{"id":5920,"date":"2017-01-10T19:49:04","date_gmt":"2017-01-10T19:49:04","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5920"},"modified":"2017-01-10T19:49:04","modified_gmt":"2017-01-10T19:49:04","slug":"maxkamadda-sare-ee-gambia-oo-la-filayo-inay-dhageysato-muranka-doorashadii-bil-ka-hor-ka-dhacday-dalka-gaambiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5920","title":{"rendered":"Maxkamadda sare ee Gambia oo la filayo inay dhageysato muranka Doorashadii Bil ka hor ka dhacday Dalka Gaambiya."},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p class=\"story-body__introduction\">Maxkamadda sare ee dalka Gambia ayaa la filayaa inay dhageysato dacwadda madaxweyne Yaxya Jammeh uu\u00a0 gudbiyay\u00a0, Dacwadaas oo ka dhanka ah natiijada doorashadii bishii hore.<\/p>\n<div id=\"bbccom_mpu_3\" class=\"bbccom_slot mpu-ad\"><\/div>\n<p>Doorashadaasi waxaa ku guuleystay hogaamiyaha mucaaradka Adama Barrow. Balse, Mr Jammeh wuxuu doonayaa in garsoorayaasha ay xukumaan in Adama Barrow uusan ku guuleysan doorashada Isla markaasna \u00a0ay jireen wax isdabamarin.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah garsoorayaasha ajaaniibta ah ayaanan weli u safrin magaalada Banjul ee Gambia.<\/p>\n<div id=\"bbccom_mpu_1_2\" class=\"bbccom_slot mpu-ad\"><\/div>\n<p>Waxaa ka mid ah garsooraha u dhashay Sierra Leone, Nicolas Browne-Marke. Balse kuwa dalka u dhashay ayaa la filayaa inay kiiska dhageystaan.<\/p>\n<\/div>\n<p>Sidoo kale, waxaa lagu warramayaa in wasiirka warfaafinta Gambia uu dalka ka safray.\u00a0Iyada Oo\u00a0la shaaciyay inuu xilka iska casilay.<\/p>\n<p>Maalin weyn oo hubanti la\u2019aan ay jirto ayaa ku soo food leh dalka Gambia. Waxaa laga cabsi qabaa in ay \u00a0rabshado ka dhacaan dalkaas.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Yaxya Jammeh ayaa markii hore ogolaaday in doorashada looga guuleystay. Balse dib ayuu ka diiday, wuxuuna ku doodayaa in isdabamarin la sameeyay.<\/p>\n<p>Urur goboleedka ECOWAS ayaa isku deyaya in xal siyaasadeed laga gaaro muranka, si looga fogaado in uu dalka qalalaase ku yimaado.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Nigeria, Maxamadu Buhari, oo loo magacaabay dhexdhexaadiyaha ayaa la filayaa in arbacada uu gaaro Banjul.<\/p>\n<p>Safarkaasi waxaa ku wehlin doona madaxweynayaal ay ka mid yihiin Ellen Johnson Sirleaf oo Liberia ka socota, iyo madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama.<\/p>\n<p>Waxay noqon kartaa tallaabadii ugu dambeysay ee lagu qancinayo Jammeh in uu awoodda si nabad ah u wareejiyo, lana dhaariyo Adam Barrow.<\/p>\n<p>Dhaarinta ayaa la filayaa inay dhacdo 19-ka bishan Janaayo, waa haddii madaxweynaha hadda talada haya uu ogolaado.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxkamadda sare ee dalka Gambia ayaa la filayaa inay dhageysato dacwadda madaxweyne Yaxya Jammeh uu\u00a0 gudbiyay\u00a0, Dacwadaas oo ka dhanka ah natiijada doorashadii bishii hore. Doorashadaasi waxaa ku guuleystay hogaamiyaha mucaaradka Adama Barrow. Balse, Mr Jammeh wuxuu doonayaa in garsoorayaasha ay xukumaan in Adama Barrow uusan ku guuleysan doorashada Isla markaasna \u00a0ay jireen wax isdabamarin. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":5921,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-5920","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5920","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5920"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5920\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5922,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5920\/revisions\/5922"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5921"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5920"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5920"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5920"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}