{"id":530,"date":"2016-08-27T17:58:21","date_gmt":"2016-08-27T17:58:21","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=530"},"modified":"2016-08-27T17:58:21","modified_gmt":"2016-08-27T17:58:21","slug":"guddoomiyihii-hore-ee-xisbiga-waddani-ee-gobolka-sool-oo-sifo-sharci-darro-ah-loogu-xidhay-deg-kala-baydh-yaase-uu-ku-eedeeyey-xadhigiisa-inay-ka-dambayso-waxaan-odhan-karaa-way-ka-xoroobeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=530","title":{"rendered":"Guddoomiyihii Hore Ee Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Sool Oo Sifo Sharci Darro Ah Loogu Xidhay Deg Kala-baydh, Yaase Uu Ku Eedeeyey Xadhigiisa Inay Ka Dambayso \u201cWaxaan Odhan karaa Way Ka Xoroobeen Reer Sool Masuuliyiintii Ku Iman Jiray Habka Is-xam-baarkaa\u201d."},"content":{"rendered":"<h1>Guddoomiyihii Hore Ee Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Sool Oo Sifo Sharci<br \/>\nDarro Ah Loogu Xidhay Deg Kala-baydh, Yaase Uu Ku Eedeeyey Xadhigiisa<br \/>\nInay Ka Dambayso \u201cWaxaan Odhan karaa Way Ka Xoroobeen Reer Sool<br \/>\nMasuuliyiintii Ku Iman Jiray Habka Is-xam-baarkaa\u201d.<\/h1>\n<p>Kala-baydh (GLN)- Guddoomiyihii Hore Ee Xisbiga Mucaaradka WADDANI Ee<br \/>\nGobolka Sool Md Cabdilaahi Digaale Cali, ayaa abaaro 8:00 subaxnimo ee<br \/>\nshalay lagu xidhay degmadda Kala-baydh ee gobolka Sool.<\/p>\n<p>Guddoomiye Digaale oo ka mid ahaa masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee<br \/>\nkormeerka ku maraya goobaha diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee<br \/>\ngobolka Sool, ayaa sugnaa degmada Kala-baydh oo ay kormeer ku marayeen<br \/>\ngoobaha ku yaala oo uu sheegay Digaale inay si habsami leh uga socoto<br \/>\ndiiwaan-gelintu 36 goobood oo hoos yimaada deegaanadda ay ka kooban<br \/>\ntahay degmadda Kala-baydh oo ka tirsan gobolka Sool.<br \/>\nGuddoomiye Digaale oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Qumannews,<br \/>\nayaa sheegay inuu xidhay Taliye Maxamuud Baar\u2019uud Gacmo-dheere oo ka<br \/>\nmida taliyeyaasha Guutooyinka ciidanka qaranka ee fadhiisinkoodu yahay<br \/>\ngobolka Sool. Isagoo sharaxaya markii la xidhayey Cabdilaahi Digaale<br \/>\nwuxu yidhi \u201cWaxa la I xidhay Annagoo joogna degmadda Kala-baydh,<br \/>\nanigoo wakhtigaa ka mid ahaa masuuliyiin Xisbiga WADDANI ka tirsan oo<br \/>\nhawlo kormeer ah ka wadday goobaha diiwaan-galinta cod-bixiyeyaashu ka<br \/>\nsocoto ee guddaha Kala-baydh. Waxa xadhigan oo ahaa mid caddaaladda ka<br \/>\nfog, isla markaana aanan garanayn ilaa hadda sababta la igu xidhay<br \/>\nfuliyey nin la yidhaahdo Maxamuud Baar\u2019uud Gacmo-dheere oo taliye<br \/>\nGuuto ka ah Guuto ka mida ciidanka qaranka ee ka hawlgala gobolka<br \/>\nSool\u201d. Mr Digaale isagoo sharaxaya qaabkii uu u dhacay hawl-galkii iyo<br \/>\nfalkii lagu la kacay ee xadhigiisa waxa uu yidhi \u201cWaxaan mar qudha iga<br \/>\nwareegay ciidan badan oo uu hogaaminayo Gacmo-dheere shalay abaaro 8:<br \/>\n00 subaxnimo, kadibna waa I qabtay waxaanay igu qaadeen gaadhi, iyagoo<br \/>\nI geeyey meel ka baxsan magaalada xoogna uga durugsan, isagoo igu<br \/>\nxidhay qol aan lahayn meel yar oo kaliya oo laydhi kasoo gasho,<br \/>\nxoog-na u kulul xitaa cidi iigu-may iman karayn. Naftaydu ayaa khater<br \/>\nku gashay run ahaantii\u201d<br \/>\n\u201cRun ahaantii ilaa hadda ma garanayo waxa la igu xidhay iyo waxaan<br \/>\nsameeyey ee sababay xadhigan la igula kacay, waxaanse leeyahay wuxuu<br \/>\nahaa fal xun oo aan aad uga xumahay, wuxu ahaa ficil aan aad u<br \/>\ncambaaraynayo oo fulaynimo ah\u201d. Ayuu yidhi Md Cabdilaahi Digaale Cali.<br \/>\nMr Digaale waxa uu ku eedeeyey falkan lagu la kacay inuu ka dambeeyo<br \/>\noo uu ku soo diray ciidankan iyo taliyahoodan xidhay Xildhibaan<br \/>\nDhakool oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ee laga<br \/>\nsoo doorto Gobolka Sool oo sheegay inuu deegaanadda gobolka ee<br \/>\ndiiwaan-gelintu ka socoto ku wareegayey ilaa markii ay bilaamatay<br \/>\ndiiwaan-gelintu, isagoo bulshada marin habaabinaya una sheegay in<br \/>\naanay is-diiwaan-galin oo ay uga fiican tahay inay masuuliyiintoodu ku<br \/>\nyimaadaan habkii Is-xambaarka, waxaanu uu yidhi \u201cWaxa xadhigan ka<br \/>\ndambeeyey Xildhibaan Dhakool oo ka xun inay dadka reer Sool<br \/>\nis-diiwaan-galiyaan si xaqooda u helaan, wuxuu maalmahan-ba ku<br \/>\nwareegayey deegaanada diiwaan-gelinta ee Sool isagoo bulshadda ka<br \/>\ndhaadhicinaya in aanay is-diiwaan-gelin, laakiin waa ficil aan ka<br \/>\nsoconayn bulshaduna way diiday, annagu-na (WADDANI) waanu<br \/>\ncambaaraynaynaa ficilkan gaaban ee Dhakool, intaas ayaa sababtay<br \/>\nxadhigan\u201d. Wuxuu intaas sii raaciyey oo uu yidhi \u201cWaxa la I soo daayey<br \/>\nabaaro 5:00 galabnimo, waxaana isoo daayey Abaan-duulaha Guutadii<br \/>\nciidankii uu watay Gacmo Dheere, isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay<br \/>\nxadhigayga. Sidoo kale Maayarka, ku xigeenka iyo xoghayaha degmada<br \/>\nKala-baydh oo aan iyagu ogayn xadhigaygan, ayaa sidoo kale ii sheegay<br \/>\ninay aad uga xun yihiin dulmiga laga galay\u201d.<br \/>\n\u201cWaxaan ugu baaqayaa Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland inay baadho<br \/>\nxadhigan ficilkan sharci daradda ah ee la igula kacay, dhammaan cid<br \/>\nkasta oo ku lug lahna la horkeeno caddaaladda oo laga qaado talaabo<br \/>\nsharciya waan mid aan uga fadhiyo aniga iyo xisbigaygu-ba\u201d ayuu yidhi<br \/>\nMr Digaale.<br \/>\nGuddoomiyihii Hore Ee Xisbiga Mucaaradka WADDANI Ee Gobolka Sool Md<br \/>\nCabdilaahi Digaale Cali, wuxuu kale oo uu tilmaamay inay si fiican uga<br \/>\nsocoto guud ahaan-ba Gobolka Sool diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha<br \/>\nDoorashooyinka Somaliland dadku-na si nabad-gelyo ah oo waddaniyadi ku<br \/>\ndheehan tahay isku Diiwaan-galinayaan, isagoo carabka ku dhuftay inay<br \/>\naad u fahmeen dadweynaha ku dhaqan gobolka Sool inay xuquuqdoodii<br \/>\nmudada badnayd kaga maqnayd Somaliland ay ku helayaan ka qaybgalida<br \/>\nnidaamka la xidhiidha Doorashooyinka xorta ah ee ay si xor ah codkooda<br \/>\nugu keenayaan cidii ay ku aaminayaan masiirkooda mustaqbal, waxaanu<br \/>\nyidhi \u201cGuud ahaan dadweynaha reer Sool aad ayey isku<br \/>\ndiiwaan-galinayaan, way fahmeen inay xaqoodii ka maqnaa ay ku helayaan<br \/>\ndiiwaan-gelintan, ilaa hadda si nabad-gelyo ah ayey diiwaan-gelintu<br \/>\nuga socotaa gobolka oo dhan, iyagoo waddaniyadna muujiyey, waxaan<br \/>\nodhan karaa way ka xoroobeen reer Sool masuuliyiintii ku iman jiray<br \/>\nhabka Is-xam-baarkaa\u201d<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyihii Hore Ee Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Sool Oo Sifo Sharci Darro Ah Loogu Xidhay Deg Kala-baydh, Yaase Uu Ku Eedeeyey Xadhigiisa Inay Ka Dambayso \u201cWaxaan Odhan karaa Way Ka Xoroobeen Reer Sool Masuuliyiintii Ku Iman Jiray Habka Is-xam-baarkaa\u201d. Kala-baydh (GLN)- Guddoomiyihii Hore Ee Xisbiga Mucaaradka WADDANI Ee Gobolka Sool Md Cabdilaahi Digaale Cali, ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":531,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-530","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/530","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=530"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/530\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":532,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/530\/revisions\/532"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/531"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=530"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=530"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=530"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}