{"id":6123,"date":"2017-01-15T21:57:17","date_gmt":"2017-01-15T21:57:17","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=6123"},"modified":"2017-01-15T22:17:59","modified_gmt":"2017-01-15T22:17:59","slug":"faallo-waraysiga-af-hayeenka-al-shabaab-maxaa-iiga-baxay-qalinkii-cabdishakuur-x-muxumed-heersare","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=6123","title":{"rendered":"Faallo: Waraysigii Af-hayeenka Al-Shabaab Maxaa Iiga Baxay? Qalinkii: Cabdishakuur Heersare"},"content":{"rendered":"<p>In muddo ah aniga oo aan daawan waraysi laga qaaday masuul sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayaan dhawaan daawaday waraysi lala yeeshay afhayeenka Al-Shabaab Cali Raage. Waxaana waraysiga la yeeshay suxufiga Xamse Maxamed, waxaana baahisay warbaahinta Dalsoor.<br \/>\nWaraysigaa oo laba qaybood laga dhigay labada ba waxa aan fursad u helay in aan daawado. Haddii aan si kooban u sheego waraysigan markii aan daawaday waxaa  iiga baxay inuu yahay waraysi Al-Shabaab ay fursad u heshay inay bulshada farriintooda soo gaadhsiiyaan. Sababta oo ah, su&#8217;aalaha uu weriyuhu afhayeenka waydiiyey badankoodu waa kuwo jawaabahoodu ay sii caddaayeen oo marka hore ba mowqifka Al-Shabaab waafaqsanaa. Laakiin su&#8217;aashu waxay tahay; Al-Shabaab weriyeyaasha waa la col oo waxay ku jiraan bar-tilmaameedyada ay gumaadka iyo dagaalka ba kula jiraan, maxaa xilligan keenay inay ogoladaan in la waraysto? Haddii ba ay ogolaadeen in la waraysto sida dhacday ba intee in leeg ayuu weriyaha waraysanayaa uu madaxbannaani iyo kalsooni dareemayaa? Maxay yihiin su&#8217;aalaha mudan ee la waydiinayaa?<br \/>\nHaddii aan waraysiga ku noqdo, noociisu waa waraysiga dheer (long interview). Wuxuu u baahan yahay diyaarin iyo fikir xeel-dheer. Waxa si gaar ah la isu dul-taagaa  kala xulashada su&#8217;aalaha mudan ee diiradda la saarayo iyo in waraysigu yeesho ujeeddo cad oo loo socda iyo geeddi-socod nidaamsan.<br \/>\nInta badan su&#8217;aalaha uu weriyuhu waydiiyey afhayeenka Al-Shabaab waxay ahaayeen su&#8217;aalo kala madax bannaan. Marar kooban ayay dhacday inuu ku celiyo waxa loo yaqaanno (follow up questions) oo ah su&#8217;aalaha ka dhasha ee la socda su&#8217;aashii hore ee la waraystaha la waydiiyey.<br \/>\nSu\u2019aalaha la waydiiyey afhayeenka ee aan sugayey jabaabta uu ka bixin doono waxa ka mid ahaa sababta ay dadka muslimiinta ah u laayaan una qarxiyaan. Wuxuu afhayeenku ku jawaabay in aanay dadka muslimka ah layn, balse ciddii ku xidhan kuwa uu dagaalku ka dhexeeyo sida dawladda iyo AMISOM aanay u tudhayn. Wuxuuna sheegay huteelada ay qarxiyaan inay iyaga ugu qoran yihiin xeryo ciidan, oo dawladdii degtay isla markaana ay madaxdda dawladdu seexdaan. Halkii ay ahayd in weriyuhu tusaaleyaal soo qaato oo uu afhayeenka waydiiyo may dhicin ee su\u2019aal uu ku celiyey na sideedi uga ma jawaabin ee wuu baal maray.<br \/>\nWaxa la waydiiyey afhayeenka haddii ay urur ahaan rabaan inay dalka xukumaan sababta ay doorashada uga qayb geliwaayeen. Wuxuu ku tilmaamay baadil iyo xaaraan. Taasina waa jabaab iska caddayd inay doorasha ba iska daaye ay nidaamka ba diidan yihiin.<br \/>\nWaxa kale oo muhiim ahayd oo la waydiiyey afhayeen ahaan illaa xadka uu ka diirnaxayo dhallinyarada labada dhinac ba adeegsanayaan ee dagaallada ku dhimanaya. Wuxuu ba ku faanay in dhallinyarada xaggooda ku dhimanaysaa ay sharaf iyo karaamo ku dhimanayaan oo janno tegayaan. Halka uu kuwa ka soo horjeeda ee dawladda u dagaalamaya uu ku sheegay inay meel xun ku dhimanayaan. Markaa inuu ka naxo iska daaye wuxuu sheegay inuu dhimashooda ku faraxsan yahay isagoo kala qaaday.<br \/>\nSi guud su\u2019aalahii la waydiiyey afhayeenka Al-shabaab waxay ahayeen kuwo jawaabihii uu ka bixiyey iyaga faa\u2019ido iyo farriin gudbin u ahayd. Weriyuhu wuu muujiyey inay su\u2019aalo kulul weydiiyo, balse muhiimada la raacayaa waxay tahay jawaabta uu bixiyey sida ay ahayd. Su\u2019aal kasta oo la waydiiyo wuxuu waajafiyey sida rabaan oo ee ay socdaan.<br \/>\nWaxa aan jeclahaan lahaa in bahda Dalsoor aan mar kale weydiiyo su\u2019aalahan soo socda, laakiin aan ka horraysiiyo\u2019e waxa aad waraysateen nin isaga iyo kuwa uu afhayenka u yahay ba aaminsan in kuwa ka soo horjeeda ee ay la dagaalamayaan ay gaalo yihiin. In iyagu ay xaqa ku taagan yihiin oo ay diinta iyo dalka u dagaalamaan. Marka ay sidaa tahay idinka Dalsoor ahaan maxay ahayd ujeeda dhabta ah ee aad waraysigaa u qaadeen? Maxaad rabteen in waraysigaa uu ka soo baxo? Su\u2019aalaha la waydiinayo afhayeenka miyaydaan falanqayn iyo rog-rogis ku samayn? In Al-Shabaab oo weriyeyaasha dil ugu xukuman oo weriyeyaal badani dalka uga qaxeen ay idinka idin yeelaan oo waraysi idin siiyaan maxay ka turjumaysaa? Ma xidhiidh gaar ah ayaa idinka dhexeeya? Intee in leeg ayaad dareensan tihiin inaad farriintii Al-shabaab meel fog aad gaadhsiiseen? Idinku dib u qiimayn ma ku samayseen waraysigaa iyo natiijadii ka soo baxday?<br \/>\nDalsoor ahaan warbixinno kala duwan oo qiimo badan ayaad samayseen oo bulshada kaalin wax ku ool ah ayaad ugu jirtaan. Laakiin doorkan waraysigan aad afhayeenka Al-shabaab ka qaadeen anigu umaan bogin. Waxaana ay iga tahay talo iyo toosin.<br \/>\nTalo ahaan waxa aan soo jeedinayaa, macne weyn ma ah in aad waraysato masuul xilkiisu sarreeyo ama aad loo raadinayo, laakiin macnuhu wuxuu ku jiraa waa su\u2019aalaha aad waydiinayso iyo xogta kaaga soo baxaysa. Waraysigaana waxa qiimo u leelaya marka aad ogtahay ee aad sii odorosi kartid nadiijadada ka soo baxaysa. Marka aad masuul su\u2019aal weydiiso inaad si dhugan ula socota sida uu uga jawaabayo, inuu jawaabta guud maray, inuu maldahay iyo inuu sharaxaad kuu galay oo uu ku illowsiinayo nuxurka aad rabto.<br \/>\nCabdishakuur  X. Muxumed (Heersare)<br \/>\nCabdiheersare01@hotmail.com<br \/>\nhttp:\/\/heersare1.blogspot.no\/<br \/>\n<a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/Afhayeenka-Al-Shabaab.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/Afhayeenka-Al-Shabaab-300x169.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"169\" class=\"alignnone size-medium wp-image-6124\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/Afhayeenka-Al-Shabaab-300x169.png 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/Afhayeenka-Al-Shabaab-768x432.png 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/Afhayeenka-Al-Shabaab-1024x576.png 1024w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/Afhayeenka-Al-Shabaab-800x450.png 800w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/Afhayeenka-Al-Shabaab.png 1920w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>In muddo ah aniga oo aan daawan waraysi laga qaaday masuul sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayaan dhawaan daawaday waraysi lala yeeshay afhayeenka Al-Shabaab Cali Raage. Waxaana waraysiga la yeeshay suxufiga Xamse Maxamed, waxaana baahisay warbaahinta Dalsoor. Waraysigaa oo laba qaybood laga dhigay labada ba waxa aan fursad u helay in aan daawado. Haddii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6124,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6123","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6123","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6123"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6123\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6126,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6123\/revisions\/6126"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6124"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6123"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6123"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6123"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}