{"id":5278,"date":"2016-12-26T05:21:00","date_gmt":"2016-12-26T05:21:00","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5278"},"modified":"2016-12-26T05:21:00","modified_gmt":"2016-12-26T05:21:00","slug":"soomaalilaan-midaysan-sidee-lagu-heli-karaa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5278","title":{"rendered":"Soomaalilaan Midaysan sidee lagu heli karaa?"},"content":{"rendered":"<p>Iyadoo ay muhiim tahay midaynta dhammaan ummada soomaaliyeed iyo in dib loo yagleelo Jamhuurayaddii Soomaaliya\u00a0 ayaa haddana si\u00a0 yoolkaas loogu guulaysto ay lama dhaafaan tahay\u00a0 in Waqooyiga soomaaliya \u201cSoomaliland\u201d\u00a0 la mideeyo lagana shaqeeyo isku soo dhawaan shahooda. Maqaalkan ayaan rabaa inaan ku sheego dhawr arrimood oo anniga iila muuqda inay dhaawac ku yihiin isku dhowaanshaha iyo midnimo xooggan oo dhexmarta dadka reer waqooyiga ah.<\/p>\n<p><strong>Qodobka \u00a0koowaad<\/strong> : dagaaladii ka dhacay guud ahaan dalka soomaaliya oo ay qayb ka ahaayeen kuwii ka dhacay waqooyiga dalku waxay si qabyaaladaysan u kala qaybiyeen ummada soomaaliyeed. Haddaan meel dhaw kaa hoga-tusaaleeyo dagaaladdii dhexmarayey jabhaddii SNM iyo Dowladii Mohamed Siyaad Barre Rabbi ha u naxariistii beelaha degan waqooyigu waa ku kala qaybsanayeen. Kala qaybsanaantoodu kuma salaysnayn feker iyo mabda\u2019a\u00a0 laakiin waxay ku qotomeen qabyaalad.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Sidaa darteed ka sokow inay dagaalameen jabhaddii SNM iyo Dawladii milateriga ahayd waxaa kale oo dagaalamay qabiiladii deegaanka wada deganaa oo kala taageersanaa labada dhinac. Ha ma ogaan in labada qolaba isku arkayeen mujaahidiin xaq u leh inay is difaacaan oo ay wax iska dhiciyaan. Sidaa awgeed ayeey lama huraan tahay in maskaxda lagu hayo\u00a0 in colaad sokeeye\u00a0 la soo maray aynna waajib tahay in laga fekero habka ugu habboon ee looga gudbi karo qabyaaladana loo tirtiri karo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Qodobka labaad: <\/strong>Adeegsiga weedha\u201c Mujaahid \u201d waxay caqabad ku yihiin midnimo waarta oo la dhex dhigo dadka reer Soomaalilaan. Si loogu gudbo dowladnimo loo dhanyahay oo macne u samaysa dadka reer waqooyiga ayeey daruuri tahay in laga hortago lana joogiyo wax kasta oo arrintaas caqabad ku noqon kara. Haddii hoggaamiyayaashii SNM iyo maleeshiyoodkoodii isku arkaan\u00a0\u00a0\u00a0 \u201cMujaahidiin\u201d beelaha deggan waqooyiga ee la safnaa Dowladii kacaanku ma waxay noqonayaan \u201c Gaaladdii lagu jihaadayey\u201d. \u00a0dagaalkiise lala galay Dowladii Soomaaliya horta jihaad ma lagu tilmaami karaa ? suuragalse ma tahay in labadii dhinac ee iska soo horjeeday ay dowlad wada dhisteen ama ay wax wada yeeshaan \u00a0iyadoo mid mujaahid sheeganayo kii \u00a0kalena yahay gaalkii lagu jihaaday ?\u00a0 akhristoow adigaan jawaabta kuu dhaafay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Qodobka \u00a0seddexaad: <\/strong>xuska maalinta 18 May\u00a0 ayaa iyana ah wax yaalaha hortaagan dadka reer waqooyiga ah inay maamul wada dhistaan. Sababta oo ah maaha maalin ay ku midaysan yihiin dadka reer Soomaalilaan. Gobolada waqooyi waxay xornimadooda ka qaadeen Ingiriiska 26-june-1960kii\u00a0 mana jirto maalin kaga habboon xuska maalinta qaranka. Sidaa awgeed ayeey lagama maarmaan tahay in xuska madaxbannaanida loo raro 26 june lagana guuro 18may.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Qodobka Afraad : <\/strong>waxaan ku talin lahaa in la joojiyo \u00a0waxa loogu yeedho \u201c Maalinta \u201cshuhudada SNM\u201d ee Hargeysa laga xuso sannad walba 17-octoobar. Maxaa yeelay waa in aan xusuusnaa in Jabhada SNM aanay ahayn jabhad wada metalysey dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada waqooyi ee dalka. Sidoo kale waa in maskaxda ku haynaa in haddii SNM dad ay ula muuqatay xaq u dirir inay jiraan dadyow kale oo u arka qaran dumis. Si hadaba loo daweeyo faraqaas\u00a0 waxay iila muuqataa in xusaska dharaaraha noocan ah meesha laga saaro.<\/p>\n<p>Sidaas oo kale ayaan qabaa in iyadna meesha laga saaro\u00a0 taallada diyaarada la dulsaaray ee bartamaha Hargeysa laga taagay. Waxaan rumaysnahay taalladaasi ay sii\u00a0 kordhinaysa cuqdada iyo cadaawada ay isku qabaan dadka reer waqooyiga iyo guud ahaan dadka soomaaliyeed. Waxaan is leeyahay waxay\u00a0 xanuun aan laga bogsoon ku beeray caruurta dhallan doonta iyo dhallinyarada koraysa. Arrintaasina ma keenayso horrumar ee waxay horseedaysaa nacayb iyo colaad weligeed taagnaato oo aan laga geeyoon. Sidaa awgeed ayaan ku tallin lahaa in la dumiyo oo meesha laga saaro.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Fiir gaar ah: Tani waa aragtidayga gaar ah iyo sida xalka iila muuqda, waxaan soo dhawaynayaa wixii aragti iyo feker laga dhiibto.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>W.Q:<\/strong>\u00a0<strong>Siciid Cabdi Xasan <\/strong><\/p>\n<p><strong>Ceerigaabo, Sanaag, Soomalilaan.<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Iyadoo ay muhiim tahay midaynta dhammaan ummada soomaaliyeed iyo in dib loo yagleelo Jamhuurayaddii Soomaaliya\u00a0 ayaa haddana si\u00a0 yoolkaas loogu guulaysto ay lama dhaafaan tahay\u00a0 in Waqooyiga soomaaliya \u201cSoomaliland\u201d\u00a0 la mideeyo lagana shaqeeyo isku soo dhawaan shahooda. Maqaalkan ayaan rabaa inaan ku sheego dhawr arrimood oo anniga iila muuqda inay dhaawac ku yihiin isku dhowaanshaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":5279,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-5278","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5278","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5278"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5278\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5280,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5278\/revisions\/5280"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5279"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5278"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5278"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5278"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}