{"id":6486,"date":"2017-01-24T20:47:37","date_gmt":"2017-01-24T20:47:37","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=6486"},"modified":"2017-01-24T20:47:37","modified_gmt":"2017-01-24T20:47:37","slug":"nuxurka-wareegto-uu-soo-saaray-madaxwaynaha-somaliland-oo-ku-saabsan-sicirbararka-dalka-ka-jira","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=6486","title":{"rendered":"Nuxurka Wareegto Uu Soo Saaray Madaxwaynaha Somaliland Oo Ku Saabsan Sicirbararka Dalka Ka Jira."},"content":{"rendered":"<p><strong>Madaxwaynaha Somaliland Oo Saxeexay Qorshaha Deg-dega ah ee Joojinta Sicir-bararka dalka<\/strong><\/p>\n<p>Taariikh: &#8211; 24\/01\/2017<\/p>\n<p>WAR-SAXAAFADEED<\/p>\n<p>Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu caawa wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL\/M\/WM\/222-4504\/012017, ka saxeexay Qorshaha Deg-dega ah ee Joojinta Sicir-bararka dalka.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu:<\/p>\n<p>Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hargeysa<\/p>\n<p>Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa<\/p>\n<p>Ku: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Hargeysa<\/p>\n<p>Ku: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Hargeysa<\/p>\n<p>Ku: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Hargeysa<\/p>\n<p>Ku: Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL Hargeysa<\/p>\n<p>Ku: Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Hargeysa<\/p>\n<p>Og: Dhammaan Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Dalka Fadhiyadooda<\/p>\n<p>Og: Dhammaan Agaasimeyaasha Guud ee Dawladda Hargeysa<\/p>\n<p>Og: Dhammaan Taliyeyaasha Ciidammada Qaranka Fadhiyadooda<\/p>\n<p>Og: Guddoomiyeyaasha Ha&#8217;yadaha Dawladda Hargeysa<\/p>\n<p>Og: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Hargeysa<\/p>\n<p>Og: Shir-guddoonka Golaha Wakiilladda JSL Hargeysa<\/p>\n<p>&lt;span&lt; span=&#8221;&#8221;&gt;<\/p>\n<div><ins id=\"aswift_1_expand\"><ins id=\"aswift_1_anchor\"><\/ins><\/ins><\/p>\n<\/div>\n<p><span id=\"spnCOntent\">Shir-guddoonka Golaha Guurtida JSL Hargeysa<\/span><\/p>\n<p>Og: Madaxweyne ku-xigeenka JSL Hargeysa<\/p>\n<p>Ujeeddo: Qorshaha Deg-dega ah ee Joojinta Sicir-bararka<\/p>\n<p>Mudanayaal,<\/p>\n<p>Tix-raac Go&#8217;aankii Golaha Wasiirrada ee tirsigiisu yahay Lr. 212aad kuna taariikhaysnaa 24\/01\/2017, kaasoo lagaga dooday laguna falanqeeyey daraasaad qoto dheer oo ay soo bandhigeen Guddidii aan u xil saaray qiima dhaca Shilinka Somaliland. Gabagabadii Kal Fadhigaa Aan Caadiga Ahayn, waxay dhamman xubnaha Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen kuna taageereen in la qaado tallaabooyinkan deg-dega ah ee lagaga hor tagayo sicir-baraka iyo qiima dhaca Shilinka Somaliland.<\/p>\n<p>Haddaba, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qodobadii ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen, kuwaas oo ah qorshaha deg-dega ah ee joojinta sicir-bararka, waana sidan:<\/p>\n<p>\u2022 Adkaynta iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee hay&#8217;adaha ay sida tooska ah arrintani u khusayso oo kala ah:<\/p>\n<p>\u2022 Baanka Dhexe ee JSL<\/p>\n<p>\u2022 Wasaaradda Maaliyadda<\/p>\n<p>\u2022 Wasaaradda Ganacsiga<\/p>\n<p>\u2022 In la joojiyo kharashaadka dawladda (Government Expenditure) ee lagu bixiyo lacagta adag ee Doolar-ka ah, marka laga reebo Raashinka Ciidammada, Wakiillada Dibedda ee JSL, Safarrada Dibedda ee Madaxda Dawladda iyo kharashka hawada sare ee TV-ga Qaranka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u2022 In Wasaaradda Maaliyaddu iyo Baanka Dhexe ay abuuraan guddi laba geesood ah oo ka kooban afar xubnood oo kala ah:<\/p>\n<p>\u2022 Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda<\/p>\n<p>\u2022 Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL<\/p>\n<p>\u2022 Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee JSL<\/p>\n<p>\u2022 Xisaabiyaha Guud ee Qaranka<\/p>\n<p>Guddidaasi waxay si wada jir ah u xaraashi doonaan lacagaha US Dollar-ka ah iyo Shillinka Somaliland, si ay isugu dheeli-tiraan baahida Dollar-ka iyo Shillinka Somaliland, una suurta-geliyaan heer ay is leekaadaan labada baahiyood ee Shillinka iyo Dollar-ka (Demand and Supply Equilibrium).<\/p>\n<p>\u2022 In la joojiyo kharashaadka Dawladda ee ku baxaya Shillinka Somaliland muddada lala dagaalamayo sicir-bararka iyo qiima dhaca Shillinka Somaliland, marka laga reebo Mushaaharka Shaqaalaha, Ciidammada, kharashka hawl socodsiinta iyo gurmadka abaaraha.<\/p>\n<p>\u2022 In shirkadaha waaweyn ee leh bangiyada gaarka ah (Private Banks) sida Dahabshiil Group iyo Telesom Group, ay si rasmi ah u joojiyaan isku beddelka lacagaha qalaad (Foreign Money Exchange), sidoo kale ganacsatada waaweyn ee wax dhoofisa waxna soo dejisa sida Shirkadda Oomaar, Shirkadda Deero iyo IWM, aanay iyaguna si toos ah iyo si dadban toona uga ganacsan karin isku beddelka lacagaha.<\/p>\n<p>\u2022 In Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil ee leh adeegga Zaad iyo E-Dahab, ay joojiyaan lacagta Dollar-ka ee lagu shubayo telefoonnada gacanta wixii ka yar $100 (Two Digits), kana saaran nidaamkooda Dollar-ka.<\/p>\n<p>\u2022 Si kor loogu qaado isticmaalka Shillinka Somaliland, waa in Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil adeegyadooda Zaad yo E-Dahab ay ka dhigaan ku shubashada iyo ku kaydsiga lacageed mid aan xad lahayn oo Shillinka Somaliland.<\/p>\n<p>\u2022 Maadaama lacagta sharciga ah ee Dalkani leeyahay (Legal Tender) ay tahay Shillinka Somaliland, sida uu dhigayo Xeerka 32aad ee Baanka Dhexe ee JSL, waa in ganacsatada bixisa adeegyada kala duwan (Service Providers) iyo kuwa ka ganacsada alaabta (Purchasing Goods) ay ku saleeyaan iibkooda Shillinka Somaliland, gaar ahaan bixinta kharashyada loo isiticmaalo bishii, sida ajuurada waxbarashada (School Fees), bixinta nalka, biyaha, kirada guryaha, ku shubashada telefoonnada gacanta iyo IWM.<\/p>\n<p>\u2022 In bangiyada gaarka loo leeyahay (Private Banks) ay macaamiishooda u furaan Xisaab Shillinka Somaliland, maadaama ay tahay lacagta sharciga ah ee dalku leeyahay.<\/p>\n<p>\u2022 Waa in la xoojiyaa awoodda Baanka Dhexe ee JSL ee uu siinayo Xeerka Baanka Cutubkiisa 2aad Qodobkiisa 4aad.<\/p>\n<p>\u2022 Waa in mustaqbalka fog Baanka Dhexe ee JSL loo abuura rasamaal ballaadhan.<\/p>\n<p>\u2022 Waa in la hakiyo Saddex Biloodka ugu horreya ee soo socda hawlgelinta shaqaalaha iyo ciidammada cusub ee ku jira Miisaaniyadda sannadka 2017-ka.<\/p>\n<p>\u2022 Isticmaal la&#8217;aanta lacagta qaranku waa dembi. Sidaa darteed, waa waajib Qaran in dhammaan muwaadiniinta iyo shisheeyaha ku nool Jamhuuriyadda Somaliland, ay si rasmi ah u adeegsadaan, waxna ku iibinyaan waxna ku iibsadaan cumladda dalka. Cid kasta oo ka hortimaadda dhaqangalkeeda iyo isticmaalkeeda, waxaa laga qaadayaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.<\/p>\n<p>\u2022 Waxaa reebban in shaqaale weynaha dawladda, ciidammada iyo madaxda kala duwan ee qaranku ay ku beddelaan mushaharkooda lacagta Dollar-ka. Sidoo kale, waxaa reebban in sarriflyaashu wax ku beddelaan ama lacagaha qalaad ku sarrifaan Baanka Dhexe iyo Laamaha Gobollada, ama agagaarkooda.<\/p>\n<p>\u2022 Waxaa la mamnuucay in aanu sarrifka Dollar-ku dhaafi karin SL.SH\/=7,000 (Toddoba Kun oo Somaliland Shillings).<\/p>\n<p>\u2022 In la dhiso kalsoonida Baanka Dhexe ee shacbiga iyo ganacsatada, si taa loo meelmariyo, waa in dib u habayn lagu sameeyo Guddida Agaasinka Baanka Dhexe ee JSL (Board of Directors).<\/p>\n<p>\u2022 In la hubiyo nidaamka iyo qaabka ay wax u sarrfitaan Wakiillada iyo ganacsatada ka xoogsada Jaadka.<\/p>\n<p>Haddaba, maadaama loo baahan yahay in si deg-dega loo hirgeliyo qorshahan, waxaan hirgelinta iyo dabagalka hawshan u magaacabay masuuliyiintan soo socda:<\/p>\n<p>\u2022 Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL.<\/p>\n<p>\u2022 Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.<\/p>\n<p>\u2022 Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.<\/p>\n<p>\u2022 Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.<\/p>\n<p>\u2022 Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah.<\/p>\n<p>\u2022 Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, waxaan farayaa dhammaan masuuliinta ay warqaddani sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu socoto, in ay meelmariyaan, fuliyaanna go&#8217;aamadan ka soo baxay Golaha Wasiirrada JSL, isla markaana ay sharciga la tiigsadaan cid kasta oo ka hor-timaadda dhagan-galkooda.<\/p>\n<p><strong>Allaa Mahad Leh,<\/strong><\/p>\n<p><strong>Axmed Maxamed Silanyo<\/strong><\/p>\n<p><strong>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxwaynaha Somaliland Oo Saxeexay Qorshaha Deg-dega ah ee Joojinta Sicir-bararka dalka Taariikh: &#8211; 24\/01\/2017 WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu caawa wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL\/M\/WM\/222-4504\/012017, ka saxeexay Qorshaha Deg-dega ah ee Joojinta Sicir-bararka dalka. Madaxweynuhu: Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hargeysa Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa Ku: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":6487,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6486","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6486","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6486"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6486\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6488,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6486\/revisions\/6488"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6487"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6486"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6486"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6486"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}