{"id":590,"date":"2016-08-29T06:56:13","date_gmt":"2016-08-29T06:56:13","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=590"},"modified":"2016-08-29T06:57:46","modified_gmt":"2016-08-29T06:57:46","slug":"shaqaalaha-ka-howl-gala-garoonka-diyaaradaha-magalada-muqdisho-oo-saaka-sameeyey-banaan-bax-iyo-shaqo-joojin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=590","title":{"rendered":"Shaqaalaha ka howl gala Garoonka diyaaradaha Magalada Muqdisho oo saaka Sameeyey Banaan Bax iyo shaqo joojin."},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(GLN)wararka Saaka ka imanayaa casimada somaliya ee muqdisho ayaa sheegaya in<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah Shaqaalaha ka howl gala Garoonka diyaaradaha\u00a0 magaalada Muqdisho ayaa saaka shaqo joojin iyo banaan bax \u00a0ah ka sameeyay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha, iyagoo ka cabanaya shirkada Turkiga ah\u00a0 ee gacanta ku heysa howlaha garoonka diyaaradaha magalada muqdisho.<span id=\"more-53441\"><\/span><\/p>\n<p>Shaqaalahan ayaa ka cabanaya in muddo aanay qaadan wax mushaar ah, iyadoo mudnaanta koowaad la siiyo dadka ajnabiga ee ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah shaqaalaha dibad baxa sameeyay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in lagu xadgudbo xuquuqdooda, isla markaana saacado badan shaqeeyaan sida ay Hadalka u dhigeen.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa ka cabaneynaa in mushaar aanan qaadan waqti dheer, mar walba mudnaanta waxaa la siiyaa dadka Ajnabiga ah, xuquuqda uu shaqaale leeyahay ma helno, waxaa shaqeynaa saacado dheer, fasax ma jiro, waxaa inoo sii dheer in qofkii soo daaha inuu ganaax la kulmayo, dhibaatooyinkan muddo ayay soo jiitamayeen\u201dayuu yidhi mid ka mid ah shaqaalihii saaka ku hor banaan baxay garoonka diyaaradaha magalada\u00a0 Muqdisho.<\/p>\n<p>Sidoo kale shaqaalaha ayaa ka cawday inuu qofka heysta shahaado jaamacadeed iyo mid Dugsi sare ay yihiin kuwo isla siman oo mushaarka ay qaataan ay isku mid yihiin, waxaana ay tilmaameen in arrintan ay aheyd mid soo jiitameysay mudo dheer.<\/p>\n<p>\u201cQofka heysta shahaado Jaamacadeed waxaa la siiyaa 3 boqol oo doolar, markii hore xuquuqda qofka sharciga u yaal ee shahaado jaamacadeed ka baxay waxaa mushaarkiisa ahaa 7 boqol, qofka dugsiga sare ka baxay waa 4 boqol, qof walba wixii la doona la siinayaa, xuquuqdeena cid ka hadleysa ma jirto\u201dayuu yidhi mid ka mid ah dadkii dibad baxayay\u00a0 dhigay Saaka.<\/p>\n<p>Shirkada Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ka shaqeeya Shaqaale isugu jira Soomaali iyo Ajnabi.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/banaan-bax.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-53442\" src=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/banaan-bax.jpg\" alt=\"banaan bax\" width=\"648\" height=\"365\" \/><\/a> <a href=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/banaan-bax2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-53443\" src=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/banaan-bax2.jpg\" alt=\"banaan bax2\" width=\"648\" height=\"365\" \/><\/a> <a href=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/banaan-bax3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-53444\" src=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/banaan-bax3.jpg\" alt=\"banaan bax3\" width=\"648\" height=\"365\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(GLN)wararka Saaka ka imanayaa casimada somaliya ee muqdisho ayaa sheegaya in Qaar ka mid ah Shaqaalaha ka howl gala Garoonka diyaaradaha\u00a0 magaalada Muqdisho ayaa saaka shaqo joojin iyo banaan bax \u00a0ah ka sameeyay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha, iyagoo ka cabanaya shirkada Turkiga ah\u00a0 ee gacanta ku heysa howlaha garoonka diyaaradaha magalada muqdisho. Shaqaalahan ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":591,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-590","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/590","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=590"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/590\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":592,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/590\/revisions\/592"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/591"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=590"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=590"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=590"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}