{"id":559,"date":"2016-08-28T06:45:24","date_gmt":"2016-08-28T06:45:24","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=559"},"modified":"2016-08-28T06:47:33","modified_gmt":"2016-08-28T06:47:33","slug":"reer-oodwayne-oo-col-muuse-biixi-u-dhigay-diplomasaydi-ugaas-nuur-ugaas-rooble","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=559","title":{"rendered":"REER OODWAYNE OO COL.MUUSE BIIXI U DHIGAY DIPLOMASAYDI \u201cUGAAS NUUR UGAAS ROOBLE\u201d"},"content":{"rendered":"<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/ewq.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-560\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/ewq.jpg\" alt=\"ewq\" width=\"207\" height=\"156\" \/><\/a>Ugaas Nuur\u00a0 Ugaas Rooble<\/strong> oo ka talin jiray Gobolka Awdal,\u00a0 ayaa qarnagii 19<sup>th<\/sup> tiriyay tixdan ku fadhida diplomaasiyada \u00a0\u00a0oo Reer Oodwayne ku dabaqeen Col. Muuse Biixi :<\/p>\n<p>\u2018<em>Allahayow nin ii daran ,maxaan daafta hore seexshay,<\/em><\/p>\n<p><em>Naftu \u00a0nimaanu doonayn, maxaan hadalka deeqsiiyey,<\/em><\/p>\n<p><em>Ma degdego e \u00a0xaajada,\u00a0 maxaan rag u dulqaad yeeshay,<\/em><\/p>\n<p><em>Qosol debadda yaal oon ka iman, dhuunta dacalkeeda,<\/em><\/p>\n<p><em>Waxaan dood kaftan ah sheekada, ugu daleeyaaba<\/em><\/p>\n<p><em>Dabinkaan u dhigay maalintuu, degelka soo saaro,<\/em><\/p>\n<p><em>Intiiyoon dawaarka u rogaan, xeeladda u daadsho <\/em><\/p>\n<p><em>\u00a0 \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Isagoon dareen qabin, maxaaan kaga dayaansiiyey\u2019<\/em><\/p>\n<p><strong>Col Muuse Biixi<\/strong> oo\u00a0 socod siyaasadeed \u00a0ku maraayay qaar \u00a0ka mid ah Goboladda <em>Bariga \u00a0Somaliland<\/em> , \u00a0ayaa ka maagay \u00a0\u00a0inuu booqasho \u00a0ku tago \u00a0<em>Gobolka Daadmadheedh<\/em> , asaga oo hore uga baqay inuu booqasho ku tago \u00a0<em>Gobolka Sanaag<\/em>. Waxa arrinkaas\u00a0 ka biyo diiday <em>Col Mohamed Kaahin<\/em> oo ku tilmaamay inay dhabar jebin ku tahay <em>Xisbigga Kulmiye<\/em> , isla markaana aanay haboonayn inuu Musharaxa Madaxaweynaha\u00a0 uu ka baqo\u00a0 gobolo ka mid ah <em>Somaliland<\/em>.\u00a0\u00a0 \u00a0\u00a0Markii lala tashaday Odayaal kasoo jeeda <em>Beesha Galbeedka\u00a0 Burco<\/em>, waxa laysla gartay\u00a0 in booqashada <em>Oodwayne<\/em> lala kaashado <em>Marwo Shukri Xaaji Bandare<\/em>, oo qadarin iyo xushmad wayn ku leh bulshada ku dhaqan <em>Gobolka Daadmadheed<\/em>. Sida la \u00a0sheegay, <em>Marwo Shukri Xaaji<\/em> <em>Banadre<\/em> waxay Oodwayne \u00a0ka fulisay dhawr mashruuc markii ay madaxa ka ahayd hay\u2019ada \u201c <strong><em>Candle Light\u201d,<\/em><\/strong> siiba mashruucyo \u00a0khuseeya <em>Haweenka iyo dhalaanka<\/em> . Marwo Shukri \u00a0arrinkaas way gashay, waxaany \u00a0magaalada Oodwayne u hoyatay laba habeen \u201c <em>2 nights<\/em> \u201c oo shirar \u00a0kula gashay bulshada siiba <strong>Haweenka<\/strong> . Waxa kale oo ay toos ula shirtay Gudoomiyhaha Garabka haweenka ee Xisbigga <strong>WADDANI<\/strong> , <em>Marwo Caasha Dheer<\/em>. Nuxurka dooda \u00a0ay soo bandhigtay Marwo Shugri Xaaji Bandare , waxay ahayd :<\/p>\n<p>1).In <em>Col Muuse Biixi<\/em> iyo Wasiiro u hogaaminya ay booqasho ku iman doonaan Gobolka Daadmadheedh. Sidaa awgeed inay\u00a0 Reer Odwayne muujiyaan <em>Ilbaxnimo<\/em> &amp; <em>dimuqraadiyad <\/em>\u00a0oo ay soo dhaween \u00a0<em>Col.Muuse<\/em> \u00a0Biixi , sidii ay horeba ugu soo dhaweeyeen\u00a0 <em>Gudd Cirro,<\/em> G<em>udd Faysal<\/em>, iyo <em>Madaxwayne Siilaanyo.<\/em><\/p>\n<p>2).Inay iska ilaaliyaan dhaqan-xumida siyaasadeed ee kab ku-salaanka iyo calan\u00a0 Ey ku xidhista.<\/p>\n<ol start=\"3\">\n<li>Inaanay soo dhawaynta <em>Col Muuse<\/em> iyo Wasiirada la socda ee Beesha kasoo jeeda, aanay waxba u dhimayn taageerada xisbigga WADDANI.<\/li>\n<\/ol>\n<p>Bulshada Reer Oodwayne way aqbaleen soo-jeedinta <em>Marwo Shukri Xaaji<\/em> <em>Bandare<\/em>, waxaanay <em>Col Muuse Biixi<\/em> iyo waftigiisa kusoo dhaweeyeen Roog Cas ,\u00a0 Mashxarad iyo sacab,waxaanay\u00a0 Col.Muuse\u00a0 dareensiiyeen \u00a0diplomaasiyaddi \u00a0Ugaas Nuur ee ahayd :<strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><em>\u00a0Allahayow nin ii daran ,maxaan daafta hore seexshay;<\/em><\/p>\n<p><em>Naftu\u00a0 nimaanu doonayn, maxaan hadalka deeqsiiyey,<\/em><\/p>\n<p><em>Dabinkaan u dhigay maalintuu, degelka soo saaro,<\/em><\/p>\n<p><em>Isagoon dareen qabin, maxaaan kaga dayaansiiyey\u2019<\/em><\/p>\n<p><em>Drs Hoodo Yusuf .London, Uk.<\/em><\/p>\n<p><em><a href=\"mailto:yhoodo@yahoo.com\">yhoodo@yahoo.com<\/a><\/em><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>&nbsp; Ugaas Nuur\u00a0 Ugaas Rooble oo ka talin jiray Gobolka Awdal,\u00a0 ayaa qarnagii 19th tiriyay tixdan ku fadhida diplomaasiyada \u00a0\u00a0oo Reer Oodwayne ku dabaqeen Col. Muuse Biixi : \u2018Allahayow nin ii daran ,maxaan daafta hore seexshay, Naftu \u00a0nimaanu doonayn, maxaan hadalka deeqsiiyey, Ma degdego e \u00a0xaajada,\u00a0 maxaan rag u dulqaad yeeshay, Qosol debadda yaal oon [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":560,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-559","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/559","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=559"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/559\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":561,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/559\/revisions\/561"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/560"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=559"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=559"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=559"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}