{"id":5680,"date":"2017-01-05T10:53:31","date_gmt":"2017-01-05T10:53:31","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5680"},"modified":"2017-01-05T10:53:31","modified_gmt":"2017-01-05T10:53:31","slug":"afar-ruux-oo-maraykanka-loogu-xiray-weerar-si-toos-ah-loo-baahiyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5680","title":{"rendered":"Afar ruux oo Maraykanka loogu xiray weerar si toos ah loo baahiyay"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Afar ruux ayaa lagu xiray magaalada Chicago ee dalka Maraykanka iyaga oo loo haysto nin ay dhibaato u gaysteen oo si toos ah Facebook looga daawaday.<\/p>\n<p>Booliiska ayaa sheegay in ruuxa dhibaatada loo gaystay uu ahaa wiil ka mid ah dadka u baahan xannaanaynta gaar ah ama caafimaadkiisu uusan taam ahayn.<\/p>\n<p>Dadka dhibka u gaysanaya ayaa la maqli karaa iyaga oo kula hadlaya hadallo ka dhan ah dadka caddaanka ah iyo madaxwaynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump.<\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-38220369\">Gaana 10 sano waxaa ka furnaa safaarad Maraykan oo been abuur ah<\/a><\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-37933203\">Bannaanbaxyo lagu diiddan yahay Trump<\/a><\/p>\n<p>Qayb ka mid ah muuqaalka ayaa laga arki karaa dhibanaha oo dharka lagaga jeexjeexayo mindi.<\/p>\n<p>Masuul ka tirsan booliiska Chicago oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in ay macquul tahay in weerarkani uu nacayb ku salaysan yahay uu yahay wax laga &#8220;xumaado&#8221; oo uusan garan karin waxa qof ku qaadi kara in uu ficilkaas oo kale sameeyo.<\/p>\n<p>Booliiska ayaa ammaanay sidii dhakhsaha ahayn ee ninkaas ay u badbaadiyeen askartii shaqada ku jirtay.<\/p>\n<p>Waxay sheegeen in dhibanaha oo 18 jir ah isbitaal la geeyay lagana saaray hadda.<\/p>\n<p>Booliisku wuxuu intaas ku daray in laga yaabo in ay 48 saac afduub u haysteen ninka la dhibaateeyay oo aysan magaciisa sheegin, ka hor inta aan muuqaalka laga helin.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Afar ruux ayaa lagu xiray magaalada Chicago ee dalka Maraykanka iyaga oo loo haysto nin ay dhibaato u gaysteen oo si toos ah Facebook looga daawaday. Booliiska ayaa sheegay in ruuxa dhibaatada loo gaystay uu ahaa wiil ka mid ah dadka u baahan xannaanaynta gaar ah ama caafimaadkiisu uusan taam ahayn. Dadka dhibka u gaysanaya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":5681,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-5680","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5680","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5680"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5680\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5682,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5680\/revisions\/5682"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5681"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5680"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5680"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5680"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}