{"id":599,"date":"2016-08-29T10:45:37","date_gmt":"2016-08-29T10:45:37","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=599"},"modified":"2016-08-29T10:45:37","modified_gmt":"2016-08-29T10:45:37","slug":"daawoshirka-guddiga-fulinta-ee-xisbiga-kulmiye-iyo-qodobada-lagaga-wadahadlay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=599","title":{"rendered":"Daawo;Shirka Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE iyo qodobada lagaga wadahadlay."},"content":{"rendered":"<p>Nuxurka Qodobo Muhiim ah oo lagu Faaqiday Shirka Guddida Fulinta Ee Xisbiga KULMIYE oo Qabsoomay<\/p>\n<p>Hargeysa (GLN )- Guddida Fulinta ee Xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa yeeshay shirkiisa caadiga ahaa oo labadii\u00a0 toddobaadba hal mar qabsooma, waxaana lagu gorfeeyey qodobo dhawr ah oo xaaladda dalka iyo arrimaha xisbiga ku saabsan.<br \/>\nShirkan oo ka qabsoomay xarunta guud ee xisbiga maanta, isla markaana uu shirguddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, iyadoo ay ka qaybgaleen aqlabiyadda xubnaha Guddida Fulinta, ayaa saacado badan qaatay, waxaana lagu gorfeeyey arrimo door ah ay ugu muhiimsanaayeen dardargelinta hawlaha xisbiga, warbixinno la xidhiidha safarradii uu dhawaanahan xisbigu gobollada Bariga ugu maqnaa ee diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo waliba arrimo kale.<br \/>\nMarkii uu kulankaasi dhammaaday waxa warbaahinta faahfaahin ka siiyey waxyaabihii ay Guddida Fulintu ka wadahadleen Afhayeenka xisbiga KULMKIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), waxaannu ugu horrayn sharraxay waxyaabaha kulankaas lagu gorfeeyey, \u201cShirka Guddida Fulinta ee saaka waxa lagu soo qaaday qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen weftigii uu Guddoomiyuhu hoggaaminayey ee dhawaan u ambabaxay gobollada Bariga, gaar ahaan gobolka Sool, iyagoo ka qaybgalayey dhiirrigelinta diiwaangelinta gobolka Sool ka bilaabantay, halkaas oo guddoomiyaha iyo weftigii uu hoggaaminayey ay xubnaha kale ee Guddida Fulinta uga xog-warrameen,\u201d ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi.<br \/>\nAfhayeen Xasan Gaafaadhi oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in sidoo kale kulankaas lagaga wadahadlay dhammaystirka qabyooyin kooban oo ku jira hay\u2019adaha kala duwan ee xisbiga iyo waliba taageero loo muujiyey go\u2019aamadii xukuumadda iyo Komishanka Qaranku ku gaadheen in diiwaangelin laga sameeyo lixda deegaan ee ku yaal xeebta galbeed ee muranka ka taagnaa dhaliyey in aan doorashooyinkii hore laga qaban, waxaanu yidhi, \u201cArrimaha kale ee Guddida Fulintu shirkooda kaga hadleen, ayaa ahayd dhismaha xisbiga ee gobollada iyo degmooyinka oo la isla qaatay in si buuxda gobol iyo degmo kasta maalmaha soo socda loo dhammaystiro dhismahooda. Intaas waxa wehelinayey lix goobood oo Waqooyiga Hargeysa ah in dadkeeda la diiwaangeliyo oo aannu codka dadka deegaannadaasi lumin, deegamadaasi meesha ay raacayaanna waa waqtigeeda oo hadda meesha ay raacayaan laga hadlimaayo, laakiin xisbigu waxa uu taageersan yahay go\u2019aankii xukuumaddu soo saartay ee sheegayey in dadka la diiwaangeliyo.\u201d<br \/>\nWxa kaloo uu xusay in shirka lagu bogaadiyey kaalinta ay shacabka Gobollada Sool, Buuhoodle iyo waliba Xaysimo ka qaateen diiwaangelinta haatan deegaanadaas ka socota, \u201cAad iyo aad ayaanu u hambalyeynaynaa dadweynaha, waayeelka iyo siyaasiyiinta gobolka Sool sida mugga leh ee ay diiwaangelinta ugu qaybqaateen, waana tallaabo qurux badan oo loo qaaday dhinaca horumarka, waxaanay taasi keentay in maanta 120 goobood oo gobolka Sool ay si buuxda diiwaangelintu uga socoto oo ay garab socoto 22 gooobood oo Gobolka Buuhoodle ka tirsanna ay si buuxda uga socoto, xisbiguna arrintaas wuu bogaadinayaa,\u201d ayuu yidhi Afhayeen Xasan Gaafaadhi.<br \/>\nShirka Guddida fulinta ee xisbul-xaakika KULMIYE, ayaa si joogto ah uga qabsoomayey xarunta xisbiga muddooyinkan dambe, inkastoo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi iyo hoggaanka sareba ku mashquulsan yihiin hawlo badan oo ay ugu wayntahay hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland ee hadda ka socota gobolkii u dambeeyey dalka oo ah Sool.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/GDAW-Copy-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-604\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/GDAW-Copy-1-300x200.jpg\" alt=\"GDAW - Copy\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/GDAW-Copy-1-300x200.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/GDAW-Copy-1-768x511.jpg 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/GDAW-Copy-1.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/GDAW.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-605\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/GDAW-300x200.jpg\" alt=\"GDAW\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/GDAW-300x200.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/GDAW-768x511.jpg 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/GDAW.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/HGFDA-Copy-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-606\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/HGFDA-Copy-1-300x200.jpg\" alt=\"HGFDA - Copy\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/HGFDA-Copy-1-300x200.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/HGFDA-Copy-1-768x511.jpg 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/HGFDA-Copy-1.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/HGFDA.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-607\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/HGFDA-300x200.jpg\" alt=\"HGFDA\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/HGFDA-300x200.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/HGFDA-768x511.jpg 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/HGFDA.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/HGFFDSA-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-608\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/HGFFDSA-1-300x200.jpg\" alt=\"HGFFDSA\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/HGFFDSA-1-300x200.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/HGFFDSA-1-768x511.jpg 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/HGFFDSA-1.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/IYR-Copy-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-609\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/IYR-Copy-1-300x200.jpg\" alt=\"IYR - Copy\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/IYR-Copy-1-300x200.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/IYR-Copy-1-768x511.jpg 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/IYR-Copy-1.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/IYR.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-610\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/IYR-300x200.jpg\" alt=\"IYR\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/IYR-300x200.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/IYR-768x511.jpg 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/IYR.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Nuxurka Qodobo Muhiim ah oo lagu Faaqiday Shirka Guddida Fulinta Ee Xisbiga KULMIYE oo Qabsoomay Hargeysa (GLN )- Guddida Fulinta ee Xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa yeeshay shirkiisa caadiga ahaa oo labadii\u00a0 toddobaadba hal mar qabsooma, waxaana lagu gorfeeyey qodobo dhawr ah oo xaaladda dalka iyo arrimaha xisbiga ku saabsan. Shirkan oo ka qabsoomay xarunta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":603,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-599","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/599","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=599"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/599\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":611,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/599\/revisions\/611"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/603"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=599"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=599"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=599"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}