{"id":6067,"date":"2017-01-15T10:34:44","date_gmt":"2017-01-15T10:34:44","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=6067"},"modified":"2017-01-15T10:34:44","modified_gmt":"2017-01-15T10:34:44","slug":"colaadda-israaiil-iyo-falastiiniyiinta-fransiiska-oo-martigalinaya-shirweyne-caalami-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=6067","title":{"rendered":"Colaadda Israa&#8217;iil iyo Falastiiniyiinta: Fransiiska oo martigalinaya shirweyne caalami ah"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Shirweyne caalami ah oo lagu doonayo in lagu bilaabo wadahadalladii nabadda ee u dhaxeeyay Israa&#8217;iil iyo Falastiiniyiinta ayaa lagu qabtay magaalada caasimadda u ah waddanka Faransiiska ee Paris.<\/p>\n<p>Wufuud ka kala socota 70 dal ayaa la filayaa inay markale caddeeyaan taageerada ay u hayaan xalka labada dal ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda taagneyd mudada tobannaanka sana ah.<\/p>\n<p>Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay shirka hasayeeshee Israa&#8217;iil oo aanan shirkaa ka qeybgalayn ayaa sheegaysa in shirka iyada looga soo horjeedo.<\/p>\n<p>Wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadalladii tooska ahaa ayaa burburay bishii Abriil ee 2014 kaddib markii ay xaaladdu qaraaraatay.<\/p>\n<p>Israa&#8217;iil iyo Falastiiniyiinta ayaa loogu yeeray inay dhageystaan waxa ka soo baxa gebagabada shirka, hasayeeshee laguma casuumin inay shirka ka qeybqaataan.<\/p>\n<p>Shirkan ayaa imanaya xilli ay xiisadi ka dhex taagan tahay Israa&#8217;iil iyo beesha caalamka kaddib markii ay Qaramada Midoobay bishii la soo dhaafay meelmarisay qaraar ay ku diidan yihiin dhaqdhaqaaqyada ay Israa&#8217;iil deegaamaynta uga waddo dhulka ay haysato.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shirweyne caalami ah oo lagu doonayo in lagu bilaabo wadahadalladii nabadda ee u dhaxeeyay Israa&#8217;iil iyo Falastiiniyiinta ayaa lagu qabtay magaalada caasimadda u ah waddanka Faransiiska ee Paris. Wufuud ka kala socota 70 dal ayaa la filayaa inay markale caddeeyaan taageerada ay u hayaan xalka labada dal ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":6068,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6067","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6067","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6067"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6067\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6069,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6067\/revisions\/6069"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6068"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6067"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6067"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6067"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}