{"id":5677,"date":"2017-01-05T10:47:27","date_gmt":"2017-01-05T10:47:27","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5677"},"modified":"2017-01-05T10:47:27","modified_gmt":"2017-01-05T10:47:27","slug":"faransiiska-oo-xiray-raisalwasaarihii-hore-ee-kosovo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5677","title":{"rendered":"Faransiiska oo xiray Rai&#8217;salwasaarihii hore ee Kosovo"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Booliiska dalka Faransiiska ayaa xiray ra&#8217;iisalwasaarihii hore ee Kosovo iyaga oo adeegsanaya waraaqdii lagu soo xiri lahaa oo ay jartay Serbia oo ku eedaysay dambiyo dagaal oo aadannaha ka dhan ah.<\/p>\n<p>Ramush Haradinaj ayaa hogaamiye u soo noqday jabhad intii u dhaxaysay 1998-1999 markaas oo uu socday dagaalkii Kosovo, kaas oo ugu dambayn horseeday in Kosovo ay ku dhawaaqdo madaxbanaanineeda.<\/p>\n<p>Qarammada Midoobay ayaa labo jeer ku soo oogtay dacwado la xiriira dambiyo dagaal balse wax dambi ah waa lagu waayay.<\/p>\n<p>Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kosovo ayaa sheegtay in xiritaanku uu yahay wax aan la aqbali karin, ayna ka shaqaynayso sidii loo sii dayn lahaa.<\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/cayaaraha-37960919\">England oo u xoog sheegatay Scotland<\/a><\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-38002719\">Putin oo saxiixay in dalkiisu ka baxo maxkamadda ICC<\/a><\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/37771832\">Dowladda Gambia oo ka baxaysa maxkamadda ICC<\/a><\/p>\n<p>Haradinaj, oo hadda ah hogaamiyaha mucaaradka Kosovo ayaa laga qabtay garoonka Basel Mulhouse Freiburg airport oo ku yaalla bariga magaalada.<\/p>\n<p>Booliiska Slovenia ayaa si kooban u xiray sanadkii 2015-kii balse markii dambe si dhakhso ah ayay u sii daayeen.<\/p>\n<p>Wuxuu ahaa taliyihii jabhadda Kosovo Liberation Army, Serbia ayaana ku eedaysay in uu dusha ka maamulayay ol&#8217;ole jirdil iyo dilba loogu gaystay dadka ka soo jeeda qawmiyadda Serb.<\/p>\n<p>Si joogto ah ayuu u beenin jiray eedaymahaas, wuxuuna xilka rai&#8217;sulwasaarenimada iska casilay boqol maalmood oo kali ah markii uu hayay si uu wajaho dacwada loo haysto.<\/p>\n<p>Kosovo ayaa ku dhawaaqday in ay madaxbanaanideeda ka qaadatay Serbia sanadkii 2008-dii laakiin Serbia wali ma aysan aqooninsanin.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Booliiska dalka Faransiiska ayaa xiray ra&#8217;iisalwasaarihii hore ee Kosovo iyaga oo adeegsanaya waraaqdii lagu soo xiri lahaa oo ay jartay Serbia oo ku eedaysay dambiyo dagaal oo aadannaha ka dhan ah. Ramush Haradinaj ayaa hogaamiye u soo noqday jabhad intii u dhaxaysay 1998-1999 markaas oo uu socday dagaalkii Kosovo, kaas oo ugu dambayn horseeday in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":5678,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-5677","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5677","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5677"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5677\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5679,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5677\/revisions\/5679"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5678"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5677"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5677"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5677"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}