa kuwan ;<\/h4>\n<h4><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0Xasan Qawdhan ;Waadigan duryamaayee<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Kaligaa daldalmaaye<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Dabaylaha la hadlaayee<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Wixii ku daran sheego<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Habaryay daamanka weynli<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Alla moodo dimbil sanbuusi ka buuxo<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Maxamed Ayax\u00a0;Inanyow waxaan dooni<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 \u00a0\u00a0Jacayl aan la dayoobay<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Illaa dayrtii shanaad<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Halkaa duudka agtiisa<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Dilimaha dhabarkayga<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Wadaad duugi yaqaanoo<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Durbaanka aad u tumi yaqaanoo<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Isna dookha I taabinayoo<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Alleen waan dawakhaayee<\/strong><\/h4>\n<h4><\/h4>\n<h4><strong>Xasan Qawdhan ;Dee orodoo doono<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Sheekh dawashaale<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0Isaga dube haystoo<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Durbaanka aad u yaqaanee<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Degdeg yaanu ku dhaafine<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Orodoo doono sheikh dawashaale<\/strong><\/h4>\n<h4><\/h4>\n<h4><strong>Maxamed Ayax;Waar rooxaan baan diranaayoo<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0 Badhba soo dalcaayoo<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Kolla soo dejinaayee<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Xasan Qawdhan ;Alla ilaahay ha ku daayee<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Kuwa caawaad dirayso<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Dayaxa aan ka warkeenee<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0 Anna doorkan I raaci<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Maxamed Ayax ;Dariiqay marayaan<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Dahab aan ku daadshee<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Haddaad doolar keento<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Farriin baan ka daba geyn<\/strong><\/h4>\n<h4>Xasan Qawdhan ;<strong>Wayahee xaggee baad diintaa<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Iyo derajadaa ka heshay\u00a0\u00a0 ?<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Maxamed Ayax<\/strong>\u00a0;<strong>Aabahay waa falalow<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0Hooyaday waa fidmo joogta<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0Walaalkay waa fadhfadhle<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Adeerkay waa fidiye<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Anna foox la wareegtiyo<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Fiiddad la carawdo<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Immisaan inan fiican<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Ka fidmeeyay ninkeeda<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Intay joogto fagaays<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Baabuurta foodhi ku waasha<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Waar falaga layguma gaadho<\/strong><\/h4>\n<h4><\/h4>\n<h4><strong>Xasan Qawdhan<\/strong>\u00a0;<strong>\u00a0Kuwa fooxa shidaayee<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Kuwa faalka dhigaaya<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Dadka beenta faraaya<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0Waxaan ahay fiqi jiitoo<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Sida fuudka u laacee<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Fooska aad hayso<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0 Kayga maysku soo fasaxanaa<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0Feedhaha hays ka tumaan\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/strong><\/h4>\n<h4><\/h4>\n<h4>Waxaa riwaayadan ku jirey jilayaal iyo fanaaniin badan .Waxaa ka mid ahaa\u00a0<strong>Muuse IsmaaciilQalinle<\/strong>,<strong>Saado Cali Warsame<\/strong>\u00a0 ilaahay haw naxariisto labadoodabee . Wuxuu ii sheegay abwaanku inuu ka shaqeeyay\u00a0 siday isku guursan lahaayeen . Wax yar ka dib ayay isguursadeen oo ay ka aqbaleen codsigii abwaanka . Waxay isku dhaleen gabadh kaliya oo markii ugu danbeysay magaalada Burco\u00a0 ku noolayd .\u00a0 Riwayadaas waxaa \u00a0kaloo ku jirey fanaaniin iyo jilayaal badan . Waxaa kaloo ka mid ahaa\u00a0<strong>Axmed Cali Cigaal<\/strong><strong>, Maryan mursal<\/strong>\u00a0,\u00a0<strong>ShankaroonAxme<\/strong><strong>d Sagal<\/strong>\u00a0,\u00a0<strong>Sahra siyaad<\/strong>\u00a0,\u00a0<strong>Maxamed<\/strong><strong>\u00a0Ayax<\/strong>\u00a0 iyo qaar kaloo badan . Waxaa riwayadaas ka mid ahaaheeso badan oo caan ka noqday geyiga soomaalidudegto oo dhan . Waa kuwan qaar ka mid ahi; Ubaxoo dilaacaay ama dardaraan kolba tay bulsahdu u yaqanaan .Waan kuu warramayaa , kaa waaban\u00a0 maayee naftaydaay\u00a0 . Iyo heeskan soo socda oo ay wada qaadaan\u00a0<strong>Axmed Cali Cigaal\u00a0<\/strong>iyo<strong>Shankaroon<\/strong>\u00a0 ; Adna gacaladaydaay , aynu guri yagleelee , geestada ila qabo . Ugu danbayntii waxaa ka mid ahaa riwayadaas heeskan la yidhaah ;Jalam-qalam jacaylkuye , soo kan jiirta ila korey , jarka dacalka iga sudhey , ha soo jeedsan igu yidhi; iyo waliba heeskii macaana ee \u2018\u2019 ila laba lis caashaqa \u2018\u2019 . Intaas oo heesa badankooda waxaa codkii libaax la moodka ahaa ku qaadayey Alle haw naxariisto\u2019e\u00a0<strong>Qalinle.<\/strong><\/h4>\n<h4>Waxaan abwaanka waydiiyey markuu halkaas ii marinaayey weraysiga , wuxuu yahay ereygan uu ku bilaamaayo heeskan u danbeeyay ee uu ii tirinaayey . Waa ereygan ah\u00a0<strong>Jalam-qalam<\/strong>\u00a0. Intaas kadib wuxuu iiga taariikhooday halkuu ka keenay ereygaas iyo qiimaha uu heestan ugu fadhiyo . Kuye \u2026\u2026 \u2018\u2019 Adeer Axmedoow ; Ereygan aad ii sheegayso waxaa markiisa hore halhays u lahaa abwaan\u00a0<strong>Axmed Saleebaan Bidde<\/strong>\u00a0oo aan saaxiib dhaw isku ahayn\u00a0 . Anna waxay iga ahayd uun buuxin ama waxa la yidhaahdo ; naaxiyad heeseed . Sanadku markuu ahaa 1972-kii ayaa waxay\u00a0 isaseegeen\u00a0 abwaanka kacankii madaxa adkaa . Waxaaabwaanka \u00a0loo taxaabay jeel . Wuxuu xidhnaa muddo afar bilooda . Waxaa kiis looga dhigey \u00a0hees uu sameeyay wakhtigaas\u00a0 oo riwayadan ku jirtey islamarkaana\u00a0 uu qaado Axmed Cali Cigaal . Waxaa ka mida ereyadeedii ; Maxaad sheekadeeni ( nacas ) intaad shirisay dumarkii, (doqon ) . Isla sanad kadib wuxuu abwaanku haddana allifey riwaayad kale oo la magac baxday\u00a0 \u2018<strong>\u2019 Yaan la waalin jacaylka<\/strong>\u00a0 \u2018\u2019 . Waxayka mid ahayd silsiladi waalida riwaayadihii uu ula baxay . Abwaanku wuxuu fanaaniin kala duwan u dhiibay heeso qumana oo fara badan . Waxaa ugu horeeyay Maxamed Mooge Liibaan Ahn . Wuxuu u dhiibay tiro ba Siddeed heesood . Nasiib darro se wuxuu abwaanku ii sheegay inuu dhintey isagoo laba heesood oo kaliya ka qaaday . Waxayna kala ahaayeen kuwan; Waxay tidhiShabcaantii ,\u00a0 markii aad shib iga tidhi , shalwatee idiidee , shaydaanka raacdee. Iyo markii aan ladnaadaba , soo haweenku ima luro , lule ima qaataan , laac ima dhigayaan , sow ima lugooyaan , sow ima lugooyaan . ! Heesaha kale uu sameeyay waxaa ka mid ahaa ; gododle waa gaddiisii godale ; Waxaa cod talantaaliya kuwada qaadi jirey faaniinta kala ah Axmed Mooge Liibaan , Xaliimo khaliif Magool iyo\u00a0 Hibo Nuura . Intaas kadib wuxuu inyar iiga qisooday sababtay ku timid heeskan midhaheedu aanu soo sheegnay \u00a0xaggan sarre . Wuxuu i gu yidhi abwaanku ; Nin aanu saaxiib ahayn ayaa wuxuu qabay laba dumara . Labadaas dumara wuu kala qarin jirey oo ismay ogen in nin kaliya wada qabo\u00a0 . Labadaba waxa uu kala dejiyay laba xaafadood\u00a0 oo Xamar ku yaal oo waliba\u00a0 kala duwan .\u00a0 Marka uu doonaayo inuu masalan u tago mid gabadhaha ka mida oo\u00a0 degan xaafad heblaayo . Wuxuu ta kale ku odhan jirey;waxaa laga yaaba in aan caawa kaa dhaxo ee sidaas ku ogoow . Wuxuu sidaas ku qababa labadoodii ayaa maalin maalmaha ka mid ah ay is -helay .Dabadeed dar ilaahay ayay isku waraysteen .Waxay ogaadeen in nin kaliya uu\u00a0 wada qabo labadoodaba .<\/h4>\n<h4>Waxay ku heshiiyeen in marka uu yimaado mid walba ay si isku mida ay labaduba ugu yidhaahdaan ;\u00a0 waxaan doonayaa inaad xaafad hebla ii rarto ?. Dabadeed tii uu habeenkaas gurigeeda tagay ayaa ku tidhi ;walaal waxaan doonayaa xaafad heblaayo inaan u guurno ?. Xaafad heblayadaasa ay sheegaysana waxaa degan tii kale ee uu ka qarinaayey beryahaaba . Dabadeed wuu ka maraateeyay oo kuna maaweeliyay inaanay macno sidaasa lahayn xaafaddaasi . Haddana tii kale ayuu u tagay habeenkii kale . Sidii si la mida ayay ku tiraabtay \u00a0iyaduna. Isna waa la yaabay labadaas su\u2019aalood ee isku midkaa ee ay waydiyeen .Afkii baa juuqda gabay markan .Wuxuu ku yidhi ; ma jecli inaan u guurno xafaddaas aad sheegayso . Waxay iyaduna u sheegtay inay wax walba soo ogaatay\u00a0 . Waxay ka codasatay in\u00a0 hadda uu siiyo\u00a0 warqadeedi\u00a0 . Isna kama dul ooyine waa siisay markiiba . Haddana tii kale ayaa iyaduna ku tidhi ; anna isii warqadaydii ?. Iyadana isagoo yaaban ayuu siisay . Muddo yar oo kooban ayuu faramadhnaan haween ku dhacay . Dabadeed intaas ka dib wuxuu u yimid abwaanka oo uga taariikhooday wixii qabsaday . Sidaas ayay ku timid ujeedka heestan gododle waa gaddiisiiiye godadle . Waana mid taabanaysa raga gododlayaashaa wakhti walba oo ay joogaan \u00a0.Sanadkii 1962-kii wuxuu Maxamed Axmed Kuluc Ahn u dhiibay hees la odhan jirey \u2018\u2019 Ila qabo \u2018\u2019 . Sanadkii markuu ahaa\u00a0 1967-kii\u00a0 wuxuu isna udhiibey Maxamed Saleebaan Tubeec heeskii \u2018\u2019 Dhaqan\u2019\u2019 . Waxaa kale oo ka mid ahaa heesa uu curiyay abwaan Xasan Qawdhan heeso waddaniya . Waxaan ka xusi karnaa heeska ay qaado fanaanadii weynayd ee aan fankaba looga horeyn XAMAR . Waa marwo\u00a0 Dalays Cabdillaahi . Waxay\u00a0 heestu ku bilaamaysay ereyadansoo socda ; Hunnu hunnuu hadal maaha , himbriirsii arag maaha\u00a0 . Heesaha uu sameeyay abwaanku kuwaan marnaba laga caajisin waxaa ka mid ahaa heeskan\u00a0 ; Jaaheeda nuurka leh , ayaa I jiidanaayee , juuq umaan idhaahdeen , haddaan jari karaaye , joogaaha maqan baan ahee , maqanahaa joogaan ahee. Waxaa codkiisa macaan ku qaadi jirey Muuse Ismaaciil Qalinle .Kooxdii Waaberi dabadeed wuxuu abwaanku heeso kale duwan oo\u00a0 badan u dhiibay fanaaniintii iskood isku xilqaamay inay fanka ay sii huriyaan . Waxaa ka mid ahayd fanaandii la yidhaah ; Sahra Cali Xasan oo uu intuu xasuusto laba heesood u dhiibay . Waxay kala ahaayeenna<\/h4>\n<h4><strong><em>\u2018\u2019 Laaga il qabay iyo Raxan reebka caashaqa \u2018\u2019<\/em><\/strong>\u00a0.<\/h4>\n<h4>Heeso iyo riwaaydu intaas ka badan ayuu leeyahay abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf oo aanan qormadan ku soo koobi karin ee u baahan dabagal dheeriya in lagu sameeyo . Riwaayadaha aan wakhtiga iyo abwaanka isla waayey waxaa ka mid ah ururintooda \u2018\u2019 Jacayl aan jid lahayn iyo jaho loo dhaqaaqo \u2018\u2019 Iyo waliba \u2018\u2019 Jacaylka waan xidhayaaye yaa xisaab ku lahaa \u2018\u2019 Heesaha iyagan aanan helin summadooda waxaa ka mid ahaa heeso ay qaado fanaanada Ikraan Jaamac .<\/h4>\n<h4>Hees uu\u00a0 sameeyo oo debadda u soo baxda waxaa ugu danbeysay heeska uu qaadaay ciidii 2015-kii ku beegnayd fanaanka magaciisa la yidhaahdo \u2018\u2019 Xasan Gacan \u00a0\u2018\u2019 \u00a0. Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf waa nin taariikhdiisa faneed weyn tahay islamakaana baaxaddeeda leedahay . Waxay u baahan tahay ururin mug leh . Waxaa laga samayn karaa dhigaal ( Buug ) qurxoon oo ummada Soomaaliyeed dhaxal iyo hanti ay leedahay u noqda . Abwaan Xasan Qawdhan hadda wuxuu degan yahay dalka Iswiidhan . Wuxuu abwaanku yeeshay afar xaas isagoo eebbe uga calfey ( 5 , 2 , 1 ,1 ) caruur ah . Caruurtu dhalay ayaa caruuro sii leh . Waa awoow abwaanku hadda .Wadarta wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen immika waa ( 25 ruux ) . Waxaan ka cudur daaranayaa\u00a0 isagoo muddo laga joogo\u2019\u2019 16 sanno \u2018\u2019 aan isnaqaaney oo dabadeed aanan wax badan oo taariikdiisii faneed ah ka qorin ama ka guntin\u00a0 . Waxaan ahayn muddadaas isku masjid iyo isku majlis . Waxaan ka dheefay ereyo iyo odhaahyo buurta daalo ka culus . Se waxaan ku faraxsanahay\u00a0 in maanta qayb ka mid ah aan idiin la wadaago taariikhdiisii faneed . Waxaan ku soo gabegabynayaa\u00a0 qormadaydan kooban duco aan hawada u marinaayo adeero Xasan Qawdhan Yuusuf . Waxaan leeyahay ; Adeer ilaahay waxaan kaaga baryayaa caaafimaad iyo cimri dherer iyo cibaado suuban\u00a0 . Sidaad afkeenii iyo fankeeni aad ugu u hiilisayna alle ha kuugu hiiliyo aakhiro \u00a0, jannadana ha kugu casuumo Inshalaah Aamiin Aaamiin \u2026\u2026\u2026\u2026.. !<\/h4>\n<h4><\/h4>\n<h4>W\/Q ; Axmed Cabdi Xasan (Axmed Karaama)<\/h4>\n<h4><strong>Iimayl:\u00a0Karaama <a href=\"mailto:477@gmail.com\" target=\"_blank\">477@gmail.com<\/a><\/strong><\/h4>\n<h4>\u00a0Hargeysa, Soomaalilaand.<\/h4>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Abwaan\u00a0Xasan Qawdhan Yuusuf\u00a0wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa hillaadii\u00a01944-kii. Wuxuu ka bilaabay waxbarashadiisii malcamaddii la odhan jirey \u2018\u2019\u00a0Saqadhi \u2018\u2019oo ku taalay hadaanta hargeysa . Dugsiga hoose dhexe isna wuxuu ka bilaabay \u2018\u2019School Riis\u00a0\u2018\u2019. Abwaanku kumuu raagin waxbarashadii dugsiga hoose dhexe ee waa isaga \u00a0tagey isagoo fasalka afraad maraaya . Wuxuu shaqadiisii koobaad ku bilaabay \u2018\u2019 Boynimo\u2018\u2019.Intaas [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":5270,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[4],"tags":[],"class_list":["post-5269","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-arrimaha-bulshada"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5269","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5269"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5269\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5271,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5269\/revisions\/5271"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5270"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5269"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5269"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5269"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}