{"id":5996,"date":"2017-01-12T20:06:47","date_gmt":"2017-01-12T20:06:47","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5996"},"modified":"2017-01-12T20:06:47","modified_gmt":"2017-01-12T20:06:47","slug":"gummaadkii-geedaha-iyo-gurmadkii-ka-dambeeyay-qalinkii-khaalid-foodhaadhi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=5996","title":{"rendered":"Gummaadkii Geedaha iyo Gurmadkii Ka Dambeeyay ! Qalinkii: Khaalid Foodhaadhi"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"margin: 0px; font-family: 'Cambria','serif';\"><span style=\"color: #000000;\">Debis, waa magaalo ka tirsan degmada Cadaadley ee gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland, waxaana ay ku dhawaad 90KM koonfur bari kaga beegantahay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; font-family: 'Cambria','serif';\"><span style=\"color: #000000;\">Magaaladani waxa ku nool dad xoolo dhaqato iyo beeralay iskugu jira, waxaana juquraafi ahaan magaaladani ay tahay buuraley.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; font-family: 'Cambria','serif';\"><span style=\"color: #000000;\">Deegaankan ayaa waxa ka hirgalay mashaariic dhanka horumarinta ah gaar ahaan ilaalinta deegaanka, kuwaasi oo dib loogu soo noolaynayo dhirtii dhimatay iyo kuwo cusub oo dib loo beerayo si loo ilaaliyo deegaanka, iyadoo halkaasi laga dhisay Dhaamam iyo Barkado lagu keydiyo biyaha si loogu waraabiyo dhirta halkaasi laga beeray isla markaana ay dadka deegaanku ka faa\u2019idaystaan.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; font-family: 'Cambria','serif';\"><span style=\"color: #000000;\">Mashruurcan oo ay hirgalisay wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa waxa maalgaliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano SDF. Waxaana mashruucani uu noqday mid dadka deegaanku ay si wayn uga faa\u2019idaystaan isla markaana ay ka helaan shaqo-abuur iyo deegaan wanaagsan oo cagaaran.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; font-family: 'Cambria','serif';\"><span style=\"color: #000000;\">Cawil Cabdi Xayd oo ah madaxa mashruuca seeraha Debis ayaa sheegay in deegaanka mashruucani laga hirgaliyay uu ka kooban 23-KM oo isku weer ah, iyadoo hadda la doonayo in laga dhigo mid gebi ahaanba cagaaran isla markaana ka badqaba aafada xaalufinta deegaanka, sida garaacista dhirta iyo wixii la mid ah.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; font-family: 'Cambria','serif';\"><span style=\"color: #000000;\">Dhirta haatan laga beeray deegaankan ayaa waxay ka koobanyihiin; Qudhac, Maraa, Galool, Qansax, Cadaad iyo Sogsog \u2013 sida uu markale sheegay Cawil Cabdi Xayd.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; font-family: 'Cambria','serif';\"><span style=\"color: #000000;\">Deegaankan haatan laga hirgaliyay mashruucan dhiraynta ayaa waxa uu ahaan jiray deegaan dhirta lagu kobciyo kaddibna loo qaybiyo gobollada waqooyi ee dalkii la isku odhan jiray jamhuuriyadda Soomaaliyeed.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; font-family: 'Cambria','serif';\"><span style=\"color: #000000;\">Dhinaca kale, dadka deegaankan oo intooda badani ahaa kuwo dhirta garaaca isla markaana dhuxul ka sameeya si ay nolol maalmeedkooda ugala soo baxaan ayaa waxa haatan intooda badani ay joojiyeen garaacistii dhirta iyo xaalufitintii deegaanka, iyadoo markii mashruucan la bilaabay uu shaqo abuur badan ka dhashay isla markaana ay halkaasi shaqo badan ka heleen dadkii dhuxusha garaaci jiray.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; font-family: 'Cambria','serif';\"><span style=\"color: #000000;\">\u201cAnigu waxaan kamid ahaa dhuxulaysatadii ama dadka dhuxusha garaaca imikana waxaan ahay nin mashruucan ka shaqeeya oo wasaaradda deegaanka u shaqeeya\u201d Sidaasi waxa yidhi Khadar Maxamed Cawaale oo mashruucani ka faa\u2019idaystay isla markaana kamid ah shaqaalaha joogtada ah ee haatan mashruucaasi ka hawl-gala.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; font-family: 'Cambria','serif';\"><span style=\"color: #000000;\">Ugu dambeyntii, dadka deegaanka ayaa waxa ay codsadeen in loo dhiso goobo waxbarasho iyo caafimaad maadaaama deegaanku aanu lahayn goobo<\/span><span style=\"color: #000000;\">\u00a0 <\/span><span style=\"color: #000000;\">waxbarasho iyo caafimaad. Waxayna codsigooda usoo jeediyeen hay\u2019adda SDF iyo xukuumadda Somaliland.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; font-family: 'Cambria','serif';\"><span style=\"color: #000000;\">Sidoo kale, dadka deegaanku waxa ay codsadeen in loo kordhiyo tirada shaqaalaha mashruuca ka hawl-gala, maadaama haatan ay shaqaaluhu ku yaryihiin.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; font-family: 'Cambria','serif';\"><span style=\"color: #000000;\">Qalinkii: Khaalid Foodhaadhi<\/span><\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; font-family: 'Cambria','serif';\"><a><span style=\"color: #000000;\">khaalifoodhaadhi@gmail.com<\/span><\/a><\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000; font-family: Calibri;\">\u00a0<a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/15996033_1313186815422733_955125040_n.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-5997\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/15996033_1313186815422733_955125040_n-300x128.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"128\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/15996033_1313186815422733_955125040_n-300x128.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/15996033_1313186815422733_955125040_n-768x327.jpg 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/15996033_1313186815422733_955125040_n-800x341.jpg 800w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/15996033_1313186815422733_955125040_n.jpg 960w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Debis, waa magaalo ka tirsan degmada Cadaadley ee gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland, waxaana ay ku dhawaad 90KM koonfur bari kaga beegantahay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa. Magaaladani waxa ku nool dad xoolo dhaqato iyo beeralay iskugu jira, waxaana juquraafi ahaan magaaladani ay tahay buuraley. Deegaankan ayaa waxa ka hirgalay mashaariic dhanka horumarinta ah gaar ahaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":5997,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-5996","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5996","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5996"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5996\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5998,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5996\/revisions\/5998"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5997"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5996"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5996"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5996"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}