{"id":5568,"date":"2017-01-02T11:19:02","date_gmt":"2017-01-02T11:19:02","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5568"},"modified":"2017-01-02T11:19:02","modified_gmt":"2017-01-02T11:19:02","slug":"haweenay-magac-ku-leh-xisbiga-jamhuuriga-maraykanka-oo-ka-baqaysa-siyaasadda-trump","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5568","title":{"rendered":"Haweenay magac ku leh xisbiga Jamhuuriga Maraykanka oo ka &#8220;baqaysa&#8221; siyaasadda Trump"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Haweenay ka mid ah dadka magaca ku leh xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay u baqayso mustaqbalka todobo ilmood oo ay ayay u tahay sababtuna ay tahay in Donald Trump uu la wareegayo maaamulka Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.<\/p>\n<p>Christine Todd Whitman oo wakhtigii madaxwayne George W Bush ahayd Madaxii Waaxda Ilaalinta Deegaanka ee dalka Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo EPA ayaa Trump ku eedaysay in uu iska idho tirayo digniinta cadaymaha saynisku la socdaan.<\/p>\n<p>Waxay ka digtay in hanjabaadiisa ku aadan in uu meesha ka saarayo siyaasadaha ilaalinta cimilada in ay halis galinayso mustaqbalka Adduunka.<\/p>\n<p>Taageerayaasha Trump waxay sheegayaan in xeerarka cimilada iyo tamarta lagu hor istaagayo ganacsiyada.<\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-37924958\">Muxuu Trump qaban doonaa marka ugu horaysa? <\/a><\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-38314970\">Shiinaha oo Trump uga digay aqoonsiga Taiwan <\/a><\/p>\n<p>Laakiin Todd Whitman ayaa sheegtay in Maraykanka looga baahan yahay in uu la yimaaddo hannaan uu ku hormarinayo ganacsiyada iyadoo aan dunida dhibaato loo gaysanaynin.<\/p>\n<p>Wali ma cadda siyaasadda cimilada ee Trump laakiin kooxdiisu waxay ka hadleen in ay ballaarin doonaan shidaal qodidda ayna furi doonaan dhuumo dhidaalka qaada oo horleh.<\/p>\n<p>Dhanka siyaasaddana waxay tilmaameen in ay ka bixi doonaan heshiis caalamiga ah ee cimilada Adduunka ee uu saxiixay Barack Obama oo uu xilkiisu ku egyahay bishan.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Haweenay ka mid ah dadka magaca ku leh xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay u baqayso mustaqbalka todobo ilmood oo ay ayay u tahay sababtuna ay tahay in Donald Trump uu la wareegayo maaamulka Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka. Christine Todd Whitman oo wakhtigii madaxwayne George W Bush ahayd Madaxii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":5569,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-5568","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5568","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5568"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5568\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5570,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5568\/revisions\/5570"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5569"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5568"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5568"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5568"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}