{"id":633,"date":"2016-08-29T19:49:39","date_gmt":"2016-08-29T19:49:39","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=633"},"modified":"2016-08-29T19:49:40","modified_gmt":"2016-08-29T19:49:40","slug":"guddoomiyaha-xisbiga-kulmiye-oo-la-kulmay-safiirka-dowladda-ingiriiska-u-qaabilsan-somaliland-iyo-somaliya-iyo-wafti-ay-hoggaaminayso-oo-booqasho-ku-yimi-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=633","title":{"rendered":"Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo La Kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska U Qaabilsan Somaliland iyo somaliya ,iyo Wafti ay Hoggaaminayso Oo Booqasho ku Yimi Somaliland."},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(GLN)_Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye muuse Biixi\u00a0 Oo maanta La Kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska U Qaabilsan Somaliland iyo somaliya ,iyo Wafti ay Hoggaaminayso Oo Booqasho ku Yimi Somaliland.<br \/>\n29 August 2016<br \/>\nWar-saxaafadeed\u00a0 Gordhawayd ka Soo Baxay Xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa sidan Udhignaa.<\/p>\n<div id=\":me\" class=\"ii gt adP adO\">\n<div id=\":op\" class=\"a3s aXjCH m156d794e6a0f7545\">Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu la kulmay Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Harriet Mathews iyo wefti ay hoggaaminayo oo booqasho ku yimi dalka Somaliland.<br \/>\nGuddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo uu weheliyo Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), waxay weftiga Safiirka la yeesheen kulan saacado qaatay oo ka dhacay huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa galinkii dambe ee maanta, kaas oo ay kaga wadahadleen arrimo ku saabsan danaha labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska iyo waxyaabaha ay ka wadashaqeeyaan.<br \/>\nGuddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland iyo Safiirka Ingiriisku waxay iska waraysteen xaaladdaha guud ee Mandaqada, qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhinacyada dawladda Ingiriiska iyo guud ahaan beesha caalamku kala shaqeeyaan Somaliland sidii loo sii horumarin lahaa.<br \/>\nLabada dhinac waxay si xoogga ah uga wadahadleen arrimaha doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada iyo u diyaargarowga qabsoomidooda.<br \/>\nGuddoomiyaha KULMIYE Mudane, Muuse Biixi waxa uu u sheegay in hawlaha loogu diyaaragaroobayo doorashooyinku gabogabo yihiin, maadaama diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinku dhammaad ku dhawdahay oo uu socdo gobolkii u dambeeyey oo ah Sool. Waxa kaloo uu u caddeeyey weftiga Ingiriiska mowqifka xisbiga iyo xukuumaddiisu inuu yahay in doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda bisha March 2017, isl markaana ay horeba u dhammaystireen oo aanay waxba ka qabyo ahayn doorashada Madaxtooyada, balse caqabadda keliya ee jirtaa ay ku kooban tahay doorashada Golaha Wakiillada oo xeerkii lagu dooran lahaa xildhibaannadu aannu weli diyaar ahayn.<br \/>\nQodobada kale ee masuuliyiinta KULMIYE iyo Safiirku ka wadahadleen waxa ka mid ahaa wadahadallada u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya iyo horumarin laga sameeyo gobollada bari ee Somaliland, iyadoo la qiimaynayo diiwaangelinta codbixiyayaasha ee ka hirgashay iyo shirarka wadahadallada wax-wada-lahaanshaha iyo nabadda ah ee u socda shacabka deegaanadaasi iyo dawladoodda.<br \/>\nDhankeeda Safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya Harriet Mathews oo ay wehelinaysay sarkaalka dhinaca siyaasadda u qaabilsan Safaaradda UK ee Itoobiya Lizzie Lovett, waxay ka mahadceliyeen soo dhawaynta iyo kulanka ay la yeesheen hoggaanka xisbiga KULMIYE.<br \/>\nHarriet Mathews waxay soo dhawaysay dadaallada xisbal-xaakimka Somaliland iyo xukuumaddiisu wadaan iyo mowqifka cad ee rabitaankooda doorashooyinka oo ku dhaca waqtigooda.<br \/>\nWaxa kaloo Safiirku xustay in dawladeeda Ingiriiska ay ka go\u2019antahay sii wadida taageerada hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo arrimaha horumarinta adeegyada aasaasiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.<\/p>\n<p>ALLAA MAHAD LEH.<\/p>\n<p>Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)<br \/>\n_________________________________<br \/>\nAf-hayeenka Xisbiga KULMIYE<br \/>\nEmail: <a href=\"mailto:kulmiyemanager@gmail.com\" target=\"_blank\">kulmiyemanager@gmail.com<\/a><\/p>\n<div class=\"yj6qo\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div id=\":m3\" class=\"hq gt\">\n<div class=\"hp\"><\/div>\n<div id=\":m2\" class=\"ho\"><span class=\"aVW\"> <a href=\"http:\/\/media1.tvsomalilandeurope.net\/2016\/08\/hgr.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-6589\" src=\"http:\/\/media1.tvsomalilandeurope.net\/2016\/08\/hgr.jpg\" alt=\"hgr\" width=\"800\" height=\"533\" \/><\/a> <a href=\"http:\/\/media1.tvsomalilandeurope.net\/2016\/08\/nom.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-6590\" src=\"http:\/\/media1.tvsomalilandeurope.net\/2016\/08\/nom.jpg\" alt=\"nom\" width=\"800\" height=\"533\" \/><\/a> <a href=\"http:\/\/media1.tvsomalilandeurope.net\/2016\/08\/nv.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-6591\" src=\"http:\/\/media1.tvsomalilandeurope.net\/2016\/08\/nv.jpg\" alt=\"nv\" width=\"800\" height=\"533\" \/><\/a><\/span><\/p>\n<div class=\"aZi J-J5-Ji\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div id=\":qn\"><\/div>\n<div id=\":qa\" class=\"aQH\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(GLN)_Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye muuse Biixi\u00a0 Oo maanta La Kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska U Qaabilsan Somaliland iyo somaliya ,iyo Wafti ay Hoggaaminayso Oo Booqasho ku Yimi Somaliland. 29 August 2016 War-saxaafadeed\u00a0 Gordhawayd ka Soo Baxay Xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa sidan Udhignaa. Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":634,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-633","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/633","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=633"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/633\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":635,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/633\/revisions\/635"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/634"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=633"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=633"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=633"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}